Sign in to follow this  
General Duke

Laas Caanood: Gen Saalax [leader of Somali armed forces] tours SOOL

Recommended Posts

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo Laas Caanood jooga

 

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Saalax Xasan Jaamac ayaa maanta gaarey magaalada Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada daraawiishta ee dawlad goboleedka Puntland isimada, cuqaasha iyo maamulka gobolka Sool.

 

Wafdigan ayaa kurmeer ku tegey xeryaha ciidamada daraawiishta dawlad goboleedka Puntland, ciidankaas oo ay dhowaan la wareegeen xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Gen Xasan Jaamac Jaamac, ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya saraakiil kale oo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya waxana ay ka amba baxeen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

 

Ujeeddada socdaalka wafdigan ayaa ah ogaanshaha xaaladda ciidanka daraawiishta dawlad goboleedka Puntland.

 

Axmed Maxamed Jaamac

 

SBC Laas Caanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen Saalax Xasan Jaamac iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey laascaanood

Warkii 04-Sep-2007 iyo Qormadii: c/qaadir gaabuush

 

Waxaa saaka soo gaadhay magaalada Laascaanood wefdi aad ubaladhan uu oo hogaaminayo taliyaha ciidanka Xooga dalka Somalia Gen Saalax Xasan Jaamac iyo saraakiil kale oo badan ...

 

 

Gen Saalax Xasan Jaamac ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xooga dalka Somalia , kuwaas oo si aada loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood..

 

Saraakiishan ayaa kulamo la qaatay dhamaan saraakiisha ciidamada daraawiishta puntland ee ku sugan gobolka Sool , kuwaas oo ay hore ula wareegtay dowlada federaalka ee Somalia ..

 

Ujeedada ugu wayn ee uu wefdiga Gen Saalax Xasan Jaamac ayaa ahayd u kuur galka xaalada ciidanka daraawiishta ee difaaca kaga jira jiida-adhicadeeye , kuwaas oo mudo ka badan sadex sano ku sugnaa halkaasi..

 

Wefdiga ayaa kormeer ku tegay xeryaha ciidamada degan yihiin , ka dibna dib ugu soo laabtay gudaha degmada laasaanood si ay ula hadlaan dadwaynaha ..

 

C/qaadir gaabuush

 

afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska guud ee Ciidanka Dawlada oo markii ugu horaysay gadahay Laascaood { 04 Sep 2007}

 

waxaa la daabacay Tue 04 Sep 2007 14: 52: 13

Abaanduulaha Ciidamada Dawladda kumeel gaadhka ah General Saalax iyo wefti Saraakiil ah oo ay ka mid yihiin Generaal C/samed Cali Shire ayaa gaadhay Laascanood

Weftigan oo ka soo anbabaxay Garoowe ayaa durbadiiba booqasho ugu tegay Cidamada ku duruufaysan jiida hore ee adhicadeeye iyagoo u sheegay in la mideeyey Ciidanka Dawlada hada wixii ka danbeeyana ay heli doonaan xuquuqdooda.

 

Waa markii ugu horaysay ee Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka uu gaadho goobtaas, waxaana ay tani ka danbaysay ka dib markii dhawaan la mideeyey CiidankaPuntland iyo Ciidanka federaalka Soomaliya.

Lama hubo in wax is bedel ah oo weyn uu ku soo siyaadidoono waxaasa aad ma moodaa in durba Ciidanka uu soo galay waxoogaa yididiilo ah

 

 

alldarwiish.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jeneraal Saalax Xasan Jaamac oo Gobolada Maamulka Puntland ka wada Dhamaystirka Qorshe lagu qaranameynayo Ciidamada Puntland.

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaa ku suganyahay Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jeneraal Saalax Xasan Jaamac halkaas oo uu kulamo kula qaatay Madaxweyne Cadde Muuse .

 

Taliyaha Ciidamada Xooga ayaa waxa uu halka u tagay sidii uu u dhamaystiri lahaa Qorshe qabya ahaa oo ay Wasaarada Gaashandhiga ku dooneysay in la qarameeyo Ciidamada Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa Daraawiishta, waxaana horey Socdaal arintaa looga gol leeyahay ku tagay Maamulka Puntland Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Halyeey Salaad Cali Jeele o safaro shaqo ku tagay gobolo badan oo ka mid ah Puntland isagoo maamulkaana kala soo hadlay sida ay Ciidamada Daraawishta uga mid noqon karaan Ciidamada Xooga oo ay uga hawlgali karaan Somalia inteeda kale.

 

Jeneraal Saalax Xasan Jaamac ayaa waxaa uu kormeero shaqo ku tagay intii uu halkaa joogay Xarooyinka ciidamada Daraawiishta Puntland, waxaana talaabadaan kala shaqeynaya Maamulka Puntland oo ay ugu horeeyaan Saraakiisha Ciidamada.

 

Maamulka Puntalnd ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay u hogaansameen Codsiga Taliska wasaarada Gaashaandhiga ee somalia.

 

Dawlada Federaalka gaar ahaan Wasaarada Gaashaandhiga ayaa waxa ay wadaa dadaal ku aadan in la mideeyo Ciidamada Xooga Dalka meel walbaa oo ay Somaaliya ka jogaan , waxaana ay talaabadaan horseedi doontaa in dib loo helo Cudadii Ciidamada Xooga ee kala firdhinsantay.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@hotmail.com OrCarmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo Laas Caanood jooga

 

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Saalax Xasan Jaamac ayaa maanta gaarey magaalada Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada daraawiishta ee dawlad goboleedka Puntland isimada, cuqaasha iyo maamulka gobolka Sool.

 

Wafdigan ayaa kurmeer ku tegey xeryaha ciidamada daraawiishta dawlad goboleedka Puntland, ciidankaas oo ay dhowaan la wareegeen xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Gen Xasan Jaamac Jaamac, ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya saraakiil kale oo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya waxana ay ka amba baxeen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

 

Ujeeddada socdaalka wafdigan ayaa ah ogaanshaha xaaladda ciidanka daraawiishta dawlad goboleedka Puntland.

 

Waftigan ayaa waxaa kaloo ay tageen meel ku dhaw aagga ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee maamullada ******ka iyo Punt land iyadoo maanta xiisadda aaggaasi ay si dabiici ah u daganeyd.

 

Taliyaha ciidamnka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo uu ku jiro taliyaha Guuto 1aad ee ciidanka xoogga Halyeey Md.Col-C/Risaaq Afgaduudu.

 

Booqashadan kadib ayaa waftigu waxa ay soo aadeen magaalada Garowe ee xarunta u ah dowlad goboleedka Punt land si ay wadahadallo kale ula qaataan masuuliyiinta Punt land.

 

Safarka masuuliyiintan ayaa waxaa la sheegayaa in ay kaga doonayaan maamul goboleedka Punt land ciidamo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 2000 oo askari oo la doonayo in ay ka howl galaan koofurta dalka Soomaaliya

 

Abaaqaroow.com (wiil waal)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Baashi:

Where is the army Inna Hassan Jama supposedly leads?

They are there,invisible of course, playing second tier to the Tigre askaris. Doing the cooking,cleaning & washing. You know,The usual sort of things an occupied country's soldiers do. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this