Liqaye Posted December 12, 2003 Dadka iyo duunyada ku nool degmooyin ka tirsan gobalka Galgaduud ayaa dhibaatooyin ba’an waxaa ku haya miinooyin lagu aasay xilliyadii ay socdeen dagaalada sokeeye deegaanadaasi. Guddoomiyaha Degmada Ceel-dhheer Xuseen Maxamud Cosoble oo saakay u warramayay HornAfrik sheegay meelaha ugu daran ee ay miinooyinka ku jiraan inay yihiin tuulooyin ka tirsan degmooyinka Ceel-dhee, Ceel-buur sida Caws-weyne, Bargaan iyo Xaaji Iimaan. Deegaanadaasi ayey miinooyinka dhibaato ugu geysteen xoolo fara badan oo ay la qaraxday iyadoo dad badanna ay wax ku noqdeen. Guddoomiyaha waxaa uu intaasi raaciyay in wadooyinka deegaanadaasi aysan wax gaadiid ah marin in ku dhow toban sano iyadoo miinooyinka ay xireen wadooyinkaasi, wuxuuna hey’adda ku shaqada leh hawlahaasi guddoomiyuhu ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka daran oo ay geysanayaan miinooyinka. Quote Share this post Link to post Share on other sites