MoonLight1 Posted October 2, 2009 Maleeshiyaadkii Xasan Turki oo intooda badan isku dhiibay Alshabaab Qeyb ka mid ah Maleeshiyaadka Raaskambooni ee taabacsanaa Wadaadka caanka ah Sheekh Xasan Turki ayaa xalay fiidkii isku dhiibay Xarakada Alshabaab, taasoo ka dambeysay markii lagu kala baxay dagaalka Kismaayo. Maleeshiyaadkan oo ku sugnaa duleedka Magaalada, isla markaana horay uga baxay dagaalka markii uu ka dhex qarxay Axmed Madoobe iyo Alshabaab ayaa la sheegay in xalay isu dhiibeen. Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiray gor gortan iyo is faham u dhaxeeyay labada dhinac, taasoo ka dambeysay in dagaalka lagu cidleeyo Axmed Madoobe, deetana hilfaha loo qaado. Saraakiisha sar sare Xisbul Islaam ayaa hada ay ka dhex oogan tahay khilaaf ba'an, kadib markii ay isu gurman waayeen, ayna cadeyn waayeen Mowqifkooda dhabta ah, taasoo keentay in Maleeshiyadii Caanoole ay keymaha aadaan, markii looga dilay dagaalka Taliye Kuxigeenkooda. Sheekh Xasan Turki oo ku sugan dhulka keynta ee uu gabaadsado ayaa wali ka hadal dagaalkii Kismaayo, iyadoona Maleeshiyaadkiisa ay kala firqoobeen kuwaasoo uu muddo soo carbinaya. Lama oga halka ay ku dambeyn doonaan Mustaqbalka Xisbul Islaam iyo Kooxda Raaskambooni ee horay majaraha u heysay dagaalkii Dowladda lagu wiiqay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaase arrinka u muuqataa in ay soo if baxday hadal heyntii Kismaayo ee maalmo ka hor aheyd Imaa Shariif, Imaa Shabaab Wa Imaa Shacab www.Jowhar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites