Sign in to follow this  
General Duke

Cabudwaaq: Tension spaked by murder of aid worker

Recommended Posts

Xiisad ka taagan degmada Cabudwaq

13 Sep 13, 2007 - 8:36:55 AM

 

Xiisad kulul ayaa lagu waramayaa in ay ka taagan tahay degmada Caabud Waaq ee gobolka Galgaduud taasoo ka dhalatay kadib markii 11-kii bishan lagu dilay degmadasi madaxii tallaalka dabeysha ee hey’adda WHO u qaabilsanaa gobolka Marxuum Faarax Warsame Diiriye “Jiifaa”.

 

Maliishiyoyinka beesha uu ka tirsanaa marxuumkan ayaa lagu waramayaa in ay ababul xoogan wadaan halka kuwo kale oo deeganka ah ay is-horfadhiyaan.

 

Waxaa jira dadaal ay wadaan odayaasha dhaqanka ee deegaankaas oo la doonayo sidii loogu xakameyn lahaa dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka labada maliishiyo beeleed ee isku degaanka ah, inkastoo la sheegay in laga heshiiyay dilkii sarkaalkaasi caafimaad oo maliishiyo beeledkii ka danbeysay ay odayaasha dhaqanku ku xukumeen in ay bixiyaan 300 halaad oo geel ah iyo ganaax ay dhaqanku u yaqaanaan Casaaro.

 

Deegaanada Galgadud ayaaney ku cusbeyn falalka loo geysto sarakiisha caafimaadka iyo kuwa hey’addaha gargaarka kaasoo la xiriira isqabqabsi dhinaca shaqada, kirida, ilaalada iyo gaadiidka hey’adaha samafalka kaasoo dhaliya in mararka qaar dhibaato loo geysto mas’uuliyiinta hey’addahaasi isaga baxaan gobolka.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this