Sign in to follow this  
SOO MAAL

Qaybe learned Sharif Hassan’s destruction strategies

Recommended Posts

SOO MAAL   

Gudoomiyaha Baarlamanka Mud:Qaybe Oo Dalka Ku Soo laabtay Lana Filayo in uu iskugu yeedho Baarlamanka Posted by: qaran

 

 

Hargeysa-(HWN)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa Shaaca Ka qaadaya In uu dalka Yimi Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland Kana Soo Dhoofay Dalka Imaaradka Carabta Shalay,

 

Warku intaasi waxa uu ku darayaa in Mud:Qaybe oo la Safan Kooxda Mucaaridka ah ee Baarlamanka Oo tiradoodu Gaadhayso 46 uu doonayo in uu baarlamanka iskugu yeedho si loo Si wado Mooshinka La Doonayo in madaxweynaha lagaga Qaado Kalsoonida iyo Maamus-ka,hase ahaatee waxa Ku dhawaaqay In uu Fasax Galay Baarlamanku Shirgudoonka Kale ee ay ka mid Yahin Abdikader ismail Jirde iyo ku xigeenka Labaad.

 

waxa la filayaa in xiisad Siyaasadeed ay ka Aloosanto Somaliland Maalimaha Soo socoda oo ku Saabsan Mooshinkan Adag.

 

Abdiaziz Ahmed Musa

Hadhwanaagnews Reporter

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Gudoomiyaha Baarlamanka Mud:Qaybe Oo Dalka Ku Soo laabtay Lana Filayo in uu iskugu yeedho Baarlamanka.May-12-2005

 

Hargeysa-(HWN)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa Shaaca Ka qaadaya In uu dalka Yimi Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland Kana Soo Dhoofay Dalka Imaaradka Carabta Shalay,

 

Warku intaasi waxa uu ku darayaa in Mud:Qaybe oo la Safan Kooxda Mucaaridka ah ee Baarlamanka Oo tiradoodu Gaadhayso 46 uu doonayo in uu baarlamanka iskugu yeedho si loo Si wado Mooshinka La Doonayo in madaxweynaha lagaga Qaado Kalsoonida iyo Maamus-ka,hase ahaatee waxa Ku dhawaaqay In uu Fasax Galay Baarlamanku Shirgudoonka Kale ee ay ka mid Yahin Abdikader ismail Jirde iyo ku xigeenka Labaad.

 

waxa la filayaa in xiisad Siyaasadeed ay ka Aloosanto Somaliland Maalimaha Soo socoda oo ku Saabsan Mooshinkan Adag.

 

Abdiaziz Ahmed Musa

Hadhwanaagnews Reporter

Hargeysa,Somaliland.

abdiaziz2@hotmail.com

Mobile-002522419063

Home-0025225819

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

MUDANE KA MID AH GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO WARAYSI LALA YEESHAY DIIDAYNA IN MAGACIISA UU SHEEGO.. Posted by: qaran

 

Waxa aanu doonaynay in Rayaale laga qaado jagada fasax ka hor

 

Mudane ka mid ah golaha wakiilada ee Somalilad oo codsaday in aan magaciisa iyo muuqiisa midn aan la shaacin ayaa waxa magaalda Hargaysa ee casimada Somaliland kula kulmay oo wariye madax banaan oo la yidhaa Mustafe Cali Diiriye oo isagu hada jooga magaalada Hargaysa.

 

Wariyuhu waxa uu ku bilaabay warbixintii iyo hadaldii uu ka soo qaaday xildhibaankaasi magaciisa diiday in la shaaciyo.

 

Cabaaro 8:00, fiidnimo ee xalay oo ayaa waxa aan la kulmay mid ka mid ah xildhibaanadii dhawaan xil ka xayuubinta damacsanaa in ay ku soo oogan madaxwaynaha Somaliland Dahir Rayaale Kaahin xildhibaankani oo anu ku kulanay Hotel ah kuwa laga cunteeyo oo ku yaala badhtamaha magaalada Hargaysa ayaa wax aan markii ugu horaysay aan waydiiyay. Mudane waa maxay sababat ka danbaysa talo ka xayuubinta aad la maaganaydeen Rayaale?

