Jacaylbaro Posted February 6, 2008 Afhayeenkii Shabaabka Garabka Fu-aad Maxamed Shongole ayaa la soo weriyay inuu ku dhaawacmay dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhaxeeyay xoogag uu watay iyo kuwa dowlada Federalka ee gobolka Bay. Afhayeenka oo lagu magacaabo Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Maansuur ayaan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa hasse yeeshee ila wareedyo lagu kalsoon yahay waxay tibaaxayaan inay xabad kaga dhacday lugta Midig qeybteeda cajirka. Qaar ka tirsan dadweynaha Diinsoor ayaa Waagacusub u xaqiijiyay inay arkeen dhaawaca qaar ka tirsan dagaalyahanada Shabaabka waxayse xaqiijin waayeen magacyada shaqsiyaadka dhaawacaa ee la geeyay Diinsoor. Shabaabka wali war cad kama soo bixin wararka sheegaya inuu dhaawac yahay Abuu Maansuur waxaase warka dhaawaciisu lagu qoray Shabaakadaha af Somaliga qaar. Sarkaal ka tirsan Shabaabka garabka Fu-aad Shongole ayaa dad eheladiisaa ugu sir waramay inuu dhaawacmay Abuu Maansuur wuxuuse xusay inuu yahay mid aan halis ahayn . Mukhtaar Rooboow Cali ayaa mudo dagaalo ka waday Muqdisho balse waxaa uu hogaamiyahaas maalmahii tagay ku sugnaa goboladda Bay iyo Bakool ka gadaal markii sidaas lagu go-aamiyay shir ay gobolada dhexe ku yeesheen Shabaabka oo natiijadiisu ahayd in hogaamiye kasta Amxaarada iyo Ciidanka dowlada kala dagaalo degaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo. Inkastoo Shabaabku yihiin dagaalyahano geesiyaal hadana waxaa sii badanaya neceybshaha loo qabo tan iyo markii ay qaadaceen Isbaheysiga dib u xoreynta Somaliya oo heysta taageerada ugu badan ee Shacabka Soomaaliyeed.waxaana lagu eedeeyaa inay niyad jab ku abuureen wadaniyiinta Soomaaliyeed ee ku haminayay sidii dalkooda looga saari lahaa Ciidamada Itoobiyaanka. Abuu Maansuur ayaa Wareysigii ugu dambeeyay ee uu siiyay telefishinka Universal wuxuu ku weeraray banaanbaxyada wadaniyeed ee ay dhigaan qurba jooga Soomaaliyeed,isagoo ku tilmaamay dibadbaxyada kuwa khilaafsan Kitaabka iyo Sunnadda waloow mid ka mida aas aasayaashii Shabaabka ee abaanduulayaasha Ciidamada laguna magacaabo Sheekh Cabdulahi Macalin Mukhaar oo naqdiyay hadalka Maansuur isagoo dib u xasuusiyay markii uu ka qeybgeli jiray dibadbaxyadii Muqdisho waqti uu xambaarsanaan jiray wiil uu dhalay oo yar kuna sheegi jiray inuu dagaalka u diyaar yahay. Waagacusub.com Quote Share this post Link to post Share on other sites