NASSIR Posted August 12, 2010 Dagaal Qasaare dhaliyey oo Maanta ka dhacay Degaanka Sugure ee G/Bari SUGURE:-Dagaal qaraar oo ciidamada Puntland ay kooxa ka soo horjeeda dhabarka kaga jebiyeen ayaa maanta gelinkii hore ilaa duhuradii waxa uu ka soconayey Degaanka Sugure oo ku dhow karin, isla markaana loo sii maro Magaalada Galgala iyo Degaano kale oo ka tirsan buuralayda Calmadow. Saaka xili Aroornimadii ay ahayd ayaa dagaalkan waxaa soo qaaday koox hubaysan oo dhexda kaga dhacay Ciidamada PISta fadhiya deegaanka Sugure oo ay halkaasi dhaawac iyo dhimasho badan ay u geysteen ciidamada PSTA iyo kuwa Puntland oo Halkaasi difaac adag kaga jirey. Ciidanka Maamulka Puntlan ka gadaal laga gubey 1 gaari oo Nooca dagaalka ah,waxaana ay ka qaqabeteen 10 Maxbiis ah 7Mayd ah iyo 9 dhaawacooda la soo gaarsiiyey Cisbitalka Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari. Dagaalkana yaa joogsaday Maanta 2Durhurnimo ilaa iminkana lama garanayo Dhaawaca iyo dhimashada kooxda Werarka soo qaaday inta ay le,egtahay. Maxamed Axmed Ciise Dhahar Onlline Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 12, 2010 Sheekh Atam oo Dib ula wareegay GalGala August 12, 2010 By Juuj Dagaal Qadhaaq oo wali ka socda GalGala iyo Agagaarkeeda ayaa sheekh Maxamed Siciid Atam Dib Ugula wareegay Degmada GalGala ee ay Horay Gudaha ugu Galeen Malayshiyaadka Faroole,warka aanu Helayno ayaa ah Mid sheegaya in Sheekhu uu weerar Culus ku soo qaaday Saaka Waa Barigii Afar Jiho oo ah Magaalada GalGala Taasina ay Dhabada u xaadhay in GalGala ay Gudaha u Galaan Ciidamada Deegaanka Galbeeka Bari. Ilo Wareed kale ayaa sheegaya in Toga Sugure oo ay Horay Dib uga Durkeen Ciidamada Deegaanka Sheekh Atam ay Saaka ku soo waa Bariisteen Ciidamo Cusub oo la sheegay inay ahaayeen Gurmad dhanka Bari Sheekha uga Yimi Dagaalka ayaa wali ka socda Toga Sugure iyo Afka Hore ee Degmada Galgala.waxana walaac xun laga Muujiyay Bad Baada Ciidamadii PL ee Gudaha GalGala Ku Jiray kuwaasi oo Go’doon Adag ku Jira. Lama Sheegin wali Khasaare Laakiin Warar Hor dhac ah ayaa sheegaya inuu Dagaalku Socdo wali Xukuumada PL ay Gurmad Ka Dalbatay Ciidmaada Ku Sugan Xadka Gobolka Mudug. Sheekh Maxamed Siciid iyo Ciidanka ayaa dadka Siyaasada Lafa Guraa sheegayaa ama Arimaha Daagaalada ku xeel dheeri, inuu Sheekhu Sameeyay Is Taraatiijiyad Cusub oo dhanka Dagaalka Madaaba ay Dib ula wareegeen Saldhigii Hore ee Dhanka Bari Xigay. Faah Faahin Naga Suga Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 12, 2010 Sawir Gacmeed Laga Sameeyay Gen C/Samad August 11, 2010 By Admin Tan iyo Markii ay Bilaabatay Galbeedka Bari ee Gaar ahaan weerarkii Qaawanaa ee Lagu qaaday GalGala, ayaa Waxa dhaliisha ugu badan la saaray marka Tan Imaam Faroole laga Yimaado Gen C/Smaad Cali Shire oo ah ku Xigeenka Faroole kaasi duulaan Badheeh ah ku Qaaday GalGala Bara Kiciyayna Dadkii deegaankaasi. Hadaba Ururka Darwiish Youth Org ayaa Farshaxan ka Suubiyay Xaalada PL Gaar ahaan Sida Faroole Hogaanka Ugu hayo Ku Xigeenkiisa Gen- C/Samad Cali Shire oo loo Arko inuu yahay Nin Qool Faroole ku Ritay. Gen-C/Samad Cali Shire ayaa dadka Yaqaan waxay ku Tilmaamaan Ruux aan Awood iyo Maskax uu Leeyahay ku Socon isla markaana Talada iyo Go’aanka la Wadaaga