Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland President returns after much success in Galkacyu

Recommended Posts

faroole1.jpg&cat=1&pid=1459&cache=false

 

Madaxweynaha Puntland oo ku noqdey caasimada Garowe

10 Sep 10, 2009 - 6:26:47 AM

 

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole iyo xubno ka tirsan Xukumadiisa ayaa dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Garowe kadib markii safar qaatey bil iyo shan cisho uu ku joogey xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo.

 

Mr. Farole ayaa u ambabaxey Galkacayo kadib markii la diley Wasiirka Warfaafinta Puntland Alaha U Naxriistee Warsame Cabdi Shirwac halkaasoo kaga qayb galey aaskiisa iyo qaboojinta xiisadii ka dhimashadiisa.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa Galkacayo kaga so harey Ku-xigenkiisa Cabdi Samad Cali Shire iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadiisa kuwaasoo sida wararku sheegayaan haya howlo qabyo ah oo la xiriira adkeynta amaanka gobolka.

 

Dowladda Puntland ayaa ku guleysatey intii ay ku sugneyd Galkacayo in la magacabo dhamaan maamul gobol, degmo iyo taliye-yaal ciidan iyada doorashadii duqa magaalada noqtey mid aad loo soo dhoweeyey.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa goor dhawayd soo gaaray Magaalada Garowe ee caasimada Puntland Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamad Shiikh Maxamuud Farole oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

 

Safarkaan maanta uu ku soo gaaray Magaalada Garowe Madaxwaynaha waxa ku weheliya Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Gen.C/Samad Cali Shire iyo xubna ka tirsan Golahiisa Xukuumda iyo Golaha baarlamanka iyo saraakiil ka tirsan kuwa amniga kuwaas oo dhamaan ku sugnaa mudooyinkaan Magaalada Gaalkacyo.

 

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo iminka uu saxaafadda uu uga warbixiyay hawlihii uu ka qabtey intii uu ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo iyo waxyabihii intii uu joogay kula soo kulmay waxuuna haatan ku suganyahay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garowe.

 

Magaalada Gaowe ayaa aad looga soo dhawayay waxana meel duleedka ka xigta kaga hortagay Madaxwaynaha dad wayne farabadan waxana dhanka amaanka aad u adkeenayay ciidamada amniga oo ku sugnaa wadada laamiga ah si ay ula socdaan dhaq dhaqaaq dadwaynaha.

 

Madaxweynaha ayaa Gaalkacyo ku sugnaa muddo 33 maalmood ah si uu wax uga qabto falal amniga ka dhan ah oo halkaas ka dhacay kadib markii lagu toogtey magaalada dhexdeeda Wasiirkii Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac rabbi ha u naxariistee, waxaa madaxweynuhu shaqadii ka cayriyey Gudoomiyihii Gobolka Mr.Geesay, waxaana u hadda ku xiran yahay Magaalada Gaalkacyo, sidoo kale mudadii uu halkaas ku sugnaa waxa uu magacaabey Gudoomiye Cusub ee Gobolka Mudug yeesho, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

 

Mudadii uu ku sugnaa Madaxweynuhu Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo waxaa la dhisey Golihii deegaanka, sidoo kale waxa uu goobjoog ka ahaa doorashadii duqa magaalada Gaalkacyo.

 

Mudadii uu Madaxweynuhu ku sugnaa Gaalkacyo waxaa lagu xasuuqay 5 culimada Tabliiqa ka mid ah, kuwaan oo u dhashey dalka Pakistaan iyaga oo ku sugan Masjid ku yaala Gaalkacyo, mana jirto cid sheegatay xasuuqa culimada iyo cid loo qabtey, waxaana maamulka Puntland ku eedeeyay in laga soo abaabuley dhanka Koonfurta, halka Maamulka ka taliya Koonfurta Gaalkacyo uu iska fogeeyay eedeyntaas kuna eedeeyay in Puntland laga soo abaabuley.

 

Dhanka kale waxaa Madaxweynuhu Gaalkacyo ku soo dhaweeyay wefdi ka socda Dawladda federaalka ee Soomaaliya kaas oo uu hogaaminaayey Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, waxaan labada dhinac ku kala saxiixdeen heshiis dhinacyo badan taabanaya, sida Siyaasadda, Kheyraadka, Waxbarashada iyo Amniga.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ku qaabilay wafdi balaaran oo ka socda Midowga Yurub oo kala hadlay maamulka Puntland, arrimaha horumarinta iyo Amniga.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne Faroole iyo waftigiisa oo soo gunaanaday safar hawleed ay ku joogeen Galkacyo, kuna laabtay Garowe.

 

Garowe, Sept 10 - Wafti balaaran oo uu hogaaminayo M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, ayna weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha dawlada Puntland ayaa gaaray caasimada Puntland ee Garowe.

 

Waftiga oo muddo bilo ah ku sugnaa Galkacyo ayaa soo gunaanaday safar hawleed nuxurkiisu ahaa dhismaha maamulka, adkaynta amniga iyo xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee hay'adaha dawlada ee ka hawlagala gobolka.

 

Golaha deegaanka ee magaalada Galkacyo ayaa dhawaan la dhisay, waxaana ay doorteen Duqa cusub ee magaalada Galkacyo.

 

Waxaa sidoo kale la magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug.

 

Waxaa weli ku sugan Galkacyo xubo ka mid ah madaxda dawlada oo iyagu ka soo jeeda gobolka Mudug, oo la sheegay in ay jiraan hawli baaqi ah oo ay weli kala shaqayn doonaan maamulka gobolka iyo kan Galkacyo.

 

Dadweynaha gobolka Mudug ayaa aad u soo dhaweeyey ahmiyada gaarka ah ee ay dawlada Puntland siisay gobolka Mudug.

 

Galkacyo oo ah magaalada ganacsiyeedka 2-aad ee Puntland ayaa waxaa ka dhacay falal dambiyeedyo soo karay dadka gobolka iyo kuwa Puntland, loona arkay in badan in ay tahay boog ku taal Puntland, ayna khasab ka dhigtay in maamulka Puntland oo in badan ku goodiyey in ay wax ka qaban doonaan Galkacyo, ay ug dambayntii wadatashi dheer ka dib ku soo afajareen muran siyaasadeed maxalli ah oo in badan ka taagnaa Galkacyo.

 

Waa talaabadii ugu horeysay ee ay xukuumada M/weyne Faroole qaaday, waxaana ay tusaale u noqon doontaa waxa laga filan karo hogaanka dawlada cusub ee Puntland.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

what was the success this time, he manage to open a public toilet next to a another dump?

 

loooool !! much success....what...pu ntland...dont make me laugh.

 

looool !

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

Garoodi, Adeer Somaliland has many an issue to deal with at this time for you to get so upset at the hard work of President Faroole. Galkacyu our second largest city and business hub has now a new admin with a new security force comanders. Insha Allah it will get better, President Faroole has done well .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this