Jacaylbaro Posted February 21, 2008 Ilaa inta hada laga warqabo amaba la diiwaan geliyey ayaa ah xoolo gaadhaya nus miyan doolar in badan oo laga ururiyey jaaliyadaha SSC ee qurba joogta ah.taageeradan dhaqaale ee ay jaaliyaduhu bixiyeen ayaa isugu jirta lacag cadaan ah iyo saanada kale.... Wararka aanu ka helayno magaalada Garoowe ayaa tibaaxaya inuu jiro buuq iyo isafgaran waa ka dhex taagan maamulka Puntland siiba Madaxweyne ku xigeenka Hassan Dahir Afqudhac iyo isimada ,shacabka ,iyo taliyeyaashii ciidanka oo ku heshiin waayey sidii la isu afgaran lahaa xoolihii qurbaha laga soo diray. Warar xogogaal ah oo aanu khadka telephone ka kula xiriirnay ayaa noo cadeeyey in ay soo gaadheen baabuur aad u tiro badan iyo lacago xad dhaaf ah oo intooda badan aan cid maamushaa jirin madaxweyne ku xigeen Hassan Dahir mooyee. Hassan Dahir Afqudhac ayaa ka dib markii wax laga weydiiyey wixii ay jaaliyada debedu soo direen isagu diidey inuu ka xisaabtamo wixii lacag cadaan ah gacantiisa soo gashay. Dhinaca kale usbuucii la soo dhaafay ayuu mudane Hassan Dahir Afqudhac la kulmay Garaad Abdillahi M Guuleed maglaada Garoowe arinkaas oo ay ku kala f******** Hassan Dahir iyo Garaad Saleebaan oo weligood ahaa labo nin oo aad isugu dhow dhow. In ka badan 234,000 ayaa naloo xaqiijiyey in lacag cadaan loogu diray magac mudane Hassan Dahir Afqudhac ka dib markii aanu la xidhiidhnay xawaaladahii laga diray lacagtaas. Garaad saleebaan garaad Mohamed iyo Hassan Dahir Afqudhac oo ahaa kuwo iyagu aad isugu dhow dhow ayaa maanta laga soo sheegayaa in ay isku afdhaafeen habka maamulaka lacagtii qurbaha siiba tii ugu dambeysey ee laga soo diray gobolka Varginia. Bililiqadan aan caadiga ahayn oo ka jirta magaalada Garoowe ayaa guud ahaan dhaawacday abaabulkii loogu jiray in lagu soo celiyo gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood oo hada gacanta cadowga ku jirta ilaa afar bilood in ka badan. Xigasho:Xargaga.com.Warkan waxaan ka soo xiganay shabakada SSC ee xargaga.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 21, 2008 Tell them you're fighting back ,,, talk to them in a very touchy way based on qabyaalad ,, let them collect a huge money ,,, take it to the country and use it for your own. sidaasaa shacabka loo dawakhiyaa ,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites