Sign in to follow this  
General Duke

IGAD will not go back on troops...

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo sheegay in cid kasta oo diidan keenista Ciidamada Shisheeye aaney IGAD marna u bedeli doonin qorshaheeda

 

Axad, September 10, 2006(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Mr. Raphael Tuju ayaa sheegay in wada hadallada ay Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta ku lahaayeen aanu ahayn mid wax u dhimaya qorshaha ay ku dooanayaan in ay ciidamo ka socda IGAD ku keenaan Soomaaliya.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in keenista ciidamo nabadda ilaaliya ay tahay mid caawineysa wada hadallada si loo gaaro nabad Soomaaliyeed, “kaliya waxaan dooneynaa in Soomaalida aan u tababarno si ay arrimahooda u fushadaanâ€ayuu yiri Wasiirka .

 

Wasiirka oo la weydiiyay sababta dib u dhigtay keenista ciidamada ayaa sheegay in ay sabab u tahay xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya iyo baahida dhaqaalihii ay ku howlgeli lahaayeen ciidamadaas.

 

“Dariiqa aynu ku socono cidna uguma noqoneyno la hayste in ay dib noogu celisoâ€ayuu yiri Wasiirka oo xusay in IGAD ay diyaar u tahay in ay wada hadal la yeelato cid kasta oo diidan keenista ciidamada nabad ilaalinta.

 

Mr. Raphael Tuju waxaa uu sheegay in haddii xaaladda ay is-bedesho ay madaxda dowladaha mar kale dib u kulmi doonaan si ay u qiimeeyaan xaaladdaas, isagoo xusay in ciidamada IGAD ka socda aaney qaban doonin howlaha Booliska, isla markaana aaney ka mid noqon doonin dalalka la deriska ah Soomaaliya, si looga fogaado ayuu yiri in ay dhexda uga dhacaan arrimo siyaasadeed.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya waxaa uu sheegay in Dowladaha Suudaan Uganda iyo Eritrea ay keeni doonaan ciidamo balse ay haatan dowladda Uganda la diyaar tahay ciidamadaas, wuxuuna weydiistay dalalka kale ee Afrika in ay ka qeybqaataan howsha nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in dadka ka soo horjeeda keenista ciidamada ay yihiin kuwo aan ogoleyn in ay shaqeyso dowladda Federaalka, isla markaana ay rabaan in wadanka ku sii jiro xaalad fowdo ah, “Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwo kale ayaa laga yaabaa in ay diidan yihiin keenista ciidamada Soomaaliya, maxaa yeelay ma fahamsana howsha ciidamada IGADâ€ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya.

 

“Ciidamada IGAD waxaa loogu talagalay inay difaacaan dowladda Federaalka KMG ah iyo Hay'adaheeda, sidoo kalena ay gacan ka geystaan tababaridda ciidamada shacabka u adeega iyo weliba dhismaha ciidamo boolis ah oo uu leeyahay wadanka oo idil oo ay ka mid yihiin Somaliland iyo Puntlandâ€ayuu yiri Wasiirka Ariimaha Dibadda Kenya .

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya waxaa uu sheegay in xitaa qabqablayaashii laga saaray Soomaaliya ay xitaa ka soo horjeedeen in la keeno ciidamo shisheeye, wuxuuna xusay in aaney marna IGAD bedeli doonin qorshaheeda cid kasta oo ka hor timaada.

 

Mr. Tuju waxaa kale oo uu sheegay in dhamaadka bishan uu golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kala hadli doono sidii loo qaadi lahaa xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyay in ay kadib soo diri doonaan ciidamadii IGAD ee loogu talagalay in ay yimaadaan Soomaaliya, isla waqtigii loo qorsheeyay.

 

Wareysiga Wasiirkan oo ku soo baxay Jariidada Daily Nation ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib kolkii ay magaalada Nairobi ku kulmeen qaar ka mid ah Madaxda Dalalka IGAD oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wasiirro metelayay madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Suudaan, halka ay dowladaha Eretereya iyo Jabuuti ka cudurdaarteen ka qeybgalka kulankaas.

 

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa marar badan ku cel celiyay in aaney ogolaan doonin in dalka la keeno ciidamo ka socda dalalka IGAD, iyadoo ay sidoo kale jireen banaanbaxyo ka dhacayay magaalada Muqdisho oo looga soo horjeeday in gebi ahaanba dalka la keeno ciidamo shisheeye, gaar ahaan kuwa ay xiligan qorsheynayaan Urur goboleedka IGAD in ay Soomaaliya u soo diraan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this