Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Trade Fair Opens in Hargeisa

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta furay Carwadii shanaad ee Ganacsi ee lagu qabto Somaliland

 

Carwada uu furay Madaxweyne Siilaanyo oo ahayd mid si heer sare ah loo soo abaabulay, isla markaana lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee Wax-soo-saarka Dalka ayaa lagu qabtay barxadda Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, waxaanay socon doontaa muddo lix cisho ah

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dhex maray Carwadaasi oo mid mid isha ula raacay waxyaabaha lagu soo Bandhigay oo isugu jiray Alaabaha Hidaha iyo Dhaqanka, Raashino kala duwan, Macdano, Wershado yar yar oo soo saara Qalab kala duwan, Adeegyda Caafimaadka, Waxbarashada iyo Isgaadhsiinta waxaanu xafladdii furitaanka Carwadaasi ka sheegay Xukuumadd ahaan inay taageerayaan oo ay gacan qabanayaan qaybaha kala duwan ee Ganacsatada iyo Ganacsiga Somaliland.

 

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland iyo masuuliyiin kale waxaanay dhamaantood ku dheeraadeen faa’iidada ay leedahay Bulshadu inay tacabto oo ay samayso wax-soo-saar intan ka badan iyagoo u mahad-naqay Gancastada dedaashay ee soo bandhigtay waxqabadkooda

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland C/raxmaan Faarax Sugaal oo ka waramay Carwadan ayaa isna sheegay inay tahay tii shanaad ee ay soo Bandhigaan waxaanu sheegay ujeedada laga leeyahay inay tahay sidii loo ogaan lahaa korodhka wax-soo-saarka Dalka isla markaan loo sii kordhin lahaa, waxaanu Ganacsatada ugu baaqay in ay kordhiyaan dedaalkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulimye the party of myths and false promises,

 

Silanyo has been in office for two months..i give him 2 out of 10 so far.

 

thats what happens when you follow the cult of clan instead of nationhood.

 

three men ran for president,

 

one promised a continuation of the old order, security, democracy and private enterprise and getting more funding - UDUB

 

The other one promised an emphasis on welfare, helping the poor with higher tax on the rich, education and international diplomacy and internal security and enforcing islamic laws into the general society and using more practically - UCID

 

the third promised,

 

that he will move the moon and reflect its rays of eastern burco and northern hargaisa and promote a better form of administration and accoutability to those who voted for him eastern burco and northern hargaisa. - useless 75 year demensia suffering president.

 

RIYALE OR FAISAL would have made great presidents.

 

I would say after a few more months impeach the guy and hold another election, dad ba ninkan ku shaqaysta and they are not for the national interest they are for clan interest. :D

 

dont justify the presidency to cutting a ribbin for an event were old women come and show wood carvings.

Share this post


Link to post
Share on other sites

is that the best you can come up with, do you even know what it means?

 

PDF Portable Document Format (Adobe Acrobat)

 

used by most people in universities, or for work, lakin i think you grew up in balideeg thats why its hard for you to understand the only thing they have to write on in balideeg is a peace of wood. :D

 

Kulmiye is a racist party filled with some racist people saxib, its a matter of time before Udub or Ucid is back in power, so soak up last 5 years of power you will see in a long time. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xadhiga ka Jaray Carwada 5-aad Ee Wax-soo-saarka Dalka + SAWIRO

Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxmed Siilaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray carwada 5-aad oo lagu soo bandhigay wax soosaarka dalka iyo adeegyada shirkadaha kala duwan.

 

DSC00539-600x450.jpg

 

Carwadan oo ay soo qabanqaabisay Rugta Ganacsiga Somaliland oo lagu qabtay xarunta Guriga shaqaalha ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Musuuliyiin uu hor kacayey Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxmed Siilaanyo, Wasiirka Wasaarda Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md.Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, Ganacsato, Maxda shirkadaha dalka, iyo marti sharaf kaloo tiro badan.

 

DSC006011-600x450.jpg

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo halkaa, ayaa waxa uu sheegay in ay waxa lagu faano in dadka reer Somaliland soo bandhigayaan wax soo saarka dalka.

DSC00590-600x450.jpg

Waxa sidoo kalena haladii Maxweynaha ka mid ahaa “waxa ay taghay in aynu hore ugu talaab sano huru marka dhinacyada tiknoolajiyada beeraha,warshada, waan in aynu gaadhno carsiga aduunyadu gaadhay maanta, waana mid aan angoo Maxweynii Qaranka ah ku faraxsanahay,waxaanan codkayga ku ku biiranyaaa in aan qaadno talaabo kasta oo dhiiri galinaysa wax soo saarka dalka” sidaan wax yidhi Maxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxmed Maxmuud Siilaanyo.

