Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Planning Minister Sits Down With Donor Agencies. (PIC)

Recommended Posts

Cowke   

Boosaaso: Wasiirka Qorsheynta oo Hay’adaha ugu Baaqay inay Si Sax ah u Fuliyaan Mashaaricda ay Soo Qaataan (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC) Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland Daa’ud Maxamed Cumar ayaa maanta kulan kula qaatay hay’adaha ka hawlgala degaanada Puntland wakiiladooda, iyadoo ay sidoo kale kulanka goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada Boosaaso.

 

Kulankan oo ahaa midkii ugu ballaarnaa ee waayadan ka dhaca Boosaaso isla markaana dhexmara wasaarada qorsheynta iyo hay’adaha ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wasaaradu la xisaabtan dhab ah ula yeelan lahayd hay’adaha tirada badan ee dalka jooga, kuwaasi oo mararka qaar ay dhacdo inaysan si sax ah u maamulin mashaariicda ay magaca dalka ku soo qaataan.

 

Wasiirka qorsheynta Daa’uud Maxamed Cumar (Bisinle) oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha looga baahan yahay inay raacaan shuruucda dalka u degsan isla markaana ay so bandhigaan markasta xog dhab ah oo khuseyneysa mashaariicda ay soo qaataan iyo sida ay ku baxaan.

 

Wasiirku waxaa uu intaa ku daray in wasaaradu sameysay waaxda la socodka hay’adaha taasi oo fadhigeedu yahay magaalada Garowe, isla markaana looga baahan yahay hay’aduhu inay u gudbiyaan warbixinadooda.

 

“Anagu haddaanu wasaarada nahay, waajibkeenu waa inaan ogaanaa waxa ay hay’aduhu hayaan. Waxaanu sameynay koox gaar ah oo qaabilsan hay’adaha iyo la xiriirkooda, idinkaa la idinka rabaa inaad la xiriirtaan oo aad u gudbisaan wixii warbixin ah”, ayuu yiri wasiir Daa’uud Bisinle oo la hadlayey wakiilada hay’adaha ee goob jooga ka ahaa kulanka maanta.

 

Intii uu kulanku socday waxaa wasiirku ka dhawaajiyey inay jiraan qaar ka mid ah hay’adaha oo mashariic malaayiin doolar ah soo qaatay hase yeeshee ku guuleysan waayey inay dalka geliyaan, isagoo arimahaasi oo kale ku tilmaamay farsamo xumo ka jirta xagga hawlwadeenada hay’adaha.

 

“Waxaan hay’adaha ka rabnaa in wixii mashaariic ah ee ay dalka magaciisa ku soo qaataan inay si dhab ah u fuliyaan una maamulaan sidii loogu talagalay, Ma aha in hay’ada 2 milyan oo doolar soo qaadata ay wax yar dalka geliso”, ayuu hadalkiisa raaciyey wasiirka.

 

 

Wakiilka UNHCR

 

Kulanka waxaa dhinaca hay’adaha u hadlay wakiilo ka socday WFP, UNOCHA, UNICEF, UNHCR, DRC iyo AET oo dhamaantood ka mid ah hay’adaha ka hawlgala dalka waxayna sheegeen inay xiriir wanaagsan hadda ka dib la yeelan doonaan maamulka, waxayse hay’aduhu cabasho ka muujiyeen isbarbar yaac ka jira dhinaca wasaaradaha, maamulada gobolada iyo dowladaha hoose oo ay sheegeen inay siyaabo kala gooni mid walba dhinaciisa wax u weydiisto taasina loo baahan yahay in wax laga qabto.

 

Hay’adihii wakiiladoodu hadlay waxay dhinaca kale ka hadleen dhinaca amaanka oo ay sheegeen in mararka qaar ay saameyn ku yeelato dib u dhac ku yimaada mashaariicda ay wadaan ama in la hakiyo mashruuc socday marka ay dhacaan arimo amni xumo ah.

 

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa gabagabadii waxaa hay’adaha iyo wasaarada kaga wada hadleen sidii loo caawin lahaa 239 qoys oo ka mid ahaa kuwii dhowaan ku guryo beelay dab ka kacay xerada qoxootiga ee ‘Buulo Eelay’ ee magaalada Bosaaso, arintaasi oo hay’aduhu u saareen koox gaar ah oo wax ka qabata kana kooban dhamaan hay’adaha.

 

RBC Radio

 

k1-300x225.jpg

 

k3-300x225.jpg

 

k5-300x225.jpg

 

k2.jpg

 

k4.jpg

 

k7.jpg

 

k31.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this