Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Baac baacsi

Recommended Posts

Yesterday and other days, it was at Diinsoor, Qansaxdheere, Jowhar, Waajid, Buuloburde and Xudur. Not to mention Bu'aale, Afmadoow, Saakoow and most of the rest of Jubbooyinka and parts of Shabeellaha Hoose.

 

Today, it is at Cadaado and Jalalaqsi. Maalinba meel ay galoyaan, iska baac baacsanoyaan without any fear, then leave with hub iyo wax walba. Ciyaarta ayee badaleen, moooryaantii dowlad ku sheega u shaqeynaaye naftooda ula baqoyaan, thinking which town will be next.

---------------

 

Cadaado: Xoogaga Alshabaab oo galabta ka baxay degmada Cadaado kadib marki ay maanta la wareegeen

 

Xoogaga Alshabaab ee ka dagaalamo dalka Soomaaliya oo maanta la wareegay gacan ku heynta magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay galabta isaga baxeen halkaasi.

 

Xoogaga Alshabaab ayaa la sheegay in ay ka tageen deegaanka iyaga oo horey u kaxeystay baabuur dagaal oo ay maanta ka qabsadeen maleeshiyaad taageersanaa DFKS oo halkaasi fariisin ku lahaa kuwaas oo saaka weerar lagu soo qaaday lagala wareegay hub iyo deegaanka ay joogeen.

 

Lama yaqaano halka ay qabteen kooxahaan sida ay sheegayaan wararka halkaasi ka imaanaayo kama foga deegaanada ay maanta dagaaladu ka dhaceen waxaana ay ahaayeen ciidamadaasi kuwo aad u hubeesnaa isla markaana diyaarsanaa.

 

Dagaal faraha loogaga gubtay oo maanta ka dhacay deegaanada Balihagis iyo Dayano iyo degmada Cadaado ayaa isla markaana u dhaxeeyey maleeshiyaad taabacsan DFKS iyo dagaalyahnada Alshabaab ayaa waxaa uu sababay qasaare nafeed oo gaarayo ilaa iyo 16 inta la ogyahay kuwaas oo badankooda ahaa kooxihii lasoo weeraray.

 

Weerarka halkaasi ka dhacay ayaa waxaa sheegtay ururka Alshabaab, afhayeenka ururkaasi Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) ayaa saxaafada u sheegay in ay ka danbeeyeen weerarkaasi maanta lagu ekeeyey deegaanadaasi ka tirsan degmada Cadaado.

 

Waxaa uu usheegay Abu Mansuur in ay dileen dhoor nin iyo in ay gubeen taangiyo iyo sidoo kale in ay la waregeen gaadiid dagaal iyo kuwo kale oo aan qoryo saareen kadib markii ay ka guuleeysteen maleeshiyaadkii taabacsanaa DFKS oo ay maanta dagaalka la galeen.

 

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa dad rayid ahaa oo ay madaafiic guryahoodu ugu tageen waxaana sidoo kale jirto lix qofood oo safar ahaa oo saarnaa gaari ka tagay magaalad Muqdisho oo uu madfac kula dhacay agagaarka degmada Cadaado kuwaas oo sida la sheegay dhaawacooda loo qaaday magaalada Gaalkacyo.

 

Dagaalkaan ayaa ka mid ah dagaalo xiriir ah oo maalmahaan ka socday Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhaxe kaasoo ushaxeeyey ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kuwa DFKS.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo taageersan Maxkamadaha Islaamiga oo xalay la wareegay gacan ku haynta Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

 

Maleeshiyaad daacad u ah Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya muddooyinkan dambena dhaqdhaqaaq xoogan ka waday Gobolka Hiiraan ayaa xalay la wareegay gacan ku haynta Degmada Jalalaqsi iyagoo aysan la kulmin wax iska hor imaad hubeysan ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkan Maxkamadaha Islaamiga la wareegen xarumihii Maamulka Dowladda Federaalka ee Magaalada Jalalaqsi, sida Xarunta Maamulka, Saldhigga Booliska iyo xarumo kale.

