Koora-Tuunshe Posted October 3, 2007 Dhahar Online: Abwaan Hure oo ah abwaan marba marxalad ka gabya oo runtii xidkaha maansada marba siday laabtiisu qabato ilaah ugu fududeeyey afka ayaa wuxuu isoo gaarsiiyey gabay aad iyo aad u qiimo badan, gabaygaasoo aan jeclaaday inaad heshaan erey-bixintiisa iyo sharaxaadiisa hase yeeshee, Abwaan Hure ayaa iga codsadey inaan halkaa ku dhaafo wuxuuna yiri “tixdani uma baahna tafsiir akhristuhuna isagaa isku filan saan filayo” Laakiin Abwaan Hure ayaa wuxuu intaa ku darey “Waxaan ku hadal qabsadey Abdulaahi Spanish oo ah abwaana oo degan cariga Spain oo aan aad u jeclaystay unii ragaas maruun wax yidhaaho”….. Abwaan Hurre wuxuu yiri: 1 Abdulaahi dheegow qalbigu wuu idheeliyaye 2 Dhutin socodka iga muuqda iyo dheeha iga duulay 3 Dhafooradan isoo yare gotiyo dhogor xumaantayda 4 Dhukaan cudur sidaan qabo waxaa dhuubay sabarkayga 5 Dhadhabkiyo waxaa iigu wacan dheelalaw hadalka 6 Dhaandhaan sidiisii waxaa ii dhaqabateeyey 7 Hadaan dhumuc lahaan jiray waxaa dhabankan ii yeelay 8 Dharaar socod hadii aan iqiin dhuumashaan ahaye 9 Dhoobi reer sidaan ahay waxaa dhaxanta ii seexshey 10 Dhakafaar ayaa iga hadhiyo dhabana hays uune 11 Dhadhamada ragaa doontay iyo xabag dhunkaaleeda 12 Raguu dherigu naga qaatay iyo dhuunigiyo soortu 13 Dhan dhanaanka nimankaa bartiyo heenka dhuridiisa 14 Dhegxumada ragaa noogu wacan dhimasho yeelkeede 15 Dhaawaca ragaa nagu dhigee dhinaca jiifshey 16 Dharab cararka nimakaa ahee dhedada roob moodey 17 Dheelalawga niman kaa socdaan meela dhuganaynin 18 Dhulkii iyo dadkoodi ragaa dhinac ka weydaartay 19 Dhirbaaxada ragaa nagu dhigiyo ceebta nagu dhaashan 20 Dhudhumada ragaa naga jebshiyo dhaadadkiyo xoogga 21 Dhaameelka nimankaa gurtaan xumaha dhaadaynin 22 Ehelkiyo dhashoodii ragaa siistay dhala baasta 23 Nimankaa dharkii tuurayee sharaf ka dhaanteeyey 24 Nimankaa dhufayska ugu jira dhagarta reerkooda 25 Dhiigii walaal kood ragaa dheeriga uqaatay 26 Caanaha dharkaynkiyo ragaa dhamaya waabayda 27 Ragaa dhiraha ciin daaqayiyo dhicirtu waayaabe 28 Iyaga iyo dhuxulaysatadu waxisma dhaamaane 29 Labaduba dhegteenii diliyo dhalasha deeniiye 30 Dhaqan laawayaal weeye aan ceeb ka dhiidhiyine 31 Nin weliba wuxuu dheefsadaa wuxu dhitaystaaye 32 Nin kastaa wixii uu dhigtuu dhab ugu aayaaye 33 Dhaxalkii adoogood kaqade dhurana maayaane 34 Cadowgaa dhexdeeniyo ku jira dhudaha aan joogno 35 Dheel dheesha nimankay latahay dhudi baroor teedu 36 Dhibaatada ragaa doonayoo dhacaya geellooda 37 Dhayal maaha xaalkoodu oo dhawrid siima lehe 38 Nimankaa dhaleecaysan iyo dhidaradaa waashay 39 Gacalkood waxay dhaafsadeen dhuuni maalinahe 40 Waa inaan dhabuga fiirsanoo dhagax kutuuraaye 41 Hadaynaan kadhiidhiyinin oo dhebiga loo qaadin 42 Dharaar taynu joogniyo hadiyo saacadaha dhaaban 43 Dhuunta hadaan lajarinoo ragaa eeba lagu dhaabin 44 Dhurwaa iyo dawoco iyo hadaan hadku dhilan waayin 45 Dhedigeenu guurbeel hablihii dheemanta ahaaye Hurre Dabayl hurreaxmed@yahoo.co.uk Waxaa diyaariyey Saalax Dhahar Online Quote Share this post Link to post Share on other sites