Sign in to follow this  
RedSea

hogaamiyaha dawlada meel ku gaadhka concern about lack of security in villa Somalia.

Recommended Posts

RedSea   

Abdillahi Yussuf oo Qaylo-dhaan iyo Cabasho u diray Melles Zanawi kadib markii

 

Hogaanka Kooxda Emgathi Mudane Abdillahi Yussuf oo iminka muddo go'doon ku ahaa Xaraunta Madaxtooyada ee Muqdisho ayaa waxa soo wajahay cabsi iyo jaahwareer siyaasiya oo la sheegay in uu gaadhsiiyey heer uu yidhaahdo waan Is-casilayaa.

 

 

Oday Abdillahi iyo Maamulkiisa oo ah mid ay garbaha hayaan Ciidamo Shisheeye ayaa u muuqda iminka mid ay ka caga-jiidayaan ciidamadii Ethiopia ee sida toos ka ah u difaaci jiray, Arintanina waxa ay soo baxday kadib markii Generalka Itoobiya u qaabilsan isku duba-ridka Sirdoonka iyo Siyaasada...General Gabre Dila oo la sheegay in looga yeedhay dalkiisa, taas oo ku timi dacwad cusub uu ka gudbiyey Abdillahi Yussuf.

 

 

 

Dacwadan ayaa salka ku haysa kadib markii dhawr jeer weeraro dhinacyo badan ah ama dhawr jaho ah lagu soo qaaday Madaxtooyada, isla-markaana aanay ka helin ciidamada Madaxtooyadu wax gurmad ah ciidamada Itoobiya iyada oo la sheegay in uu dhegaha-ka-fureystay General Gabre codsiyo dhawr ah oo kaga yimi saraakiisha Madaxtooyada si ay gurmad uga helaan ciidamada Itoobiya ee xerooyinka ku leh Muqdisho.

 

Abdillahi ayaa la sheegay in uu isugu yeedhay Gabre iyo saraakiil kale si ay u sababeeyaan ama u sharxaan gurmada la'aanta iyada oo aan la ogayn wixii ka soo baxay kulankaa.

 

 

Warar duul-duul ah ayaa sheegaaya in General Gabre looga yeedhay Addisababa, lamana yaqaan in la bedeli doono iyo in kale. General Gabre ayaa ah nin wakhti dheer ka soo shaqaynaayey Somalia isaga oo la-odhan karo waa nin haya xukunka dhabta ee Somalia. Wararku waxay sheegayaan in Major General Yohannes G.Meskel Tesfa Mariam oo ah taliye kale oo ay qaraabo ama xigto hoose yihiin marwada R/wasaaraha Itoobiya Azeb Mesfin uu haatan isku hayo jagadiisi iyo tii General Gabre.

 

 

Wararka hoos ahaan ugu soo burqanaaya Madaxtooyada ayaa sheegaaya in uu Abdillah telephono badan ku qarqiyey R/wasaaraha Itoobiya isaga oo u sheeg in uu is casilayo, haddii aan ciidanka Ethiopia ee ku sugan Muqdishu aano Damaanad qaadin Difaaca Xarunta Madaxtooyada ee ku go'doonsanyahay. Mudane Abdillahi ayaa markasta ku cawda in Maleeshiyada uu kale yimi Puntland ay yihiin qaar aan Tayo lahayn oo aan difaaci karayn ama sugi karayn Amaankiisa.

 

 

 

By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this