Gabbal Posted May 29, 2006 Barre Hiiraale oo soo jeediyay in la bedelo qodobka 47aad ee Axdi Qarameedka KMG ah Isniin, May 29, 2006(HOL): Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo Sabtidii gaaray magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa shalay mar uu la hadlayay Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ayaa wuxuu soo jeediyay in la bedelo qodobka 47aad ee Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Barre Hiiraale wuxuu sheegay in qodobkaas uu dhigayo in xubnaha Xukuumadda geleya loo baahan yahay in ay noqdaan Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, wuxuuna taasi wasiirka ku macneeyay mid aan loo baahneyn oo meesha ka saareysa aqoonyahanno iyo dad wax-gal ah oo Xukuumadda ku biiri lahaa, isla markaana wax qaban lahaa. “Waxaa loo baahan yahay in xukuumadda iyo Baarlamaanka uu dhex maro xisaabtan dhab ah taasina wuxuu ku imaan karaa marka xubnaha Golaha Wasiirrada aysan kulamada Baarlamaanka fariisan karinâ€ayuu yiri Barre Hiiraale oo intaas ku daray in haddii qodobkaas la bedelo fursad loo heli doono in Xukuumadda lagu soo daro aqoonyahanno iyo dad kale oo Soomaali ah oo wax ka qaada culeyska Dowladda. Barre Hiiraale intii uu hadlayay wuxuu soo hadal qaaday dagaallada Muqdisho ka soo cusboonaaday ee u dhaxeeya Midowga Maxkamadaha Islaamka iyo Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada, wuxuuna sheegay in ay dagaalladaasi yihiin kuwo laga murugoodo oo ay ku dhamaadeen dad badan shacab ah, hayeeshee wuxuu baaq ku soo jeediyay in Muqdisho loo diri Guddi waan waan wadayaal ah oo uu isagu hormuud u yahay amaba uu dhexda uga jiro, si ay xiisadda Xamar ka taagan dhexda uga qabtaan, una qaboojiyaan. Ugu dambeyntiina, Barre Hiiraale oo muddo labo sano ku dhawaad ah aan tegin meel ay ku sugan yihiin xubnaha dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo mid ah ayaa Sabtidii gaaray Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in socdaalkiisa uu jawaab u ahaa qoraal uu Ra'iisal Wasaare Geedi u diray Wasiirro uu ka mid yahay oo laga dalbanayay in ay Magaalada Baydhabo iska xaadiriyaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted May 29, 2006 Warkaasi waa war dhaxal gala loona baahan yahay in la maqlo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Pure blood Posted May 30, 2006 The best thing any member of the TFG has said thus so far. Guul to Barre Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 30, 2006 Good point but no one will listen, it has been attempted several times, most of the MP's want to be ministers and so on. Quote Share this post Link to post Share on other sites