 

Horta waxa aay tahay, anaiga iyo inta ila socotaa ee wakiilada ahi wax aanu had iyo goor anu ku taaganhay wadada saxda ah, waxa aanu saxaynaa dimuquraadiyada uu qaloocinaayo madaxwaynahu, had iyo goor waxa uu ka leexadaa shuruucd dalka oo wax uu jeebada kala soo baxaa shuruuc isaga u gaar ah wataas xaqiiqada dhabta ah ee aanu ku haysanaa madaxwaynaha iyo kuwo kaleba, muadanha oo aan waydiiyay maxaa ka mid ah kuwa kale ee aad sheegayso ee ugu mihiimsan waa uu iigu jawaabay waxa ka mid ah goboladii bariga oo uu dayacay, taas ayaana ah ayuu yidhi ta ugu wayn.

 

Waxa aan waydiiyay miyaan la odhan karin arintaasi waa arin la idiin soo dhiibtay oo uu ka danbeeyo xibiga Kulmiye?

 

Mudanahu waxa uu ku jawaabay maya anaga iyo Kulmiye ma jirto wax wada shaqayn ah oo naga dhaxaysa oo arinkan la xidhiidhaa tii ay Kulmiye sheegayeena waa jirtaa oo waa tan aanu wadano oo kale lakiin taayadu shuqul iyo shaqo toona kuma laha talo ka xayuubintaydu tii Kulmiye ay noo soo gudbiyeen.

 

Mar an waydiiyay miyaanay ayaan daro ahay ragiinii in alka ay dhex dhexaad u noqdaan aad xisbiyada ku kala biirtaan idina oo aan xilalkiniina ka tanaasulin?

 

Mudanahu wa uu ii sheegay in ilaa bilowgii ay aasaasmeen xisbiyadu la kala raacsanaa xisbiyada haba ugu badnaadaan xisbiga Udub ee hada talada hayaa. Waxa aan ku celiyay adigu xisbigee ayaad ka tirsantahay hada, hada halkan kaaga sheegi maayo in kasta oo markii danbe uu igu yidhi Udub ama Kulmiye ayuunbaan mid ahay.

 

Waxa aan waydiiyay oo kale maxaad hada qabanys mar hadii ay soo dhawdahy in la idin kala diro oo doorashooyin ay dhici doonaan oo jagooyinkiina mudanayaal la soo doortay ay iman doonaan? Se aigu ma isu soo sharaxaysaa jagadan ad hada hayso iyada oo lagu soo doorto.

 

Hota in mudo ah ayaanu halkan la soo jiifnay maadaama aanu in badn soo shaqaynayny oo aanu wdnka soo gadhsiinay heerkaa wanaagsan ee uu maanta maraayo, ma ah mid meesha qabata ha la kala dareero waxa aanu xaq u leenahay ma aha oo aanu u qalano. Wax aan ku celiyay oo aan waydiiyay maxaad rabtan tusaale ahaan adigu?

 

Walahi waxa aan rabo adba waad fahmi kartaa anigu ma lahi baabuur ma haysto guri hanti ah oo aan anigu leeyahay wax aan ku noolaado sanadka soo socda ma haysto oo aan ahayn gunada yar ee aan helo ee aan ku helo shaqadydan dhamaanaysa.

 

Haa mudane markaa ma sidaas baa sababta aad doonaysaan in aad madaxwaynaha ula goolaaftantaan?

 

Waxa uu iigu jawabay isga oo dhoola cadynaaya mudanahu. Maya horta Rayale waa in uu gartaa in waxaas oo dhib ahi meesha jirto, ragana waa ragii wadanka la waday ee la soo gaadhsiiyay halkaasi, markaa anigu shaqsiyan wax aan qabaa hadii uu Rayaale ragani uu mustaqbal u samyn laha ayna ku soo safaadeen.

 

Wax aan waydiiyay yaad leedahay mustaqbal in ay smyso idinku sow maydaan ahayn meesha ay wax walba ka soo fulaayeen oo xata mar marka qaarkood aad kordhsan jirteen mushaaradiina. Waxa uu iigu jawaabay way jirtay lakiin isaga madaxwaynaha aya meel kastaba wadanka awood ku leh.

 

Hadaba waraysigan oo aan soo koobay waxa iiga muuqatay uun in madaxwaynaha iyo xubnah golaha wakiilaa ee ku kacsani ee lahaa xilka ha laga qado oo cod ha loo qaado, ay ku salaysan tahay uun wakiiladan ku jooga hada wakiilo beeleedyo oo aan beelahooda badankoodu kalsooni buuxda aan ka qabin, in ay xataa u codayn doonaan mark doorashada xort hi timaado ayuunb u eeg in ay ku sii gal gashan meesha oo ay sii ag xagtaan xukumada si ay u helan xooga gacmo maris ah, taasi oo uu madaxwaynuhuna la garn waayay farsamada isku soo wada duuboo ubnahan oo cidkasta lehi wax aay doonayaan sida mudanaha hadalkiisa iiga dhan dhantay xoogaa garasho ah oo loo dhiibo.

