Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Yusuf Dabogeed and Aadan Garaaso pass on responsibilites to new admin of Hiiraan

Recommended Posts

BALADWEYNE: Yuusuf Dabo-geed iyo Aadan Garaaso oo maanta xilkii ku wareejyay maamulka cusub ee Hiiraan!

 

Posted to the Web Jan 03, 12:09

 

 

Baladweyne (PP) – Maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa manta si rasmi ah u wareejiyay maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana xafladda lagu wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan manta goobjoog ka ahaa safiirka Dowladda Federaalka u fadhiya dalka Ethiopia C/kariim Faarax Laqanyo.

 

Kulankii wareejinta gobolka Hiiraan ee ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha maamulka Hiiraan wareejiyay Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabo-geed) iyo guddoomiyihii Degmada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo labaduba wareejiyay maanta xilalkii ay hayeen.

 

 

Aadan Garaaso oo maanta hadal dheer ka jeediyay goobta lagu wareejiyay xilalka gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu aad ugu qanacsan yahay inuu wareejiyo maamulka Degmada Baladweyne, uuna ku qanacsan yahay hadda xilka uu dhiibayo.

 

 

 

Mar uu ka hadlay Aadan Garaaso wareejinta xilka uu ka hayay maamulka Gobolka Hiiraan wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xilka wareejiyo waxaana uu carrabka ku dhuftay in isagu uu aad ula yaabay maamulka laga korkeenay muddada dhow, balse uu haatan aqbalay inuu wareejiyo markii loo sharraxay sida ay wax ku socdaan.

 

 

 

Yuusuf Dabo-geed oo maanta xilka wareejiyay ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xilka wareejiyo ayna markii hore u dhiibtay dowladda isla markaana ay maanta ka qaadday dowladda uuna si weyn ugu faraxsan yahay.

 

 

 

Labadan mas’uul oo maanta xilalkooda wareejiyay ayaa waxay labaduba ka dhawaajiyeen inay la shaqeyn doonaan maamulka cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Cusub ee Gobalka Hiiraan oo xilka si rasmi ah ulla wareegay!

 

Last Updated::2007-01-03 14:25:47

 

beledweyne_map.jpg

 

Beledweyne:- Xaflad maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayey xilalkii kula kala wareegeen maamulkii hore ee gobalka iyo Maamulka cusub.

 

Munaasabadan ayey kasoo qeyb galeen maamulkii hore oo uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee gobalka Yusuf Dabageed iyo Aadan Garaase oo ahaa Guddoomiyihii Degmada Beledweyne.

 

Labada nin oo kamid ahaa maamulkii hore ee la badalay todobaadkan ayaa sheegay in ay si rasmi ah xilalkii ay dowlada u hayeen ugu wareejiyaan maamulka cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Yusuf Dabageed oo hore u ahaa Guddoomiyihii gobalka Hiiraan ayaa lagu bedalay Xuseen Mux’ed Maallin, waxaana maamulka cusub guddoomiye kuxigeenka 1aad ee laga dhigay Xuseen Cumar Xasan, K/xigeenka 2aadna Saleybaan Axmed Hillowle.

 

Guddoomiyaha degmada Beledweyne oo uu ahaa Aadan Garaaso ayaa waxaa lagu bedalay Axmed Gubey Cawaalle, kuxigeenkiisana waxaa laga dhigay C/raxmaan Cilmi.

 

Maamullka saldhiga degmada Beledweyn ayaa sidoo kale loo magacaabey Gaashaanlle Xuseen Shukri.

 

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ahaa mid la bedalay xili uu maamulkaasi dib ugu soo noqday gobalka kadib markii ay halkaasi la wareegeen ciidamada DFKMG.

 

Maamulkii hore ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay bedalaada deg degta ah balse labada guddoomiye ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin in ay xilka wareejiyaan.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Cusub ee Gobalka Hiiraan oo xilka si rasmi ah ula wareegay

 

Beledweyne [Olol News]:- Xaflad maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayey xilalkii kula kala wareegeen maamulkii hore ee gobalka iyo Maamulka cusub.

 

Munaasabadan ayey kasoo qeyb galeen siyaasiinn odayaal dhaqameedyo, dadweyne fara badan oo aad ugu faraxsan sida ay uga soo qayb galeen maamulkii hore oo uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee gobalka Yusuf Dabageed iyo Aadan Garaase oo ahaa Guddoomiyihii Degmada Beledweyne.

 

Labada nin oo kamid ahaa maamulkii hore ee la badalay todobaadkan ayaa sheegay in ay si rasmi ah xilalkii ay dowlada u hayeen ugu wareejiyaan maamulka cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Yusuf Dabageed oo hore u ahaa Guddoomiyihii gobalka Hiiraan ayaa lagu bedalay Xuseen Mux’ed Maallin, waxaana maamulka cusub guddoomiye kuxigeenka 1aad ee laga dhigay Xuseen Cumar Xasan, K/xigeenka 2aadna Saleybaan Axmed Hillowle.

 

Guddoomiyaha degmada Beledweyne oo uu ahaa Aadan Garaaso ayaa waxaa lagu bedalay Axmed Gubey Cawaalle, kuxigeenkiisana waxaa laga dhigay C/raxmaan Cilmi.

 

Maamullka saldhiga degmada Beledweyn ayaa sidoo kale loo magacaabey Gaashaanlle Xuseen Shukri.

 

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ahaa mid la bedalay xili uu maamulkaasi dib ugu soo noqday gobalka kadib markii ay halkaasi la wareegeen ciidamada DFKMG.

 

Maamulkii hore ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay bedalaada deg degta ah caddaalad darrana u arkay, balse labada guddoomiye ayaa sheegay in ay xilka wareejiyaan,ayagoo ilaalinaya kala danbaynta.

 

Xafladdaas waxaa kaloo ka soo qayb galaysafiirka DFKS u fadhiya Midowga Africa mudane Laqanyo.

 

Zahra Yuusuf

Olol News

Balad-Weyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this