Sign in to follow this  
General Duke

Asmara: Xasan dahir Vs Aydeed Zakaria

Recommended Posts

WAR DEG DEG AH: KHILAAF XOOGAN OO SOO KALA DHEXGALAY ISBAHAYSA GARABKA ASMARA

 

Wararka ka imaanaya magaalada Asmara ee caasumada dalka Eritera ayaa sheegaya in khilaaf xoogani soo kala dhexgalay Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara uu fadhigoodu yahay.

 

wararkan oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Shiikh Xasan Daahi aweys uusan ahayn Gudoomiyaha ururka sida ay sheegeen qaar ka mida madaxda ururka is bahaysiga; kuna cad arxida u dagsan isbahaysiga dib u xoreynta soomaliya.

 

Axdiga ayaa dhigaya sidan: HADII GUDOOMIYAHA UU DHINTO, ISCASILO, QAYAANO GALO, HAWLGAB NOQDO, IWM LAGALA NOQONDOONO XILKA GUDOOMIYE NIMADA, WAXAANA SII WADAYA XILKAAS GUDOOMIYE KU XIGEENKA 1AAD EE XISBIGA.

 

Waxaa kale oo wararkani sheegayaan in si buuxda looga xayuubiyay xilka Gudoomiyihii Isbahaysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed xilkaasna uu sii wadi doono Sakariye Maxamuud Xaaji-Cabdi.

 

Siidoo kale Shariif Xasan sh. Aadan xilka laga qaaday xilkaasna uu sii wadi doono Xuseen Faarax Ceydiid, sida ku cad axdiga ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYA.

 

Waxay wararkani intaa ku darayaan in arintani ay murug ku abuurtay qaar ka mida masuuliyiinta Isbahaysiga iyadoo arintani ay keeni karto kala qeybsan hor le oo ay kala qeybsamaan mar kale Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyada oo ay horey u kala jabeen labo garab oo kala ah Qeybta Asmara iyo kuwa Djibouti oo haatan heshiis la galaya Dawlada Federaalka.

 

-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this