Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo la kulmay Raysalwasaarihii hore ee Malaysia

Recommended Posts

Warsaxaafdeed rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Somaliland ee ku yaala dalka Malaysia oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada Qarannews ayaa waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.

 

 

i924292_MadaxweyneXigeenkaMalaysia.jpg

 

 

Wafdigii uu hoggaaminaayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta booqasho sharaf ugu tegay Ra’isal Wasaarihii hore ee dalka Malaysia Mudane Dr. Mahathir Mohamed oo haatan ka madax ah hay’addo dhawr ah oo caalami ah oo ay ka mid tahay ha’adda lagu magacaabo “Perdana Leadership Foundation”.

 

 

 

Madaxweyne ku-xigeenku ugu horay wuxuu guddoonsiiyey salaan iyo dhambaal qoraal ah oo uu uga siday Madaxweyaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahi. Wafdigu waxay ku bogaadiyeen Mudane Dr. Mahathir Mohamed hawsha iyo wax qabadka wax-ku-ool ka ah ee uu ka qabtay dalka Malaysia muddadii uu ka talinayey muddadaasi oo ahayd muddadii ugu dheerayd ee isdaba joog ah ee uu xilka hayo qof raisal wasaare ahi dalka Malaysia.

 

 

 

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisu waxay uga warameen geedi socodka dhismihii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wixii u qabsoomay iyaga oo u tilmaamay waxa xukuumadda iyo qaranku ku hawlan yihiin muddada dhow iyo muddada dheerba.

 

 

 

Wafdigu waxay ka codsadeen Mudane Mohateer Mohamed in uu gacan ka gaysto sidii Somaliland wax loogala qaban lahaa dhinacyada Siyaasadda, maalgelinta iyo adkaynta dimuquraadiyadda ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Mudane Dr. Mahathir Mohamed waxa uu ku bogaadiyey wax qabadka Somaliland ay qabsatay iyada oo aan cidina gacan ka geysan muddadii dheerayd ee ay ku jirtay dhismaha qaranka wuxuuna ku ammaanay xasiloonida iyo dhismaha hay’adihii dimuquraadiyadeed iyo haykalka dawladnimo.

 

 

 

“Isaga oo ku booriyey kuna adkeeyey in Somaliland midnimadeeda adkaysato isla markaana iska ilawdo Somaliya”. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL; wuxuu ka soo degay gegada diyaaraha ee caasimadda Malaysia, Kuala Lumpur 17/07/07 halkaasoo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen xubno ka kala socday Maamulka iyo Ganacsatada Malaysia iyada oo loo dhigay roogga cas (Red Carpet) isla markiibana qolka nasashada ee VIP-da shir kula galay Maamulka, Ganacsatada iyo Wakiilka Somaliland Mr. Aziz bin Mustafa. Waxa kale oo si xamaasad leh u soo dhaweeyey wafdiga uu Madaxweyne ku-xigeenku hoggaaminaayo Jaaliyadda Somaliland iyo ardayda ka dhigata Jaamacadaha dalka Malaysia iyaga oo guddoonsiiyey Madaxweyne ku-xigeenka ubax, lulayeyna Calamadii Somaliland iyo Malaysia.

 

 

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay ku guda jiraan socdaalkoodii hawleed. Oo la filaayo in uu qaato ilaa bisha July 22nd . kulanka Madaxwyne ku-xigeenka iyo Dr. Mahathir Mohamed waxa ku weheliyey:-

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda,

Mudane C/llaahi Maxamed Ducaale.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Mudane Idiris Ibraahim Cabdi

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga

Mudane, C/xaliim Maxamed Muuse.

Xoghaynta Gaarka ah ee M/xigeenka JSL.

Mudane C/samed Ibrahim Cali.

Wakiilka Somaliland ee dalka Malaysiya

Mudane Aziz bin Mustafa.

Iyo xubnihii firfircoonaa ee ka soo shaqeeyey hirgelinta safarka wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka JSL. Mr. C/risaaq Maxamed Maxamuud iyo Mr. Ismaaciil Xasan Yuusuf.

 

 

 

 

 

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-07-18 (Hadhwanaagnews) Malesia(HWN):- Weftigii uu hogaaminayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin ayaa booqasho sharaf ugu tagay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Maleysia Mudane Dr. Mahathir Mohamed oo haatan ka madax ah hay’addo dhawr ah oo caalami ah oo ay ka mid tahay ha’adda lagu magacaabo “Perdana Leadership Foundation”.

Warsaxafadeed laga soo saarat kulanka ay yeesheen lanada masuul oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Hadhwanaag , waxa uu u dhignaa sidan:-

 

“Wafdigii uu hoggaaminaayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta booqasho sharaf ugu tegay Ra’isal Wasaarihii hore ee dalka Malaysia Mudane Dr. Mahathir Mohamed oo haatan ka madax ah hay’addo dhawr ah oo caalami ah oo ay ka mid tahay ha’adda lagu magacaabo “Perdana Leadership Foundation”.

 

Madaxweyne ku-xigeenku ugu horay wuxuu guddoonsiiyey salaan iyo dhambaal qoraal ah oo uu uga siday Madaxweyaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahi. Wafdigu waxay ku bogaadiyeen Mudane Dr. Mahathir Mohamed hawsha iyo wax qabadka wax-ku-ool ka ah ee uu ka qabtay dalka Malaysia muddadii uu ka talinayey muddadaasi oo ahayd muddadii ugu dheerayd ee isdaba joog ah ee uu xilka hayo qof raisal wasaare ahi dalka Malaysia.

 

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisu waxay uga warameen geedi socodka dhismihii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wixii u qabsoomay iyaga oo u tilmaamay waxa xukuumadda iyo qaranku ku hawlan yihiin muddada dhow iyo muddada dheerba.

 

Wafdigu waxay ka codsadeen Mudane Mohateer Mohamed in uu gacan ka gaysto sidii Somaliland wax loogala qaban lahaa dhinacyada Siyaasadda, maalgelinta iyo adkaynta dimuquraadiyadda ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Mudane Dr. Mahathir Mohamed waxa uu ku bogaadiyey wax qabadka Somaliland ay qabsatay iyada oo aan cidina gacan ka geysan muddadii dheerayd ee ay ku jirtay dhismaha qaranka wuxuuna ku ammaanay xasiloonida iyo dhismaha hay’adihii dimuquraadiyadeed iyo haykalka dawladnimo.

 

“Isaga oo ku booriyey kuna adkeeyey in Somaliland midnimadeeda adkaysato isla markaana iska ilawdo Somaliya”. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL; wuxuu ka soo degay gegada diyaaraha ee caasimadda Malaysia, Kuala Lumpur 17/07/07 halkaasoo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen xubno ka kala socday Maamulka iyo Ganacsatada Malaysia iyada oo loo dhigay roogga cas (Red Carpet) isla markiibana qolka nasashada ee VIP-da shir kula galay Maamulka, Ganacsatada iyo Wakiilka Somaliland Mr. Aziz bin Mustafa. Waxa kale oo si xamaasad leh u soo dhaweeyey wafdiga uu Madaxweyne ku-xigeenku hoggaaminaayo Jaaliyadda Somaliland iyo ardayda ka dhigata Jaamacadaha dalka Malaysia iyaga oo guddoonsiiyey Madaxweyne ku-xigeenka ubax, lulayeyna Calamadii Somaliland iyo Malaysia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this