Maaddeey Posted March 4, 2010 KN: Wafti heersare ah oo ka socda xarakada Alshabaab ayaa maanta meel fagaaro ah kala hadlay boqolaal dadka reer Kismaayo ah. Waftiga oo maalmahan socdaal kormeer ah ku joogey Jubooyinka ayaa waxaa ka mid ah Sh. Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, Sh. Fu’aad Qalaf (Shongoloow) iyo Sh. Xuseen Cali Fiidoow Abuu Mansuur ayaa maamulka Jubooyinka ugu baaqay in dadka loo turo, si wanaagsana loola dhaqmo, wuxuu kaloo soo hadal qaaday abaabulo la sheegey in dowlada Kenya ay wado isagoo ku eedeeyey in ay maleegeyso jalaafooyin lagu mijaro xaabinayo maamulada Islaamiga ah. Wax u muuqda jawaab uu ka bixinayay faalo shabakada KismaayoNews ay maalmo ka hor ka qortey mabnuucida xarakada ee cunada gargaarka ayuu sheegey in illaa shuruudaha ay ku xireen WFP aysan fasixi doonin mabnuucida ay saareen, shuruuda ugu weyn ayaa ah in raashiinka gargaarka ay hey’ada ka iibsato beeralayda Soomaalida halkii ay ka iibsan lahayd beeralayda Maraykanka. Sh. Fu’aad ayaa isagu ku dheeraaday Jihaadka oo uu sheegey in dadka reer Kismaayo ay laf dhabar u yihiin jihaadka ayna tahay in had iyo jeer ay garab taagnaadaan. Kullanka dadweyne wuxuu ka dhacay fagaaraha beerta xoriyada ee Kismaayo Quote Share this post Link to post Share on other sites