Dr Faroole oo aan isuguna waxba dhaamin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 12, 2010 War Degdeg ah! Beerihii Galgala oo Dab la qabad Siiyey! August 10, 2010 By Somali Ciidamadii Dawlad Puntland oo galay Galgala, kagadaal markii ciidamadii hore uga dagaalamayey ay dib ugurasho xeelad dagaal kaga bexeen degmadaasi. Ilaa iyo shalayto waxaa ku sugnaa halkaasi ciidan ka tirsan Dawlada Puntland.Hadaba oday ku sugan degamada Galgala oo xidhiidh nala soo sameeyey kana mid ah guurtida iyo cuqaasha deegaanka ayaa noo xaqiijiyey in dab laqabad siiyey beerihii magaalada oo dhan. Dabkani la qabadsiiyey beeraha ayaa waxaa ka danbeeyey cidankii maamul goboleedka Puntland, taasi oo ay sabab uga dhigeen sida odaygu noo xaqiijiyey in la rabo magaalada in laga raro shacabka waa sida uu warka u dhigaye, sidoo kale waxa la rabaa ayuu in Galgala ay noqoto Saldhig ciidan oo aan la rabin in shacab ka agdhowaado. Arintani ayaa waxa ay dhabarjab ku tahay kudhowaad 20.000 oo qof oo ku nool deegaankaasi noloshooduna ku tiirsanayd dalaga beeraha ay fashaan ilaa mudo dhowr qarni ah.shalayto ayaa odayashu ka codsadeen dawlad goboleedkaasi in ay dadka lasoo gaadhaan gar gaarn balse waxaa cajaa’ib noqotay intii ay ku noolaayeen in cidamadu ay xalay saqdi dhexe dab qabadsiiyeen. waxaa ku khasaarooobay qiimo gaadhaya malaayiin dollarka maraykanka ah iyo kharash aad ubadan oo ka galay dadkaasi iyo nolol xumo soo foodsaarta dadkaasi ku nool deegaanka. Puntland ayaa qorshaynaysa agaasime beeleedka khayraadka ay u doorteen in uu maanta booqdo magaalada Galgala. Ciise Dhoolowaa oo ah nin kii dabada ka riixayay dagaalkii Galgala. Arintani oo ku tusinaysa arxan darada loo hayo Shacabka deeganadaasi oo sideed bilood cunaqabayn Saarnayd.iyo in aan wax dan ah laga lahayn hadii ay dhamaadaan iyo hadii kaleba balse ujeedku uu yahay Macdanta iyo kharashdoonka maamulkaasi oo keliya. Isha wararka xaqiiqda ah Galgalanewsagency Galgalanews@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted August 12, 2010 Puntland oo Gaadhi la Gubay Dagaalkii Galabta August 11, 2010 By Admin Kadib markii ay kadaba tageen ciidamad Puntland Ciidamda Deegaanka Galbeedka bari ayaa waxaan ogaanay in ay halkaasi uu jab wayn kaagaaray. Masuul Xil weyn kahaya Puntland oo lahadlay saxaafada codsadayna in aan magaciisa la sheegin ayaa afbuuxa waxa uu noogu sheegay in ciidamada Puntland ay ku jabeen halkaasi Kadib markii ay masuulka ay u shegeen kuwa safka hore jooga in gaari laga gubay sadexna laga dhaawacay. Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Atam oo Ciidankiisu ay wali ku Jiraan Goob aan Saas uga Fogayn GalGala oo ay Gudaha ugu Jiraan Ciidamada PL Wararka ayaa sheegaya inuu Dagaalku wali socdo, oo aan Faah Faahin dheeraad ah Laga Helayn Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted August 12, 2010 Xeeladii Dagaal ee Galgala! August 9, 2010 By Somali Dawlada Puntland ayaa sheegatay maanta in ay sinabad gelyo ah ku galeen degmada Galgala ee gobolka bari, Kagadaal dagaal kulul oo ay shalay kala kulmeen ciidamka Ilaalada deegaanka ee Sheekh Maxamed Siciic Atom, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac aad ubalaadhan khasaare aan yarayna soo gaadhsiiyay ciidanka dawlada