 

Goordhaw oo maanta ah ayaa lagu wadaa in hor joogayaasha Maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga la hadlaan dadweynaha degmadaas iyagoo u sheegi doona waxyaabaha ay ka damacsan yihiin Gobolka.

 

Gobolka Hiiraan ayaa noqday meelaha toddobaadkan rabshadaha ba’an ee ka socda dalka Soomaaliya ka dhacayeen waxaana gacan ku haynta Gobolkaas ku loolamaya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa dalka Itoobiya iyo kooxaha Maxkamadaha Islaamiga oo iyagana gacan ka helayaan Shacabka Gobolka.

 

--------------

 

Gaalkacyo: Ciidamo isagu jira Itoobiyaan iyo Soomaali oo lasoo dhoobay Xadka Gobolada Galgaduud iyo Mudug

 

Ciidamo isagu jira Itoobiyaan iyo Soomaali ayaa lasoo dhoobay xadka gobolada Mudug iyo Galgaduud kadib markii ciidamada Alshabaab looga baqayo inay weerar kusoo yihiin Gobolada Puntland.

 

Ciidamadaani ayaa ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa culus iyagoo degay meel koonfur kaga beegan Bandiiradleey ee magaalada Gaalkacyo.

 

Lama oga inay horey usoconayaan iyo inkale balse wararka aanu ka helayno halkaasi ayaa waxay tibaaxayaan in ciidamada Soomaalida oo kaashanaya kuwa Itoobiyaanka inay baadi goob ugali doonaan Ciidamada Alshabaab oo maanta qabsaday hub tiro badan iyo dadba ku laayey deegaanka Cadaado.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa kasoo galay dhanka iyo gobolada Puntland waxayna usii gudbeen gobolka Galgaduud iyadoo caawa saldhig ka dhigtay deegaan u dhaw Bandiiradleey iyadoo aan la xaqiijin karin inay sii degenaananayaan halkaasi iyo inay horey ugu sii gudbayaan.

 

Wixii warar dheeraad ah ee ka soo baxa wararkaani dib baan idiinkala soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Ciidamo isagu jira
Itoobiyaan iyo Soomaali
(ain't that a cute sight) ayaa lasoo dhoobay xadka gobolada Mudug iyo Galgaduud kadib markii ciidamada Alshabaab
looga baqayo
(best believe that) inay weerar kusoo yihiin Gobolada Puntland.

Al-Shabaab markay maqlaan, constipation aa ku dhaco.

 

Hadootee markee sida Ari camal loo qowraco mid mid, cabaad-kooda iyo baroor-kooda adoonka dhan aa laga maqlaa. War yaa la taliyo dhabo-dhilif'ta ? War aaway dadkee dhabo-dhilif'ta uu naxi jiray markee jab gaarto ? Carabta waxay tiraahdaa: Lagad ac'thara man anthar, the equivalent of: Nin kuu dhigay kuma dhilin.

 

But you know the funny thing, I wonder intay galaayaan dhabo-dhilif'ta when the Tigrays are forced out ? I mean, does Aadan Madoobe think that he can go back to Baidoba and plead protection from the Tol ? Does Cabdullahi Amxaar think that Garoowe will be his sanctuary ? Do they not know inaa laga dhaba galaayo god-kasta ay madaxa gaashtaan ? If Tol-ka was gonna save somebody's behind, it woulda saved Gheedi and he fled to Nairobo as soon as Ethiopian protection ran out. And even if the Tol did try to protect them(long shot), heh, their best battle performance consists of firing a few shots and then gallantly running away, 'cept this time, there is no Mother Ethiopia to run to.

 

Exile, is what she wrote. Steal as much money you can get your hands on, just like His Excellency Xaaji Mudane Gheedi, and find yourself a foreign country willing to shelter war criminals.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this