Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Companies sign deal with Banadir admin

Recommended Posts

Maamulka Gobolka Banaadir oo la shiray Shirkadaha Korontada iyo Biyaha { 05 Sep 2007}

waxaa la daabacay Wed 05 Sep 2007 08: 21: 25

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa manta xaruntiisa shir kula yeeshay dhammaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Korontada iyo Biyaha ee ka hawlgala Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii loo soo noolayn lahaa adeegyadii guud ee xagga arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, ayaa waxaa dhinaca maamulka Gobolka Banaadir uga soo qayb galay ku xigeennada Guddoomiyaha Gobolka ee kala ah Mudane Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo ah ku xigeenka xagga arrimaha bulshada, Mudane Cabdifataax Ibraahim Cumar (Shaaweey) oo ah ku xigeenka arrimaha nabadgelyada iyo Mudane Maxamed Cumar Nuur (Maxamed Yarow) oo ah ku xigeenka xagga maaliyadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabagabadii kulankaas ayaa waxaa lagu go’aansaday qodobada kala ah:

 

Ø In shirkadaha Korontada ay iftiin siiyaan xaafadaha iyo jidadka mugdiga ah ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Ø In shirkadaha Biyaha ay iyaguna waraabiyaan oo biyo siiyaan beeraha nasashada (jardiinooyinka), Masaajidyada iyo xarumaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka (MCH).

Intaas kadib wuxuu maamulka Gobolka Banaadir ku wargeliyey shirkadahaas in qalab ka kooban matoorro iyo adeegyo kale oo hay’ado ajnabi ah ballan qaadeen keenistiisa la guddoonsiin doono shirkadahaas si loogu horumariyo adeegyada ay u hayaan bulashada.

Waxaa kale oo maamulka Gobolku uu ballan qaaday in laga billaabo manta shirkadaha biyaha la siin doono daawada lagu shubo ceelasha.

 

Shirkaas ayaa waxaa ka soo xaadiray shirkadaha korontada oo gaarayey 158 iyo kuwa biyaha oo ahaa 173. waxaana halkaas ku sugnaa agaasimayaasha waaxaha Korontada iyo Biyaha Mudane Cali Axmed Taabit, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Cabdullaahi Maxamed Baarre (Baashi) iyo madax kale.

 

Xafiiska Waaxda Warfaafinta ee Gobolka Banaadir

5-09-2007

Email: admin@gobolkabanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this