Sign in to follow this  
General Duke

Latest news : Mogadishu security + Audio + CABINET meets

Recommended Posts

Ra'iisul Wasaare Geedi oo sheegay in aan dib loo degi karin xarumaha Dowlada

Last Updated::2007-04-30 14:12:58

 

geedi_muqdisho.JPG

 

Muqdisho:- Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay shacabka ka qaxay magaalada in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda.

 

Raiisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka ku tabaaleysan banaanka magaalada in ay dib ugu soo noqdaan deegaankooda maadaama uu dhamaaday dagaalkii magaalada Muqdisho.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka digay in dadka shacabka ah ay dib danbe u degaan xarumaha Dowlada asagoo sheegay in dowladu ay la wareegtay dhamaan deegaanada Xukuumadu leedahay.

 

Wuxuuna Prof.Geedi intaasi raaciyey in dowlada ay sidoo kale sii wadi doonto baaritaanada looga hortagayo dadka hubka sita.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Dowladda Federaalka oo sheegtay in xarumihii dowladda ay shacabku ka guuraan iyagoo noqon doona...

Posted to the Web Apr 30, 08:38

 

 

Muqdisho (PP) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in aan dib loogu soo laabanayn xarumihii Dowladda, shacabkii deggenaa 16-ka sanana waxaa loogu baaqay inay alaabahooda ka gurtaan.

 

Dowladda ayaa waxay sheegtay in wixii hadda ka dambeeya ay xarumaha dowladdu yihiin meelo ay dib u isticmaalayso dowladda isla markaana dayactirro lagu sameynayo, iyadoo cidna aan loo haybaysanayn in ku soo laabato.

 

"Xarumaha Dowladda sida: Wasaaradihii, Wakaaladihii, Saldhigyadii Ciidammada, Isbitaalladii, Iskuulladii iyo meel walba oo ay dowlad lahayd waxay dib ugu laaban doonaan gacanta dowladda waxaana lagu sameyn doonaa dayactiro" ayuu Ra'iisul wasaare Geeddi oo intaas ku daray: "Xarummahaan waxaa dib ugu shaqeyn doona hay'adihii kala duwanaa ee Dowladda iyadoo aan la ogoleyn inay shacabku galaan".

 

Hadalkaan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay Dowladdu sheegto tan iyo intii ay Muqdisho ku soo laabatay, waxaana lagu wadaa in dowladdu ay howlaheeda ku billowdo xarumahaas.

 

Wasaaradihii, Isbitaalladii, Xarumihii CIiidammada iyo Iskuulladii ayaa waxay dhammaantood noqdeen goobo ay dad shacab ah deggen yihiin, iyadoo 16-kii sano ee la soo dhaafay oo ay dagaallada iyo fowdadu jirtay meelo ka mid ah xarumihii Dowladda iyo Jardiinooyinkii la dhistay lagan dhistay guryo waaweyn.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi: "Dadka kuma soo laaban karaan xarumaha dowladda"

April 30, 2007 Markacadeey

 

--------------------------------------------------------------------------------

Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegtay in aan lagu soo laaban doonin xarumihii dowladd ee dadka rayidka ah ay daganaayeen.

 

Ra'isulwasaare Geedi ayaa hadalkani waxa uu ka sheegay shir jaraa'id uu shalay ku qabtey xarunta NSS ta ee W/magaalada Muqdisho, xilli uu ka hadlayay amaanka magaalada Muqdisho iyo amarro uu farayay ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia iyo maamulka gobolka Banadir in ay ka shaqeeyaan amaanka.

 

Ra'isulwasaaraha Somalia ayaa waxa uu sheegay in dadkii ka barakacay Muqdisho gaar ahaan xarumaha dowladda in aysan ku soo laaban karin, isagoo sheegay in dowladda KMG ah ay u baahan tahay xarumahaasi, Laakiin Ra'isulwasaaraha ma uusan sheegin halka dadkaasi la dajinayo.

 

Inta badan xarumaha dowladda ayaa waxaa dagan qoysas soo barakacay oo ka kala yimid gobolada dalka Somalia, kuwaasi oo ay saameeyeen dagaaladii iyo abaarihii ba'naa ee ku habsaday dalka Somalia tan iyo wixii ka dambeeyay 1991 kii xilliggaasi oo ay dhacday dowladii Militariga aheyd ee maamuli jirtey dalka.

 

 

Xigasho: Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlada Federaalka oo digniin siiyey dadkii deganaa xarumihii maamulada

 

Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa digniin waxay u dirtey dadkii deganaa goobihii dawlada ee magaalda Muqdisho, waxaana ay sheegtey in dadka degan goobahaasi iyo kuwii ka qaxay ee haatan doonaya inay dib ugu laabteen deegaanadaasi aysan degi karin goobahaas.

 

Ra'isalwasaaraha DFKMG ah Cali Max'ed Geedi ayaa shaley magaalada Muqdisho wuxuu ka sheegay in dawladu aysan aqbaleyn in dadweynuhu ay deganaadaan xarumihii maamulka ee magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in xarun kasta oo dawladu u aragto inay tahay goobihii dawladii hore dadka shacabka ah aysan degi karin, isla markaana goobahaasi ay ku shaqeyn doonaan hay'adaha kala duwan ee maamulka.

 

Hadalkan ka soo baxay Cali Max'ed Geedi ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo boqolaal qoys oo ka mid ah dadka Muqdisho oo qaarkood ay ku jiraan kuwa ka soo barakacay gobolada dalka ay deegaan ahaan u degan yihiin goobo ka mid ah xarumihii dawladii hore ee Jaalle Siyaad.

 

Shaaca lagama qaadin waxa ay dawladu deegaan ahaan ugu badali doonto dadkan ay sheegtey inaysan ku soo laaban karin xarumaha dawlada iyo kuwa haatan degan ee lagu amrey inay ka baxaan.

 

C/laahi Soomaali

 

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this