 

Mustafe Cali Diiriye

Hargaysa

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Baarlamaanka Maamulka Labaxay S/land oo ku Socda Wadadii Baarlamaanka Embegati

 

{Hargaysa{23 May 2005} Waxaa Bilaabmay Muran iyo isqabqabsi ka Dhexeeya Baarlamaanka iyo Xukuumada isku Magacawday S/land, Ka dib Soo Noqoshadii Qaybe.

 

Murankan ayaa Bilaabmay markii Dhawaan La isku Dayay in Maamuuska laga Qaado Mr Riyaale Kaahin, Isaguna uu ka Xidhay Meeshay ku Shiri Lahaayeen, ka dibna uu kala diray 45 Maalmood isagoo u Adeegsaday Ku Xigeenka Qaybe C/qaadir Ismaaciil Jirde.

 

Arintan ayaa Samada isku Shareertay Marki uu Godoomiha Mr Qaybe uu la Saftay Garabka Mucaaradka ah ee wada Qorshaha Xilka lagaga qaadayo Riyaale.

 

Maanta ayaa waxaa Shir Jaraa"id qabsat C/qaadir Ismaaciil Jirde, waxana uu Sheegay in aanu Awood u lahayn in Qaybe Shiriyo Baarlamaanka Ku Xigeenkiisa La"aantii.

 

Arintan ayaa ah Mid Awooda Qaybe Hoos loogu Dhigaayo oo la Rabo in Go"aanka lala qaybsado.

 

Qaybe ayaa isna Sheegay in aanu Jirde Mudnayn in loo Jawaabo, waxaana uu u Muujiyay Quudhsi, Isagoo Tilmaamay in Awooda Gudoominta Barlamaanka uu iasagu Leeyahay Mar haduu Joogo.

 

Herdankan Siyaasadeed ayaa u eg in Afka Ciida loo Darayo Xukuumada Riyaale, Waa haday Guulaysaan Garabka Qaybe, Halka Badda lagu Daraayo Siilaanyo iyo Mucaaradkiisa Hadii looba Diido Aqalkay ku Shiri Jiree.

 

Arintan ayaa u eg Tii Baarlamaanka DKGS oo u kala jabtay Labo Garab, Halisna Gelisay Midhihii Beesha Caalamka ee Labada sano.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Xiisad ka dhex taagan xubnaha guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland

 

Isniin, May 23, 2005(HOL)@20:30GMT: Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xiisad ka dhex taagan tahay xubnaha golaha wakiillada ee maamulkaas, gaar ahaan guddoonka golaha.

 

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii guddoomiyaha golaha wakiillada Maxamed Aadan Qeybe uu maanta taageeray mooshin ay dhowaan soo bandhigeen ilaa 43 mudane oo sheegayay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Daahir Riyaale, waxaase taasi ka soo horjeestay guddoomiye ku xigeenka golaha wakiillada ninka lagu magacaabo C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

 

Xiisaddaas oo maanta laga baqay in ay gacan ka hadal ka dhex dhaliso shir ay xubnaha golaha wakiillada ku lahaayeen magaalada Hargeysa ayaa waxaa la geeyay ciidamo boolis ah oo aan horay loo geyn jirin.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Maxamed Aadan Qeybe ayaa sheegay in mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ay tahay mid ansax ah oo axdiguna uu ogol yahay, wuxuuna ugu baaqay xubnaha diidan in ay raacaan dhinaca loo badan yahay.

 

Sidoo kale shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa guddoomiye ku xigeenka Md. C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayuu ku sheegay in aan la aqbali karin mooshinkaas maadaama uu yahay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo midnimada golaha wakiillada, wuxuuna ugu baaqay xubnaha golaha wakiillada in ay ka feejignaadaan aqbalaadda mooshinkaas haddii kale waxaa uu sheegay in ay qatar geli doonto wax uu ku tilmaamay gooni isu taagga Somaliland.

 

Khilaafkan ayaa ku soo beegmay xilli uu Axaddii ka amba baxay magaalada Hargeysa Madaxweynihii hore ee Zambia Mr. Keneth Kaunda, kaasi oo muddooyinkan booqanayay halkaas, iyadoo ka horna ay halkaasi booqasho ku tageen Wafdi ka socday Midowga Afrika.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland haweeneyda la yiraahdo Adna Aadan Ismaaciil oo booqasho ku joogta magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in dowladda Britain ay u ballanqaaday in ay gacan ku siin doonto sidii ay Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalami ah, waxayna hadalkan Adna jeedisay kadib kulan ay la yeelatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Ingrisiiska, gaar ahaan kuwa arrimaha dibadda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Ciidamo isku Gedaamay Maanta xarunta Maamulka Somalidiidka Somaliland.

