Sign in to follow this  
General Duke

Mayor of Mogadishu meets with business men

Recommended Posts

Guddoomiyaah G/Banaadir Iyo Ganacsatada Muqdisho oo maanta kulan ku yeeshay Hotel Lafweyn (Ganacsatada oo oggoladay in ay bixiyaan lacag dhan 200 oo kun oo dollar

 

Maanta ayaa hotelka Lafweyn ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay halkaa ku yeesheen guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo dhamaan ganacsatada waaweyn ee magaalada Muqdisho waxaana kulankaa looga hadlay arrimo kala duwan oo quseeya guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho.

 

 

Maanta ayaa hotelka Lafweyn ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay halkaa ku yeesheen guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo dhamaan ganacsatada waaweyn ee magaalada Muqdisho waxaana kulankaa looga hadlay arrimo kala duwan oo quseeya guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho.

 

Kulankaasi oo ay soo wada xaadireen qeybaha ganacsatada eekala ah : Xawaaladaha,shirkadaha Isgarsiinta iyo ganacsatada ku howlan wax soo dejinta iyo dhoofinta ayaa markii uu soo dhamaaday kaddib waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Dheere iyo guddoomiyaha Ganacsatada Gobalka Banaadir maxamuud C/kariin Cali Gabeyre,waxaana labaduba ay saxaafadda u sheegeen in si weyn la isugu afgratya dhamaanba qodobadii kulanak looga dooday.

 

Gudoomiyaha Gobalka banaadir ayaa sheegay in ganacsatadu ay ballan qaadeen in dowladda federalka Soomaaliya ay ku gacan siiyaan dhaq dhaqaaqyada shacabka loogu adegayo sida :sugidda amaanka,dhisidda wadooyinka ku bur buray dagaaladii sokeeye ee dalku soo maray iyo waliba in ay bixiyaan lacag dhan 200,000 oo doolarka mareykanka ah oo lagu dhiirigelinayo socodsiinta howlaha maamulka Gobalka Banaadir.

 

Waxaa Guddoomiyaha Gobalku uu shegay in ganacsatadu ay iska soo dhex saareen guddi gaar ah oo xubin ka ahaanaya dowladda hoose kalana shaqeynaya howlaha shacabka Soomaaliyeed loo hayo,ayna taasi tahay tallaabo w adaninimo oo horay loo qaaday.

 

Guddoomiyaha Ganacsatada Gobalka banaadir Mudane Gabeyre oo isna halkaa hadal kooban ka Jeediyay ayaa sheegay in ganacsatada iyo maamulku ay isla garteen wax yaabihii ay ka wada doodeen oo dhan ayna diyaar u yihiin in ay meelmariyaan qodobadii laga hadlay oo ay ka mid tahay bixinta lacagaha lagu dhiirrigelinayo howsha maamulka Gobalka banadir.

 

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

 

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

M.Dhere oo la kulmey Ganacsatada

11 May 11, 2007 - 2:25:10 PM

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa maanta hotelka Lafweyn kula kulmay ganacsatada Gobolka Banaadir, kulankaasi oo looga hadlayey sidii ganacsatada ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo dib u soo nooleynta bilicda magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Dheere ayaa ganacsatada gobolka Banaadir ka codsaday in ay qeybtooda ka qaataan sidii loo horumarin lahaa bilicda magaalada iyo howlaha nadaafada ee laga wado magaalada Muqdisho, wuxuun ka dalbaday ganacsatada in ay bixiyaan lacag dhan 200 Kun oo Dollarka Mareykanka taasoo wax looga qabanayo nadaafadda iyo bilicda gobolka Banaadir.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ganacsatada ku wargeliyay in loo baahan yahay in la helo canshuuro si maamulka gobolka Banaadir howshiisa u noqda mid horumariya guud ahaan gobolka iyo adeegyada bulshada.

 

Ganacsatadii ka soo qeybgashay kulankaasi oo ka badnaa 150 qofood ayaa balan qaaday in ay la shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir isla markaana ka soo bixi doonaan qeybta kaga aadan horumarka gobolka.

 

Maxamuud C/kariin Gabeyre oo ah guddoomiyaha ganacsatada gobolka Banaadir oo kulankasi ka hadlay ayaa shegay in ay diyaar u yihiin wax walba oo lagu harumarinayo gobolka isla markaana ay bixin doonaan lacagta maamulka uu ka codsaday, isagoo sheegay in 24-ka saac gudahood ay ku soo jawabi doonaan ganacsatada Somaliyed ee gobolka Banaadir.

 

Waa markii ugu horeysay ee ganacsatada gobolka Banaadir iyo maamulka cusub ee gobolka ay wada kulmaan, iyadoo Maxamed Dheere maalintii shalay ku eedeeyay ganacsatada Soomaaliyeed qarkood in ay ka danbeyan qaraxyada ka dhaca Muqdisho isla markaana ay maalgeliyaan kooxaha falalka amaan darada ka wada Muqdish

 

Cali Muxayadiin,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this