Sign in to follow this  
General Duke

Lower Shabbele: roadblocks continue business.

Recommended Posts

MARKO: Isbaarooyin ayaa weli ka jirta qaybo ka tirsan gobolka Sh/Hoose oo ay dhawaan Maxkamaduhu la wareegeen

Posted to the Web Oct 25, 08:22

 

 

Marko (PP) - Wararka hoose ee naga soo gaaraya Gobolka Shabeellada hoose oo ka mid ah goobihii ay dhawaan la wareegeen Maxkamadaha ayaa waxay sheegayaan inay weli meelaha qaarkood ka jiraan isbaarooyinkii lacagaha baadda ah lagu qaadi jiray.

 

Qaar ka mid ah dadweynaha Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa u xaqiijiyay Puntlandpost inay jiraan weli goobo ay yaallaan isbaarooyinkii uu kaga tagay Gobolkaas maamulkii hore isla markaana loo qaato lacagaha baadda ah sidii caadiga ahayd.

 

Xaliimo gabar magaceeda ku soo koobtay oo ka mid ah dadka gobolka shabeellada hoose deggen ayaa u sheegay Puntlandpost inay jiraan weli isbaarooyin gawaarida socdaalka iyo kuwa xamuulka laga qaado, waxayna sheegtay in gaariga weyn ee xamuulka ah laga qaado lacag garaysa 400-kun oo Shillin Somali ah, halka gawaarida dadweynaha laga qaado 50-kun illaa 100-kun oo shilling.

 

Sidoo kale waxay sheegtay Xaliimo inay jiraan gawaari la dabadhigo gawaarida ka baxsada isbaarada, kuwaasoo gaariga looga qaado lacagaha badda ah, isla markaana ay taasi keentay cabsi laga qabo kooxo ka tirsan Maxkamadaha oo ku sugan Gobolka qaybo ka mid ah sida Laanta Buuro.

 

Gobolkaan ayaa ahaa gobol ay ka jireen dhibaatooyin ba'an waxaase Maxkamadaha markii dambe ay kula wareegeen dhanka afka iyadoo aysan jirin wax hub ah oo laga qaaday Maamulkii gobolkaas oo haatan howsha sii wada.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlanadpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this