Sign in to follow this  
Liibaan

Dowlada Somalia Oo Sheegtay In Ay Haatan Usoo Jeesanayso Gobolada Dalka oo Dhan

Recommended Posts

Liibaan   

somalia-map.jpg

 

Dowlada Somalia Oo Sheegtay In Ay Haatan Usoo Jeesanayso Gobolada Dalka

 

(Muqdisho}4.05-07

Dowladda Somalia ayaa shaacisay in marka lasoo afjaro amaan sugida magaalada Muqdisho ay u gudbi doonaan dhamaan gobollada dalka si dowladda Somaliya ay u noqoto mid dhamaan gobollada dalka gacanta ku heysa.

 

Hadalkaasi ayaa laga soo xigtay taliyaha Ciidamada Booliska Somaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid isagoona sheegay in marka amaa kusoo dabaalida Muqdisho ay dhamaato ay gobollada dalka gaari doonaan.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliyeed waxaa uu tilmaamay in ay muhim tahay dowladda Somalia in ay isku balaariso dhamaan gobollada dalka si dowladu ay u noqoto mid dhamaan dalka gacanta ku heysa.

 

Waxaana uu ka codsaday shacabka ku nool gobollada dalka in ay ku gacan qabtaan ciidamada dowladda Somalia sidii amaanka ay ula wareegi lahaayeen islamarkaana xasiloonidii loo soo celin lahaa.

 

Col.Qeybdid waxaa uu carrabka ku adkeeyay in marka ay gabagabo joogto howsha nabad ilaalinta ee magaalada Muqdisho isla markaana ay muhim tahay in loo talaabo gobollada dalka.

 

Waxaa uu tilmaamay Qeybdid in ay jiraan qaar kamid ah gobollada dalka oo maamul wanagsan leh hayeeshee waxaa uu xusay in gaari doonaan gobollo gaar ah inkastoo uusan carabaabin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this