 

{Hargaysa} Ciidamo ka tirsan Maamulka Somalidiidka ayaa isku gadaamay xarunta Baarlamanka Maamulka isku Magacaabay Somaliland.

 

Ciidamo ka tirsan maamulka la magac baxay Somaliland ayaa maanta isku gadaamay xarunta Baarlamanka Somaliland oo ku taala xaafadda 26 June ee magaalada Hargeysa. Ee xarunta gobolka W/galbeed ee Soomaaliya

 

Ilo muhiiim ah oo laga helay magaalada Haregeysa ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi loo diiday in ay galaan 45 Mudane oo ka tirsan golaha Baarlamanka Somaliland, kuwaas oo doonayay in ay horkeenaan Baarlamanka mooshin xilka lagaga xayuubinayo madaxweynaha maamulkaasi Daahir Riyaale Kaahin oo ay ku eedeeynayaan in uu ka gaabiyay wax ka qabashada xaaladaha ka jira dhulka Somalidiidka Somaliland.

 

Baarlaman ku sheega Maamulka Somaliland oo ka kooban 82 mudane ayaa ku kala qeybsan xilka qaadista Riyaale oo ay u ololeynayaan qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka oo uu horkacayo Gudoomiyaha golahaasi Axmed Maxamed Aadan Qeybe halka labada K/xigeen ee Baarlamanka oo la kala yiraahdo C/qaadir X. Ismaaciil Jirde iyo Cilmi Rooble ay taageero siinayaan Riyaale.

 

Dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa maanta si weyn u hadal haayay howlgalka ciidamada Somalidiidka Somaliland ay ku fara galiyeen dhaq dhaqaaqa ka dhex socda Baarlamanka Maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

GABILEY OO LAGAGA MUDAHAARADAY GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOMALILAND

Somaliweyn - Hargeysa - 25/05/05

 

Mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo hadalkii gudoomiyaha baarlamaanka somaliland ee ahaa in uu dib u furi doono golaha wakiilada ayaa ka dhacay degmada Gabiley.

 

Mudaharaadkan oo ay soo qaban qaabiyeen dadweynaha magaalada Gabiley ayaa waxa hor-kacaayay Maayarka magaaladaaasi Maxed Cabaas Jaamac waxana kale oo ka mid ahaa xildhibaano kale iyo odayaal caan ka ah magaaladaaasi.

 

Dadweynaha oo ku qaylinaayay,DOOLAR QAATE DOONI MAYNO iyo ereyo kale oo ay ka mid ahaayeen QAYBE WAXA UU WADO DOONI MAYNO. waxa ay dadkaasi socod ku mareen wadooyinka magaalada Gabiley markii dambana waxa ay isugu yimaadeen meel fagaare ah halkaasi oo hadal looga jeediyay waxana ugu horayn halkaasi ka hadlay.

 

Abiib Xasan Fil-Fil oo mar Maayar ka ahaa magaalada Gabiley waxana uu yidhi; waxa aan leeyahay maandeeq la qali maayo Qaybe iyo inta muska ugu jirtaa waa dambiilayaal. waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxed Maxud, waxana uu sheegay in malaayiin doolar laga keenay Talyaaniga oo la doonaayo in somaliland xabad lagaga rido taasina Qaybe iyo cid kale toona ka yeeli mayno Maayarka magaalada Gabiley ayaa isna halkaasi ka hadlay waxana uu yidhi;

 

Waxa aan u mahadnaqayaa dadweynaha magaalada Gabiley ee isugu soo baxay ninka gudoomiye ku sheega Baarlamaanka oo ah nacab ku maqan mudadii uu xilka inoo hayayba dumin,waxa aan leeyahay Qaybe Dambigiisa ha loo soo bandhigo umada horteeda.

 

Mudaharaadkan oo ahaa mid balaadhan waxa iyana halkaasi lagu soo bandhigay buraanburo aad u qiiraysan ooo wax lagaga sheegaayo gudoomiyaha Baarlamaanka somaliland Axmed Aadan Qaybe waxana la sheegay in mudahaaradkan ay soo qabn qaabiyeen maamulka degmada gabiley waxana ay muujieen sida ay u taageersan yihiin xukumada iyo maamulka M/weyne Rayaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this