Sign in to follow this  
Liibaan

Maxkamadda G. Hargeysa Oo Xabsi 30 sano Ku Xukuntay Culumo

Recommended Posts

Liibaan   

Maxkamadda G. Hargeysa Oo Xabsi Dheer Ku Xukuntay 9 Ka Mid Ah Koox Loo Haystey Argagixisonimo: Waxaa Ka Mid Ah Xasan Daahir Aweys Iyo Cayrow

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 09 December, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xabsi dheer oo u dhexeeya 20 ilaa 30 sannadood oo xadhig ah ku ridday 9 nin oo ka mid ah koox loo haystey inay qorshaynayeen weerar argagixiso oo la doonayey in laga fuliyo Somaliland Sept. 2005. Mid ka mid ah kooxdaas ayay Maxkamaddu xorriyaddiisa u soo celisey, laba kale oo iyagu maqane ahaana waxay Maxkamaddu ka jebisey eeddii loo haystey.

 

 

Sheikh Hassan Dahir AweysKooxdaas oo 8 ka mid ahi ku jireen xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa muddo sannad ah, lix kalena dacwaddu ku socotey iyaga oo maqan ayaa saaka maxkamaddu ku dhawaaqday go’aankii ay ka gaadhey dhegeysiga dacwadooda oo qaadatay in ka badan 20 fadhi, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen 8da eedaysane ee la hayey, qareenada eedaysanayaasha, xeer Ilaalinta, ehelada maxaabiista, saxaafadda iyo dadweyne kale oo dhegeysanayey. Shan eedaysane oo ka mid ah 8da eedaysane ee maxkamadda la horkeenay ayay Maxkamaddu ku xukuntay midkiiba 20 sanadood oo xadhig ah, halka 2 kalena ay ku xukuntay midkiiba 25 sannadood, isla markaana waxay xorriyaddiisa u soo celisey Sh. Maxamuud Maxamed Nuur (Faruur), kadib markii uu ku caddaan waayey dembigii lagu soo oogey.

 

8daa maxbuus oo laga soo qabqabtay Burco, Hargeysa iyo Berbera wakhtiyo kala duwan ayaa waxa lagu eedeeyey isku day dil baahsan oo argagisixonimo ah iyo inay qorshaynayeen falal kharbudaad ah oo ku lid ah qaranimada Somaliland. Waxana ay maxkamaddu sheegtay in 7da eedaysane ee la xukumay uu ku caddaaday dembiga lagu soo oogey.

 

Eedaysanayaasha maqanaha ah oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho, Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Maleeshiyada Maxkamadaha, Aadan Xaashi Cayrow ayaa iyaga waxa lagu eedeeyey inay Xamar ka soo abaabuleen kooxdan doonaysey inay hawlgalka Argagixiso ka fuliyaan Somaliland. Waxaana laba ka mid ah oo u dhashay Somaliland, Axmed Cabdi Godane iyo Ibraahim X. Jaamac Meecaad (Ibraahim Afgaan) lagu xukumay midkiiba 30 sannadood oo xadhig ah iyaga oo maqan. Maxkamaddu waxay sheegtay in Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Aadan Cayrow loo waayey caddayn ku filan dacwadda lagu soo oogey.

 

Eedaysanayaasha xabsiga dheer lagu xukumay waxaa ka mid ah Sh. Maxamed Sh.Ismaaciil oo dhowaan cajalad muujinaysa in la jidh-diley oo lagu faafiyey warbaahintu ay buuq iyo muran badan ka abuurtay dalka.

 

Qareennada u doodaya Eedaysanayaasha ayaa sheegay in aanay ku qancin xukunka Maxkamadda, isla markaana ku tilmaamay in uu yahay xukun siyaasadaysan. Waxayna sheegeen inay Racfaan ka qaadanayaan.

 

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this