General Duke Posted September 14, 2007 Xiisad ka taagan degmada Cabudwaq 13 Sep 13, 2007 - 8:36:55 AM Xiisad kulul ayaa lagu waramayaa in ay ka taagan tahay degmada Caabud Waaq ee gobolka Galgaduud taasoo ka dhalatay kadib markii 11-kii bishan lagu dilay degmadasi madaxii tallaalka dabeysha ee hey’adda WHO u qaabilsanaa gobolka Marxuum Faarax Warsame Diiriye “Jiifaa”. Maliishiyoyinka beesha uu ka tirsanaa marxuumkan ayaa lagu waramayaa in ay ababul xoogan wadaan halka kuwo kale oo deeganka ah ay is-horfadhiyaan. Waxaa jira dadaal ay wadaan odayaasha dhaqanka ee deegaankaas oo la doonayo sidii loogu xakameyn lahaa dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka labada maliishiyo beeleed ee isku degaanka ah, inkastoo la sheegay in laga heshiiyay dilkii sarkaalkaasi caafimaad oo maliishiyo beeledkii ka danbeysay ay odayaasha dhaqanku ku xukumeen in ay bixiyaan 300 halaad oo geel ah iyo ganaax ay dhaqanku u yaqaanaan Casaaro. Deegaanada Galgadud ayaaney ku cusbeyn falalka loo geysto sarakiisha caafimaadka iyo kuwa hey’addaha gargaarka kaasoo la xiriira isqabqabsi dhinaca shaqada, kirida, ilaalada iyo gaadiidka hey’adaha samafalka kaasoo dhaliya in mararka qaar dhibaato loo geysto mas’uuliyiinta hey’addahaasi isaga baxaan gobolka. Garowe Online,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted September 14, 2007 Buunbuunis. The city is calm and the elders of the killers have been sent to apprehend them. Governor Cabdirzaaq Xassan Cawl Quote Share this post Link to post Share on other sites