Sign in to follow this  
Jacaylbaro

US Troops Landed in Balidoogle

Recommended Posts

Ciidamo Maraykan oo ka degay Balidoogle iyo Hawlgal Hub Aruurin oo ka bilaaban doona gobo kala duwan

 

Iyadoo maalintii labaad uusan Baarlamaanka FKMG uu san kulmin islamarkaana Gudoomiyayaasha Gudiyada hoose iyo Gudoonka Baarlamaanka mudo laba maalmaad kulan gaar ah uga socdey Magaalada baydhabo, ayaa kulan ay maaanta isugu yimaadeen laga soo saarey talooyin aan wali la shaacin, balse lagu wado in 27/09/2007 oo kulanka Baarlamaanka dhicidoona lagu soo bandhigidoono, Talooyinkaan ayaa waxaad moodaa kuwo si aad ah loo adkeeyey in aysan ogaan dadka wararka u dhuun daloola.

 

 

 

Dhinaca kale waxaa maalintii Afraad Magaalada Baydhabo ka socda Siminaar ay ka faa’iideysanayaan Qaybaha Talisyada Booliiska Gobolada iyo Degmooyinka Baay, Bakool, Geddo iyo Jubbada dhexe oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, islamarkaana ay maalgelisay Hay’adda UNDP, sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah Saraakiisha ka qaybgalaysay, inkastoo aysan ii sheegin ujeeddada siminaarka iyo tirade ka faa’iideysanaysa.

 

 

 

Sidoo kale warar hoose oo aan helney waxay sheegayaan in loo yeerey xisaabiha guud ee DFKMG iyo Hanti dhowrka guud, si ay u baaraan kiiska dhaqaalo ee loo haysto Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garsooraha la xiran oo maalmihii ugu dambeeyey ka dhashay Qaraxyo isasaaran oo aan wali guntooda la helin.

 

 

 

Warar isasoo taraya waxay sheegayaan in dalka ay ku soo fool leeyihiin Ciidamo Maraykan ah oo qaybihii ugu horeeyey oo googol xaar ah la sheegey in ay ku soo degeen Garoonka Balidoogle ee Gobolka Sh/hoose, waxaa kaloo la hadal hayaa in Kaaliyaha Xog-hayaha Arimaha Dibadda Maraykanka dhinca Afrika ay safar ku timaado Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Baydhabo, inkastoo si rasmi ah aan loo shaacin imaashiyaheeda iyo ujeedada safarkeeda

 

 

 

Warar hoose oo aan helney waxay sheegaynaan in Ciidamadda Ethobia ee ku sugan Soomaaliya iyo kuwa dowlada FKMG oo maalmaha soo socda ay hawlgal balaaran oo hub aruurin ah ka bilaabidoonaan goobaha ay ku sugan yihiin, kadib marka ay hawshooda soo gebagebeeyaana la sheegay in ciidamada Ethobia dalka ay dib uga guran doonaan, islamarkaana kaalintooda ay buuxin doonaan Ciidamada Maraykanka iyo kuwo kale oo aan wali la carabaabin, warku wuxuu intaa ku darayaa in Isbahaysiga lagu soo dhisay Asmara ay dalka dib ugu soo laaban doonaan marka ay ciidamada Ethobia ka baxaan dalka.

 

 

 

Maxamed Macallin Csimaan{All-man} Baydhabo.

 

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this