Sign in to follow this  
RedSea

Cadawga: EThiopian officers killed.

Recommended Posts

RedSea   

Sarkaalkii Tikreega u hoggaaminayay Dagaalkii gardarrada ee Dalka Soomaaliya lagu soo qaaday oo baqtigiisa la gaarsiiyay Magaalada Addis Ababa.

 

 

 

 

 

 

Addis Ababa,18,January-07 ( Qaadisiya.com) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ayaa waxa ay xaqiijinayaan in Magaaladaasi la gaarsiiyay Sarkaalkii hoggaaminayay Xabashidii Dalka Soomaaliya kusoo duushay kadib markii lagu dilay Weerarkii Dhowaan ka dhacay Wadada Warshadaha oo si weyn loogu laayay Ciidamada Tikreega ah.

 

 

Hadaba warkani oo ay inoo xaqiijiyeen Dad iyagu degan Magaalada Addis Ababa isla markaana lasoo xiriiray Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya ayaa waxa ay sheegeen in Sarakaalkaasi uu ahaa Xabashigii hoggaaminayay Dagaalkii Soomaaliya lagu soo qaaday, waxaana la isla dhex marayaa in Sarkaalkaasi uu ahaa Jen.Gabre ama mid kale.

 

 

Hadaba Baqtiga Sarkaalkaasi sare ee lageeyay Dalka Itoobiya ayaa u ah Muslimiinta Guul iyo Sharaf halka Gaalada gaar ahaan Tikreega ay u tahay Ceeb, Sharaf darro iyo Naargelid, waxaana Dadka kusugan Magaalada Addis Ababa ay si aad ah ugu soo hambaleynayeen Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee Hawlaha Muqaawamada kawada Dalka Soomaaliya.

 

Dhanka Melez Zenawi ayaa lagu soo waramayaa in ay soo foodsaartay murugo aad u fara badan kadib markii loogu geeyay Baqtiga Sarkaalkii Dagaalada xamar u hoggaaminayay Magaalada Addis Ababa, waxaana lagu soo waramayaa in ay taasi sababtay kabixitaanka Deg Degga ah ee uu kudhawaaqay Kaafirka Meles Zenawi.

 

 

 

baqti_tikree.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this