Sign in to follow this  
General Duke

US Contact group supports TFG...

Recommended Posts

Maraykanka oo ku baaqay in la taageero hawlgalka M. Afrika ee Soomaaliya

 

 

Dowladda Maraykanka ayaa waxay ugu baaqday beesha caalamka inay taageero u fidiso hawlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika uu ka wado dalka Soomaaliya.

 

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in beesha caalamka ay la gudboon tahay in ay soo dedejiyaan taageero ay u fidiyaan hawlgalka Midowga Africa oo ku xiran inuu guuleysto rajada xasiloonida dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenkaasi oo lagu magacaabo Sean McCormack waxa uu sheegay in dib u heshiisiinta ay tahay dhabaha keliya ee looga gudbi karo mushkilada siyaasadeed ee 16-kii sano ee ugu dambeeyay ka jirtay dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenku wuxuu intaasi ku daray in dowladda Maraykanka ay dhiirigelinayso taageero kasta oo loo fidiyo hawlgalka midowga Afrika.

 

Hadalkan ka soo yeeray afhayeenka ayaa ku soo aaday saacado ka dib markii ay maalin ka dib oo ay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ay kulan ku yeesheen oo ay kaga hadlayeen arrimaha Soomaaliya, Kooxda xiriirka Soomaaliya.

 

C/qaadir Max'ed Nuunow

 

SBC Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bayaan ay soo saareen Kooxda xiriirka iyo arrimaha Soomaaliya.

 

Axmed-yasiin Max'ed Sooyaan.

Waayaha.net

 

Qaahira:(April3,07), Kulan ay maalinimmadii shalay ku yeesheen xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira oo lagu falanqeeyay talaabooyinka loo baahanayahay in la qaadoo sii loo horumariyo howlaha nabadeed ee Soomaaliya ayaa Kooxda beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliaya (International Contact Group on Somalia) ay ku sheegeen sida ay uga go'antahay wax ka qabashada dhibaatooyinka ha dda ka taagan magaallada Muqdisho, gaar ahaan duqaynta lagu hayo meelaha dadku ku badanyihiin iyo dagaallada beelaha dhexdooda ah, kuwaasoo natiijadoodu tahay dhimasho, dhaawac iyo barakac dad badan oo Soomaaliyeed.

 

International Contact Group on Somalia shirkii ay ku yeesheen Qaahira oo ay ka dhex muuqato haweeneyda ariimaha Afrika u qaabilsan W.A.dibadda Marykanka.

 

Kooxadan ayaa ugu baaqday dhammaan qaybaha is haya inay joojiyaan dagaallada iyo colaadda, markaas ka dibna laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa xabbad joojin joogta ah, sida ay ku warameen kooxdan ayaa raba inay gacan siiyaan dadaalka QM, Jaamacadda carabta, Midowga Afrika iyo Igad iyagoo ciyaaraya kaalin dhexdhexaadin oo ay kuabuurayaan jawi nabadeed iyo dib u heshiisiin siyaasadeed .

 

Kooxdan ayaa si aad ah u cambaaraysay wax ay ugu yeertay falalka ay kooxaha xag jira iyo Argagixisad ay sii wadaan si qalqal u geliyaan DFKMG ah iyo hanaanka siyaasadeed ee dib u heshiisiinta, waxay sidaasoo kale cambaarayn taas la mid ah dusha kaga tuureen fal kasta oo handadaad ama cadawad ah oo loola jeedo ciidammada Midowga Afrika ee halkaa howl-galka nabad ilaalinta u jooga (AMISOM).

 

Kooxda ayaa sidoo kale tilmaantay inay gacan ka geysan doonto talaabooyinka looga hor tagayo in qalqalka noocaas si looga hor tago waxyeelo soo gaartay dadka rayadka ah iyo in uu hakad galo dadaalka ku aaddan howlaha sama falka biniaadminimmada.

 

Kooxdan oo ka kooban dalalka; Italy , Kenya , Norway , Sweden , Tanzania , the United Kingdom , and the United States, ayaa ugu dambayntii uga tacsiyeeyay dalalka Uganda iyo Belarus dhimmashadii ka soo gaartay intii lagu jiray howl galka nabad ilaalinta ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

u know american politics are changing faster than u can change you skirt!! what will tfg do when nancy cuts off their dawg food!! who is gonna buy vodka bottles for the uncle! u! hell no!..

 

the days #ed, use head! run for the border while u can run.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada maraykanka oo shaacisay in ay sii wadayso taageerada ay siiso Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay inaysan marnaba ogolaan doonin inay Somalia ay dib ugu noqoto qalalaasihii ka jiray 15-kii sano ee ugu dambeeyay.

 

Washington waxa kale oo ay shaacisay in at kaashaneyso Lacagteeda iyo dalalka ay saaxiibka yihiin si aysan u dhicin in Somalia ay dib ugu sibxato hanaankii fowdada.

 

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika kuwaasi oo saldhigiisu yahay dalka Djibouti ayaa waxa uu yiri in Washington ay ka go'an tahay inay taageerto Howl galka nabad ilaalinta ururka Midowga Afrika uu ku fulinayo dalka Somalia.

 

General James Hart waxa uu sheegay in taageerada Mareykanka, aysan ahayn mid iminka bilaabatay, isaga oo intaa ku daray Mareykanka waxa uu tababar siiyay ciidamada Ethiopia ee awooda ka qaaday Maxkamadaha Islaamiga ah ee Somalia.

 

Mr. Hart waxa uu sheegay in Somalia ay tijaabo u tahay qorshaha gaashaandhiga Mareykanka ee Geeska Afrika, oo Washington ay ka hortageyso in waxa loogu yeeray argagixisada ay ka dhigtaan goob ay ku bad baadaan.

 

Ciidamada Mareykanka waxa ay sidoo kale tababarayaan milatariga gobolka, sida uu sheegay Hart, taasi oo ujeedka ka dambeysa ay tahay in ay awood u yeeshaan la dagaalanka waxa loogu yeeray argagixisada.

 

Dhinaca Kale waaxda Waaxda arrimaha Dibedda Mareykanka waxa ay sidoo kale shalay ku baaqday in beesha Caalamka ay taageerto howl galka nabad ilaalinta ururka Midowga Afrika uu ka fulinayo dalka Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this