Sign in to follow this  
General Duke

Courtssecurity + US to start operations in Somalia

Recommended Posts

gen.-mastin.jpgsheekh-shariif.jpg

 

An interesting development. The leader of the Islamic courts has oulined their aim of bring security to all of Mogadishu. This is a move that will further isolate the happless warlords who have hindered every attempt to improve the once beautiful city...

 

The other news is that the US has again spoken out againt what they term to be "terrorist" in Somalia. As ever they are confident kind of reminds me of WMD in Iraq and how they were so sure that.

 

Sheekh Shariif" Maxkamadahu waxay la wareegayaan amaanka"

 

Muqidsho- 14.March.2006 Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka dhisan Magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta

magaalada Muqdisho kaga dhawaaqey inay qaadayaan hawlgalo ay ku sugayaan amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

 

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtey Muqdisho ayuu Sheekh Shariif wuxuu ku nuuxnuuxsadey inay ciidamo u kala qaybin doonaan xaafadaha Magaalada si ay u sugaan amaanka, isla markaana ay uga hortagi lahaayeen dadka had iyo gooraale dilalka kula kaca Sraakiisha Culima’udiinka iyo dadka kale ee muhiimka ah.

 

Hadalkan ka soo yeeray Sheekh Shariif ayaa wuxuu yimid ka dib markii xaley magaalada Muqdisho lagu diley Sheekh Cismaan Sheekh Ibraahim Nuur oo lagu diley agagaarka gurigiisa.

 

Sheekh Shariif wuxuu xusey inay ciidamadooda sugi doonaan amaanka guud ee xaafadaha Muqdisho si ay u baacsadaan wax uu ku tilmaamey canaasiirta doonaysa inay dadka laayaan.

 

Shirkan Jaraa’id ayuu ku tilmaamey waa sida Sheekhu hadalka u dhigay’e in dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan dad u shaqeeya wadamo ajanabi ah oo ku tilmaamey Mareykanka iyo Itoobiya inkastoo warkaasi aan loo heyn cadeymo madaxbanaan.

 

Gudoomiyaha Maxkamadaha Muqdisho ma cadeyn sida ay u maareeynayaan maleeshiyaadka faraha badan ee qaarkood hoos tagaan hogaamiye kooxeedyada ee gacanta ku haya qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho iyo waliba kuwa kale ee madaxbanaan.

 

Isbahaysiga la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee ka dhisan magaalada Muqdisho ayna ku mideysan yihiin inta badan caaqilada dagaalka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay ku eedeeyeen dad ay ku sheegeen inay afka iyo madaxa duubtaan ay ka dambeeyaan dadka wax galka ah ee lagu dilo magaalada Muqdisho, inkastoo taasi aan loo heyn cadeymo madaxbanaan.

 

 

Axmed Aar

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midowga maxaakiimta oo sameynaya ciidamo suga amniga Muqdisho

 

Mogadishu 14 March. 06 ( Sh.M.Network) Midowga maxaakiimta islaamiga ee Muqdisho oo maanta shir Jaraa'id qabtey ayaa sheegay in ay sameynayaan ciidamo ilaaliya amniga magaalada Muqdisho.

 

 

Sheekh Shariif

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha midowga maxkamadaha islaamiga oo shirkaasi jaraa'id ka war bixiyay ayaa waxa uu sheegay in ciidamo sugaya amniga guud ee magaalada Muqdisho ay ahaan doonaan kuwo si gaar ah u baacsanaya ama ka hortagaya dadka caadeystay dilalka had iyo jeer lagula kaco culuma udiinka, saraakiisha iyo aqoonyahanada Somaliyeed oo ilaa iyo haatan aan si cad loo huhin cida ay yihiin.

 

Waxaa sidoo kale uu sheegay in ciidamada ay ku fidi doonaan xaafadaha dhex dooda si ay wax badan uga ogaadaan dadka ka dambeeya dilalka, iyadoo ciidamadaasi aan la shaacin tiradooda iyo saanada ay wataan intaba.

 

Midowga maxkamadaha islaamiga ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dil habeenimadii xalay loogu geeystay Sheekh Cismaan Sheekh Ibraahim Nuur agagaarka gurigiisa oo ku yaala Suuqa qudaarta ee isgoyska Bakaaraha.

 

Waxa ay ku tilmaameen in dilkaasi ay ka dambeeyaan kuwo wax magarato ah oo cadow ku ah wadanka Somalia.

 

Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in dowladaha Ethiopia iyo Mareykanku ay yihiin kuwo ka dambeeya had iyo jeer dilalka iyo dibindaabyada lagula kacayo aqoonyahanada iyo saraakiisha, kuwaasi oo u adeegsanaya dadka wax magarato ah.

