Sign in to follow this  
MoonLight1

Ras Kamboni militia surrender, Is this the end of Turki??

Recommended Posts

Maleeshiyaadkii Xasan Turki oo intooda badan isku dhiibay Alshabaab

 

Qeyb ka mid ah Maleeshiyaadka Raaskambooni ee taabacsanaa Wadaadka caanka ah Sheekh Xasan Turki ayaa xalay fiidkii isku dhiibay Xarakada Alshabaab, taasoo ka dambeysay markii lagu kala baxay dagaalka Kismaayo.

 

Maleeshiyaadkan oo ku sugnaa duleedka Magaalada, isla markaana horay uga baxay dagaalka markii uu ka dhex qarxay Axmed Madoobe iyo Alshabaab ayaa la sheegay in xalay isu dhiibeen.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiray gor gortan iyo is faham u dhaxeeyay labada dhinac, taasoo ka dambeysay in dagaalka lagu cidleeyo Axmed Madoobe, deetana hilfaha loo qaado.

 

Saraakiisha sar sare Xisbul Islaam ayaa hada ay ka dhex oogan tahay khilaaf ba'an, kadib markii ay isu gurman waayeen, ayna cadeyn waayeen Mowqifkooda dhabta ah, taasoo keentay in Maleeshiyadii Caanoole ay keymaha aadaan, markii looga dilay dagaalka Taliye Kuxigeenkooda.

 

Sheekh Xasan Turki oo ku sugan dhulka keynta ee uu gabaadsado ayaa wali ka hadal dagaalkii Kismaayo, iyadoona Maleeshiyaadkiisa ay kala firqoobeen kuwaasoo uu muddo soo carbinaya.

 

Lama oga halka ay ku dambeyn doonaan Mustaqbalka Xisbul Islaam iyo Kooxda Raaskambooni ee horay majaraha u heysay dagaalkii Dowladda lagu wiiqay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaase arrinka u muuqataa in ay soo if baxday hadal heyntii Kismaayo ee maalmo ka hor aheyd Imaa Shariif, Imaa Shabaab Wa Imaa Shacab

 

 

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this