Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Meeting held to re-open Las Qoray Fish factory: PICS

Recommended Posts

lasqoraykalun.jpg

Warshad kaluunka qasacadeysa oo laga furay Laasqoray

 

Bosaso, Somaliya (Calanka.com) 22-September-08

 

Xafladan lagu furayay Warshada Kaluunka Ee Laasqoray Tuna Fish ayaa ahayd mid si weyn loo agaasimay Waxaana ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socota Maamulka Puntland Xildhibaano ka tirsan DKMG Isimo Waxagarad Aqoonyahano Iyo Ganacsato Lagu Casumay Furitaanka warashada Kaluunka Laasqoray.

 

Madaxa Wax Soo Saarka ee Shirkada Kaluunka Laasqoray Cali Faradheere ayaa u sheegay ka soo qayb galayaashii in ay shirkadu haqab tirayso Baahiyaha Kaluun ee Guud ahaan Dalka Iyo Qaybo ka mid ah Dalalka Bariga Afrika oo loo iibgeyn kaluunka Warshada Qasacadayn jirtay Xiliyadii hore ee ay furnayd.

 

 

Maareeyaha Warashada Kaluunka Ee Laasqoray C.raxmaan Mahamed C.lahi ayaa ka codsi u jeediyay Dowlada Cuqaasha Ganacsatada Iyo Ha'ayadaba.

 

Xildhibaan Saciid Xasan Shire oo ka mid ah Xildhibaanada DKMG ee Somalia ayaa sheegay In Kaluunka warshadani ay soo saari jirtay uu ahaa mid si fiican qiimaha ay u yaqaanaan dadka somalida Iyo Dalalka Somalia la dariska oo loo iib geyn jiray.

 

 

Wasiir ku Xigeenka Khayraadka Badda Puntland Prof C.wali Geyre ayaa ku tilmaamay warshada laaqoray ee kaluunka lagu qasacadeeyo mid ay leeyihiin somali oo idil hiilkeeda looga baahan yahay somali oo isku duuban.

 

Furitaanka warshada Kaluunka Laaqoray ayaa ku soo beegmaya xili badda somalia oo idil uu ka jiro Xaaluf Iyo Jilabsho aan sharci ahayn oo ay ku hayaan marakiib shisheeye Iyo Dalal ajnabi ah Oo kaluumaysatada somalidu ay cabasho Iyo Qayla dhaan ka diray muddo soo laa laabatay iyada oo DKMG Iyo Maamulka Puntland oo xeebihiisa la sheego in ay yihiin ku ugu badan ee ay ka dhacaan arimahaasi ay ku fashilmeen wax ka qabadka arintaasi.

 

 

Calanka.com:- Isha wararka xaqiiqda.

 

 

La Xiriir

Xafiiska Calanka.com Ee Magaalada Muqdisho

 

Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)

Share this post


Link to post
Share on other sites

XAFLAD BALAADHAN OO DAAHA LOOGA QAADAYAY FURITAANKA WARASHADII KALUUNKA EE LAASQORAY AYAA CAAWA KA DHACDAY MAGAALADA BOSAASO[DAAWO SAWIRO]

Bosaaso:- Munaasibad Balaadhan oo ooda looga qaadayay Furitaanka Warshada Kaluunka ee Laasqoray ayaa Caawa fiidkii waxay ka dhacaday Hotelka Caalamiga ah ee Pana-Rooma ee ku yaala duleedka Magaalada Bsoaaso, Xafladaasi ayaa waxa lagu Casumay masuuliyiin ka tirsan Dawlada Federaalka Somaliya, iyo ka socda Xukuumada PL, Ganacsato Isimo, Aqoonyahano.

 

 

 

 

 

Ugu horayn waxa Munaasibadaasi furay Sheekh Fu"aad oo ka mid ah Culamada Magaalada Bosaaso isaga oo dar daaran diini ah halkaasi ka soo jeediyay Sheekha ayaa sheegay inuu aad ugu habalyaynayo Maamulka Tona Fisha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doorka Ganacsatada

 

 

Maareeyaha ayaa ugu baaqay Ganacsada reer Puntland inay la shaqeeyaan oo ay kala shaqeeyaan sidii dalka looga dhigi lahaa mid lagu Abuuro Mashaariic u badan warshado si looga badbaado shaqo La"aanta baahsan ee baalka saaray Shacabka Somaliya.

 

Kaalinta Dawlada Puntland

 

Docda kalena C/raxmaan ayaa Dawlada Puntland ka codsday inay u sameeyaan Cashuur dhaaf xiliga Qalabka warshadu ka degayo Dekeda Magaalada Bosaaso, taasi oo uu sabab uga dhigay Wax soosaarka ay warshadu ku leedahay Xukuumada Puntland.

 

 

 

 

Sababaha loo dhisay Warshada

 

Sheekh C/raxaan Maareeyaha warshada ayaa ku nuux-nuuxsaday inay ugu horayn Hadafka loo dhisay warshada Laasqoray uu yahay si Dhalinta ku Hoobanaysa Xeebaha ee Tahriibta u hanqal taagaya ay dalka uga heli lahaayeen Shaqo ku filan ayuu yiri.

 

Dhanka Hay"addaha

Maareeyaha ayaa sidoo kale ka dalbaday Hay"addaha inay siiyaan Tababaro ku saabsan Ka Faa iidaysiga Kaluunka isaga oo aad Madaxa uga ruxay dhibaatada ka Haysa soo saarka Kaluunka oo aanay jirin cid Takhasus gaar ah u leh soo Jilaabka Kaluunka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warshadda Kalluunka ee Laas-qorey oo dib loo furay

 

Marti sharaftii ka soo qeybgashay mid kastaa wuxuu goobta xafladda ku cunay qasac kalluun ah oo ay warshaddu sameysay

Waxaa dib loo furay Warshadda Kalluunka ee degmada Laas Qorey 2008-2009, Xaflad lagu qabtay Hotel Panorama ee magaaladan Boosaaso.