Puntland. Xalay saqdii dhexe ayaa ciidanka Shiikhu si xeelad dagaal ah uga bexeen toga Sugure oo shalay laysku mari waayay, waxaa wakhtigaasi ku ekaa wakhtiii ciidamada bada ee gaashaanbuurta Neto iyo dawladu ay kubalameen hadii dawlo soo afjari waydo in ay ka duqaynayaan dhanka hawada, iyadoo xalay saqdii dhexe diyaarado joog hoose ku duulaya laga arkayay aagii dagaalka iyo isla degmada Galgala. Sheekha iyo ciidankii oo sirdoon koodu aad u sareeyey ayaa dib uga baxay deegaankii ay joogeen iyaga oo udanaynayay shacabka degmada Galgala oo maamulka Puntland uu kusoo rogay cunaqabaytayn mudo sideed bilood ah.dhanka kale maadaama dagaalkii shalay dawladu kujabtay ayna dagaalkii qayb kanoqdeen kooxaha jooga bada Soomaaliya ee ka socda Neeto, waxa ay go’aan sadeen in shacabka loo dhimriyo. Goobtii dagalka kasocday saaka markii ay tageen ciidanka Dawladu waxa raad ah oo raq iyo dhaawac toona laguma arag, tanina waxa ay noqotay mid ka fajicasay kooxihii dawlada u sareeyey ee horkacayay dagaalka halka ciidanka dawlada dhaawacoodii laga daad guraynayey Garoowe iyo Boosaaso iyadoo lookala diray Herer iyo Adis ababa Itoobiya, oo ay heshiis ku wada galeen in ciidanka ku dhaawacma si kharash la’aan ah loogu daweeyo Puntland. Khidadaha dagaalka ee Sheekhu uu ku talaabsaday xalayto ayaa naruuro iyo nayaayiro gelisay bulshadii deegaanka oo ka cabsi qabay in laysla jiido taasina waxaa ku amaanan sheekh M.S.Atom, Isha wararka iyo xogta dhabta ah Galgalanewsagency. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted August 12, 2010 Puntland oo Dib ugurasho samaysay Dagaalkii Karin! August 8, 2010 By Somali Kagadaal maanta gelinkii danbe goor ay tahay casar gaabkii markii dayankii iyo danaagoyinkii rasaastu kala joogsadeen,togii lasyku horfadhiyayna ay ciidamadii Dawlada Puntland ee dagaalka soo qaaday wax talaabo ah oo horumar ah ka gaadhi waayeen,iyadoo dagaal laysku jilbo laabtay uu kadhacay toga Subure ee karin oo ciidanka dawladu saaka dagaalka ku qaadeen, halka ciidanka ilaalada deegaanka oo hore halkaasi difaac adag uga xidhay ay soo gaadhsiiyeen khasaare baahsan dawlada. markii gabalku dhacay qoraxduna godkeedii gashay ayaa intii ka hadhay ciidamadii saaka ku hoobtay dagaalka ay dib ugurasho sameeyeen iyado oo aanay cadayn sababtu oo laga yaabo in ay tahay xeelad dagaal halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan meesh ay joogeen ciidankaasi oo aan ahayn meel difaac leh sidaasina ay ka cabsadeen in caawa ay miraan ciidanka ilaalada deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah. dagaalkii saaka oo saraakiil badani ku geeriyoodeen oo kamid ah kooxda PIS ama shahaado la dirirka ayaa dawladu ay ka gaabsatay in ay wax war ah ka bixiso iyadoo la sheegay in dhaawacii kooxdaasi loo qaaday wadanka Itoobiya oo diyaarado lagaga daadgureeyey magaalada garoowe iyo Boosaaso.saraakiisha ilaa hada lahubo in ay ka geeriyoodeen PISta ayaa gaadhay 13 sarkaal. Dagaalkan ayaa waxaa dib ugasoo baxay C/samad cali oo ahaa ninkii hoygiisa ay Soomaliland la wareegtay isago oo Boosaaso caawa kusugan ka gadaal markii uu kusoo fashilmay dagaalkii saaka. In dawladu dagaalkii kujabtay waxa ay cadaatay saaka markii isla sagaalkii subaxnimoba ay dhowr Umbalance iyo baabuur gaashaamani magaalada boosaas keeneen mayd iyo dhaawacyo kala duwan taasi oo ka turjumaysa judhii u horaysay ee dagaalka in fooda lays daray banaankana usoo baxday dhaawaca soo gaadhey dawlada iyo ciidankeeda iyadoo cusbitaaaladii maanta gelin kii danbe ay buuxdhaafeen dhaawacyada qaybtoodna lagu dawaynayay farmasiyada iyo cusbitaalo yar yar oo dhakhaatiiri fadhiisato. