Sign in to follow this  
Cowke

Hizbi Islam Welcomes Libyan Based Peace-Talks Between Warring Factions

Recommended Posts

Cowke   

Xisbul-Islaam oo dhexaadinta Liibiya soo dhawaysay.

 

 

Muqdisho: (Bosasomedia) Xogyahaha Xafiiska warfaafinta ee Xisbul-Islaam Sheekh Max’ed Macalin Cali oo saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Ururka Xisbul-islaam ay diyaar u yihiin dhex dhexaadin kasta oo kaga timaada wadamada ay saaxiibka yihiin anha muslimiinta isagoo tusaale u soo qaatay hogaamiyaha dalka Liibiya Macamur Al qadaafi oo dhawaanahan la hadal hayay in uu dhex dhexaadin ka dhex samaynayo dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasadda Soomaaliya.

 

Waxaa uu meesha ka saaray aqbalaad ku aadan dhex dhexaadin ay ka dhex sameeyaan Soomaalida wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD oo uu sheegay in mudadii 19-kii sano ee ugu dambeeyay ay dambi ka galeen shacbiga Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale xogyahaha Afhayeenka Ururka Xisbul-Islaam waxaa uu cadeeyay in aysan wax amni daro ah ka jirin meelaha ay ka arimiyaan Ururka-Xisbul Islaam sida degmada Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay falal amaan xumo ah laga soo sheegayay.

 

Hadalka ka soo yeeray Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa uu daba joogaa hadal dhawaan ka soo yeeray Al-Shabaab kaasoo ku aadana in ay soo dhaweynayaan dhex dhexaadin ku salaysan Shareecada Islaamka oo ay ka dhex sameeyeen wadamo islaam ah.

 

 

Xafiiska Wararka Bosasomedia ee Garowe:-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maahmaahdii maxee ahayd? Nin daad qaaday xumbo...

 

Wey ka taalaa. Iyagii ayaaba sii kala jabjabooyo hoos hoosaad. Hiiraan fiasco is the latest, forcing Macoow to seek army reinforcement from Ahlusunna Wajameeca of all groups. Ar Soomaalidaa.

 

This Macoow dude is free shopping. Mar dowladda kumeelgaarka la safnaa. Mar kuwaas Dhalinta la baxay u tagay. Marna kuwaan Ururka Islaamka la baxay ku biiray. And finally Ahlusunna ka raadiye caawimaad. Intaas because of kursigiis ilaalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^How is your Sharif Hotel, and Sharif Illeterate government going? Have they build the Villa's in Baidoa for you yet?

 

Ah the fake groups and their nonsense. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this