 

Xafladda oo ahayd mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf badan oo isugu jirta maamulka warshadda, aqoonyahanno, ganacsato, odayaal iyo dadkale oo aad u farabadan.

 

Waxaa xafladda ugu horeyn ka hadlay Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo lagu soo dhoweeyay wuxuuna halkaasi ka jeediyay khudbad ku aadaneyd bisha Ramadaan iyo 10ka dambe sida loogu baahan yahay in laga faa’iideysto.

 

Waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u jeediyay mas’uuliyiinta Warshadda Laasqorey sida ay u horumariyeen warshadda Kalluunka ee Laasqorey.

 

Waxa uu ugu baaqay inay halkaasi ka sii wadaan in warshaddu ay noqoto mid horumarkeeda halkaasi ka sii wada oo aanay noqon mid dib u dhacda.

 

Sheekh Fu’aad wuxuu ku ammaanay shaqo abuurista ay warshaddu sameysay oo uu sheegay in boqolaalka ka hawgala warshadd ay ku tiirsan yihiin boqolaal kale.

 

Khudbadda uu halkaasi ka jeediyay Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah culimaa’udiinka m magaalada Boosaaso waxay ahayd mid aad loogu bogay oo ay dadku si weyn u dhegeysanayeen.

 

Wuxuuna had iyo jeer dadka ugu celceliyay inaysan ku mashquulin adduunyada oo keliya, balse sidoo kale ay waqti siiyaan cibaadada iyo Alle ka cabsiga.

 

Waxaa kaloo isagana lagu soo dhoweeyay inuu hadal ka jeediyo Xafladda Cali Jaamac Faarax (Cali Faradheere) oo ka hadlay aasaaska Warshadda Laas Qorey iyo Marxaladaha ay soo martay.

 

 

 

Waxa uuna ka sheekeeyay heerka wax soo saarka ah ee ay hadda gaarsiisan tahay, isagoona ku sheegay in 40,000 oo qasacadood ay maalin walba awood u leedahay warshaddu inay soo saarto.

 

 

 

Waxa kale oo uu sheegay warshadda Laas Qorey inay tahay warshadda ugu weyn ee kalluun soo saarta ee Geeska Afrika.

 

 

 

CAli Faradheere ayaa sheegay in warshaddu ay sii wadi doonto inay kordhiso qalabkeeda si ay uga sii ballaarato waxsoosaarkeeda hadda.

 

 

 

Maareeyaha Warshadda Laas Qorey C/raxmaan Maxamed C/laahi oo isagana hadal jeediyay ayaa sheegay warshaddu inay u baahan tahay inay gacan siiyaan oo ay taageeraan bulshada qeybeheeda kala duwan.

 

 

 

Waxaan dooneynaa ayuu yiri dowladda, aqoonyahanka iyo hay’adaha inay door ku yeeshaan taageerida warshadda.

 

 

 

Dhinaca Aqoonyahanka waxaan ka dooneynaa ayuu yiri inay bixiyaan oo qaban qaabiyaan tababaro ku saabsan ka faa’iideysiga Kheyraadka badda, iyo sida loo kalluumeysto.

 

 

 

Maareeyaha warshadda Laas Qorey wuxuu sheegay inay jiraan kalluumeysato badan oo tahriib gashay ka dib markii ay waayeen qalabka lagu kalluumeysto, sidaasi darteed ayaanu ka dooneynaa ayuu yiri hay’adaha samafalka inay caawiyaan kalluumeysatadaasi ayna u raadiyaan qalab ay ku kalluumeystaan si ay uga kaaftoomaan ayuu yiri tahriibka ay gelayaan.

 

 

 

Dhinaca dowladda waxa uu ka codsaday inay kaalin ku yeeshaan sidii kalluunka uu u noqon lahaa mid si weyn looga iibsado dalka ayna canshuur dhaaf u sameyso qalabka warshadda ee dibadda uga imanaya.

 

 

 

C/raxmaan Maxamed C/laahi maareeyaha warshadda kalluunka ee Laas Qorey wuxuu ka codsaday ganacsatada inay iyaguna ka iibsadaan warshadda kalluunka ay soo saarto.

 

 

 

Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland C/weli C/raxmaan Geyre oo isagana hadal ka jeediyay munaasabadii dib loogu furay warshadda Kalluunka ee Laas Qorey ayuu wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heerka ay gaartay warshadda.

 

 

 

Ganacsatada ayuuna u soo jeediyay inay sameeyaan ku dayasho isla markaana ay wax isku darsadaan, si ay u hirgeliyaan warshado badan oo wax soo saar leh.

 

 

 

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay dhinaca dowladda inay diyaar u tahay inay gacansiiso ganacsada wax ku soo kordhineysa dalka.

 

 

 

Isku soo wada duuboo xafladaasi ayaa ahayd mid aad u ballaaran oo khudbado badan laga soo jeediyay, iyadoo aqoon yahankii iyo waxgaradkii ka hadlay halkaasi ay k amid ahaayeen Maxamed C/laahi, Jeneraal Cali Ismaaciil, Xasan Badeed oo ka tirsan Horn Relief, Suldaan Siciid Irbad, Xildibaan ka tirsan dowladda federaalka Siciid Xasan Shire iyo Dr. Cali Cabulaahi Warsame oo dhaqaale yahan ah.

 

 

 

Dhammaantood waxay u riyaaqeen warshadda Laas Qorey Tuna fish, iyadoo xafladuna ay ku soo dhammaatay Jawi xiiso leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this