 

Gudoomiyaha midowga maxkamadaha islaamiga Sheekh Shariif ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay buug dhowaan lagu daabacay nabigeena Muxamed NNKH isagoo la jooga ari yaraantiisa, buugaasi oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid laga naxo.

 

Waxa uu ugu baaqay maamulka Somaliland in talaabo deg deg ah ay ka qaadaan, kuwii ka dambeeyay qoraalkii buugaasi, oo aan lagu ekaan banaanbaxyo iyo mudaahiraadyo kaliya, maadaama taasi ay meel ka dhac ku tahay dunida islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mareykanka oo argagixiso ka baadi goobaya Soomaaliya.

 

Jabuuti: Xoogaga Mareykanka ee ku sugan Geeska afrika ayaa waxa ay sheegeen inay bilaabayaan howlgal ay ku baadi goobayaan Fariisimada argagaxisada ay ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya .

 

Brig. Gen. Mastin M. Robeson oo ah Abaanduulaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Gobolka Geeska afrika ayaa waxa uu sheegay in xoogagiisu ay bilaabayaan howlgal aad u balaaran oo looga baadi goobayo Soomaaliya goobaha looga shakisan yahay inay xarumo u yihiin argagaxisada .

 

Gen. Mastin M. Robeson oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada difaaca Cirka Mareykanka ay howlgalo Indha indheyn ah ay ka sameyn doonaan Xeebaha dheer ee Soomaaliya , taasoo uu sheegay in ujeedadeedu ay tahay hubinta in xarumo lagu tababaro kooxaha mayalka adag ay ka jiraan Soomaaliya , isagoo intaasi ku daray inay baacsan doonaan kooxaha burcad badeeda hanjabaada joogta ah ku haya Maraakiibta iyo doomaha mara Xeebaha Soomaaliya .

 

Jenaraalkani ayaa ku nuux nuuxsaday in howlgalkooda uu noqonayo mid degdegsiimo badan oo lagala soo horjeedo qataraha argagaxisada ay ku heyso Gobolka Geeska afrika iyo danaha Mareykanka ee Caalamka .

 

Brig. Gen. Mastin M. Robeson ayaa ka codsaday dalalka ku yaala Geeska afrika inay raacaan Siyaasadda ammaanka Cusub ee Washington kaasoo ah mid dhabaha u xaaraya ammaanka meelo badan oo caalamka ah sida ay baahisay Idaacadda NAWA ee Fadhigeedu yahay dalka Ciraaq.

 

 

Cali Cabdi Cali ( Suxeyfa )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mareykanka oo sheegay in howlagalo ka dhan ah argagixisada uu ka fulinayo Somaliya

 

Jabuti 14 March. 06 ( Sh.M.Network) Xoogaga Mareykanka ee ku sugan Geeska afrika ayaa waxa ay sheegeen inay bilaabayaan howlgal ay ku baadi goobayaan Fariisimada argagaxisada ay ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya .

 

Brig. Gen. Mastin M. Robeson oo ah Abaanduulaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Gobolka Geeska afrika ayaa waxa uu sheegay in xoogagiisa ay bilaabayaan howlgal aad u balaaran oo looga baadi goobayo Soomaaliya goobaha looga shakisan yahay inay xarumo u yihiin argagaxisada .

 

Gen. Mastin M. Robeson oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada difaaca Cirka Mareykanka ay howlgalo Indha indheyn ah ay ka sameyn doonaan Xeebaha dheer ee Soomaaliya , taasoo uu sheegay in ujeedadeedu ay tahay hubinta in xarumo lagu tababaro kooxaha mayalka adag ay ka jiraan Soomaaliya , isagoo intaasi ku daray inay baacsan doonaan kooxaha burcad badeeda hanjabaada joogta ah ku haya Maraakiibta iyo doomaha mara Xeebaha Soomaaliya .

 

Jenaraalkani ayaa ku nuux nuuxsaday in howlgalkooda uu noqonayo mid degdegsiimo badan oo lagala soo horjeedo qataraha argagaxisada ay ku heyso Gobolka Geeska afrika iyo danaha Mareykanka ee Caalamka .

 

 

Brig. Gen. Mastin M. Robeson ayaa ka codsaday dalalka ku yaala Geeska afrika inay raacaan Siyaasadda ammaanka Cusub ee Washington kaasoo ah mid dhabaha u xaaraya ammaanka meelo badan oo caalamka ah sida ay baahisay Idaacadda NAWA ee Fadhigeedu yahay dalka Ciraaq.

 

 

Shabelle Media Network, Jabuti

Daawo bogga sawirada abaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

If Somalis were fighting Qadiyad and not Qabiil, we would have solved this problem long time ago. I'm very glad Islamic courts are trying to clean up the Mogadishu mess. I'm hoping Mogadishu residents will decide to shun the evils of warlords+tribalism and start to build a Somali nation thats civilized with a strong Islamic values. The major religion in the Horn, the Muslims, need a leadership.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this