 

DSC00597-450x600.jpg

 

Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyha Rugta Ganacsiga Somaliland Cabdiraxmaan Faarax Sugaal waxaanuu shraraad ka bixiyey sababaha keenay in ay qabtaan carwadan ,waxa hadladiisii ka mid ahaa “Hadii carwo la qabanayo waxa lagama-maar-maan ah in ay nabad ka jirto goobtaas carwada lagu qabanayo, nabad ayaana sal u ah wax walba, nasiib wanaag waxa inoo sharafa inay maanta dalkeenii haysto nabad galyo buuxda taas ayaana inoo suurto galisay inaan carwo qabano, halku dhiga carwada sanadkan waa Iibso wax soo saarka dalkaaga” sidaana waxa yidhi Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Cabriraxmaan Faarax Sugaal.

 

DSC00551-600x450.jpg

Waxa kaloo intaasi ku daray mudane Sugaal “Carwadan sabaha aanu u qabanay waxa ka mida in aanu soo bandhigno wax soo saarka dalka, si Umadu u ogaato, sidoo kalena in aynu aduunka tusno in ay Somaliland tahay dal jira wax-soo-saarna leh” sidaana wax yidhi Gudoomihya Rugata Ganacsaiga Md.Sugaal

DSC00546-600x450.jpg

Waxa kaloo inataasi ku daray mudane Sugaal in ay doonayeen in ay sanadkan carwada 5-aad ku qabtaan meel ay dawladu siisay oo beerta xoriyada ah waxaanuu sheegay Mudane Sugaal in meeshaas la siiyey Rugta Ganacsiga in uu Wasiirka mida Xukuumadii Madaxweyne Rayaale uu baabiyey goobtaas, isagoon cidna kal tashan, Waxana uu Md. Sugaal Xukuumada ka dalbaday in ay arintaas wax ka qabato.

 

 

Waxa isaguna halkaasika hadlay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga , Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed Waxana uu sheegay in ay muhiim tahay in la xoogiyo wax-soo-saarka dalka waxaanuu sheegay Wasiirku in carwadan lagu soo bandhigayo wax-soo-saarka Warshadaha,Beeraha.

 

Waxa kaloo hadaladii wasiirka ka mid ahaa “waxa xusid mudan in maanta carwadan ay shirkada Telesom soo bandhigayso barnaamij maqal iyo muuqaal ah oo si toosa loogu la xidhiidhi karo guud ahaa magaalooyinka Somaliland, barmaaijkaas waxa inaga la qayb qaadanaya Gudoomiyayaasha Gobolada qaar kamida oo si toosa khadka ugu jira.” Sidaana waxa yidhi Wasiirka Ganacsiga Md. Cabdirisaaq Khaliif.

 

Waxa kaloo uu Wasiirku xukuumada ka dalbaday in ay dhul siiso Runta Ganacsiga si ay ugu Qabato Carwooyinka ganacsi ee noocsn oo kale ah.

 

 

DSC00544-600x450.jpg

 

DSC00626-600x450.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulmiye is a racist party filled with some racist people saxib, its a matter of time before Udub or Ucid is back in power, so soak up last 5 years of power you will see in a long time.

what do u mean racist, Sends when have SL different races :confused:

by the-way Faisal goormuu ka dagayaa UCID

UDUB ma samaysay dib u habayn goormuuse ka dagayaa Rayaale :confused:

Before we start to opposite KULMIYe is it better to have good organised opposition parties

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Wasiirka Ganagacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo arintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi ”horumarka ganacsi ee aynu samaynay waxa ka mid ah horumarka xagga technology-ga oo ay maanta halkan inoogu soo diyaarsay shirkada isgaadhsiinta telefoonada TELESOM adeeg casriya oo ah kamaro Online ah, oo aynu kala xidhiidhi doono gobolladii dalka oo dhan, haddii aynu u baahano iyagoo masuuliyiintii qaranka u sareeyeyna ay indhahooda ku arki doonaan”.

tel1.JPGtel2.JPG

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Looks nice, laakin I only see import products (aside from the rocks- which are not very well presented)

 

I hope hold man can create a two direction trade, rather than the same old one way traffic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this