General Duke Posted July 30, 2008 WAR DEG DEG AH: KHILAAF XOOGAN OO SOO KALA DHEXGALAY ISBAHAYSA GARABKA ASMARA Wararka ka imaanaya magaalada Asmara ee caasumada dalka Eritera ayaa sheegaya in khilaaf xoogani soo kala dhexgalay Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara uu fadhigoodu yahay. wararkan oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Shiikh Xasan Daahi aweys uusan ahayn Gudoomiyaha ururka sida ay sheegeen qaar ka mida madaxda ururka is bahaysiga; kuna cad arxida u dagsan isbahaysiga dib u xoreynta soomaliya. Axdiga ayaa dhigaya sidan: HADII GUDOOMIYAHA UU DHINTO, ISCASILO, QAYAANO GALO, HAWLGAB NOQDO, IWM LAGALA NOQONDOONO XILKA GUDOOMIYE NIMADA, WAXAANA SII WADAYA XILKAAS GUDOOMIYE KU XIGEENKA 1AAD EE XISBIGA. Waxaa kale oo wararkani sheegayaan in si buuxda looga xayuubiyay xilka Gudoomiyihii Isbahaysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed xilkaasna uu sii wadi doono Sakariye Maxamuud Xaaji-Cabdi. Siidoo kale Shariif Xasan sh. Aadan xilka laga qaaday xilkaasna uu sii wadi doono Xuseen Faarax Ceydiid, sida ku cad axdiga ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYA. Waxay wararkani intaa ku darayaan in arintani ay murug ku abuurtay qaar ka mida masuuliyiinta Isbahaysiga iyadoo arintani ay keeni karto kala qeybsan hor le oo ay kala qeybsamaan mar kale Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyada oo ay horey u kala jabeen labo garab oo kala ah Qeybta Asmara iyo kuwa Djibouti oo haatan heshiis la galaya Dawlada Federaalka. - Quote Share this post Link to post Share on other sites