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted August 12, 2010 Allow kala qabooji waa bil ramadane.. Intii dhimatay alle ha u naxariisto.. G Duke, I thought you are with the Gov, did you change your heart? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 12, 2010 ^^^lool. Adeer read the "news" again, and check other media outlets to verify its truth. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted August 12, 2010 I read mostly your posts and Sakhar's in this topic and I am waiting Xudeedi's to spicy it little more, but so far the pis/pl is in trouble so would you post your other real sources ya GD. I am still calling for a peace and immediate halt to this nonsense bloodshed especially in the holy month of Ramadan. Let poor residents fast and go after their daily matters peacefully. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 12, 2010 ^^^^lool. Yes adeer what ever makes you happy and defeats those nasty PL people. I think this is counter productive to the group [Attam]itself, it does not harm Puntland in one bit.. In fact the longer they keep this up, the better for the state.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted August 12, 2010 A_Khadar, somebody said the pland troops fighting with Atam's group and the 1's who burned the galgala farms are mainly from Gen.Abdisamad Ali Shire's lineage any truth to that? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 12, 2010 Originally posted by Libaahe*: A_Khadar, somebody said the pland troops fighting with Atam's group and the 1's who burned the galgala farms are mainly from Gen.Abdisamad Ali Shire's lineage any truth to that? lool, nice attempt, your skills are improving... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted August 12, 2010 laakinse anigu waxan la yabay why doesn't general abdisamad ali shire instead of wasting his energy burning galgala farms and making life hard for the inhabitants in that town, why doesn't he free las anod? talk about misplaced priorities. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted August 12, 2010 Originally posted by Libaahe*: A_Khadar, somebody said the pland troops fighting with Atam's group and the 1's who burned the galgala farms are mainly from Gen.Abdisamad Ali Shire's lineage any truth to that? Last time I checked the P/L Daraawish army consisted by all residents united with the state. If the burning farms news has any truth, it is the responsibility of all including the ones from galgala itself who are siding with p/l gov. Having said that, I am pretty sure and you aware of this since you twisted over to p/l the fact of that the s/l army is division by the habar habar and other clans specifically those in the Sool front and they had clashes among them in multiple times. Quote Share this post Link to post Share on other sites