Sign in to follow this  
Liibaan

Riyaale oo kashifmay kadib markii ee Cadaatay inuu ka Danbeeyey Dilkii Taliyihii hore

Recommended Posts

Liibaan   

Dhanxiir

 

Waaryaadhaheen, waxaan la yaabay safiirkan Masaarida ah ee indho adaygiisa isaga oo Somaliland jooga la soo taagan figradii gaboobayd ee Somaliweynta, yaa u sheega in qadiyadda Lantan uu yaraysanayo lagu waraabiyey dhiiga kumanaan halyey, caawimadiisana mooyaane dalka nooga bax yaa yidhaa!!!!

 

 

Weger; adeer; ninkan dhiiranaantiisa markaad eegto siyaasiyiinteena ayuu ishooda arkay oo hadii maantaba bustahaaga qaado lagu yidhaah rag badan bay cibro ugu filaan lahayde iga daa warkiisoo, waxaad ka warantaa taliyahan sirdoonka ee Laascaanood ku xidhani ma lagayaabaa inuu rag badan oo shaadh dawladeed gashan oo shulo hoose ku jira fashiliyo; Alloow sahal amuuraha.

 

-----

Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool Xabsigga loo Taxaabay

 

Taliyaha guud ee nabad-sugida oo codsaday in la sii daayo sarkaalka la xidhay iyo ciidanka qaranka ee fadhiisinka Laascaanood oo ka gadooday sii dayntiisa

 

 

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in la xidhay taliyaha sirdoonka Gobolka Sool iyo saddex nin oo la socday, waxaana lala xidhiidhinayaa oo loo haystaa labadii nin iyo walxihii qarxayey ee boolisku ka qabteen Laascaanood”

 

 

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Sool

 

 

Laascaanood (Jam)- Ciidammada millatariga iyo booliska oo iskaashanaya ayaa xabsiga u taxaabay taliyihii ciidammada sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool Mr. Cabdifataax Muuse Yuusuf iyo saddex nin oo la shaqaynayey oo uu ka mid yahay darawalkiisii.

 

 

Sidaana waxa Jamhuuriya khadka telefoonka xalay ugu xaqiijiyey taliyaha qaybta booliska Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni, isaga oo sheegay in taliyaha sirdoonka iyo ragga la socdayba lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen labadii nin iyo walxaha qarxa ee maalintii Salaasada lagu qabtay magaalada Laascaanood oo la tuhunsan yahay in taliyaha sirdoonka gobolkaas uu walxaha qarxa isagu dhigay guriga labada nin laga qabtay.

 

 

Waxa kaloo taliyuhu xusay in baadhis lagu hayo taliyaha sirdoonka iyo ragga lala qabtayba, iyada oo looga shakisan yahay inuu wanjalay labada nin ee Salaasadii toddobaadkan boolisku qabteen oo ah ganacsato shacab ah.

 

 

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in la xidhay taliyaha sirdoonka Gobolka Sool iyo saddex nin oo la socday, waxaana lala xidhiidhinayaa oo loo haystaa labadii nin iyo walxihii qarxayey ee boolisku ka qabteen Laascaanood, baadhistiina way socotaa, waxaana laga yaabaa inay arrintani rag kalena lugaha la gasho, laakiin waxaan kuu sheegayaa in baadhista ka bacdi wax waliba kala cadaan doonaan.” Sidaa waxa yidhi; taliyaha qaybta booliska Gobolka Sool.

 

 

Hasayeeshee sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi, waxa la filayaa in taliyaha sirdoonka Gobolka Sool iyo ragga lala xidhayba loo soo dhaadhiciyo dhinaca caasimadda Hargeysa, iyada oo tallaabadaasina dareen iyo shaki badan ku beertay dadweynaha reer Laascaanood oo ka cabsi qaba in la sii daayo oo kiiska loo haysto la masaxo, iyada oo xadhigga sarkaalkan ka tirsan sirdoonka qaranku dareen xaasaasi ah ka abuuray Gobolka Sool.

 

 

Dhinaca kale sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen taliyaha guud ee sirdoonka qaranka Maxamed Nuur, ayaa codsaday in la sii daayo sarkaalkaa nabad sugida ah, hasayeeshee waxa la sheegay inay arrintaa ku gacan saydheen ciidanka qaranka ee fadhiisin koodu yahay Laascaanood ee uu madaxda u ahaan jiray taliyihii qaybta 12aad ee ciidanka qaranka ee lagu dilay shirqoolka qaraxa ah bishii hore ee sannadkan, kuwaasi oo dilkii taliyahooga ku xidhiidhinaya sarkaalkan la xidhay, kana shaki qaba in sii dayntiisu tahay qorshe lagu baabiinayo baadhista dilkii marxuumka.

 

 

Warar kale oo aanu ka helnay ilo ku dhaw dhaw madaxtooyadda, ayaa sheegaya in xalay ay madaxweynaha la kulmeen xubno wasiiro ah iyo taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland, iyada oo tibaaxaasi xuseen in markii laga wadahadlay xadhiga sarkaalkaas madaxweynuhu amray in aan la sii dayn sarkaalkaas inta baadhis lagu samaynayo arrintiisa.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

 

 

----

Faldembiyeedkan lagu xidhey Taliyihii Nabadsugidda ee Gobolka sool, Galal badan oo furraa ayuu xidhayaa!!

 

 

 

 

Khamiistii iyo jimcahan shaley, waxay ku ahaayeen maalmo adag Madaxtooyada iyo Madaxweynahaba, waxa laysku deyey in amar madaxweyne lagu sii daayo Taliyaha u xidhan Ciidanka qankaaaaa ee Guutada 12aad, ee Bishii hore Taliyohoodii lagu diley qarax kuwan lagu haysto tliyaha Nabad-sugidda ee Gobolka sool, waxase si xooggan ugu gacan seydhey, Ciidanka Mas'uuliintiisu oo adkeystey in waxyaabo caddaan ah lagu hayo, laguna sii wadayo baadhitaanka laas-Caanood. shaley jimcihii waraka ka imanaya laas-caanood,waxay sheegeen in Madaxweyne Riyaale amrey in ninkas loo soo dhadhiciyo Hargeysa, si baadhitaanku halkan uga sii socdo, taasi oo ay ka biyo diideen Mas'uuliintu, laguna kala kacay iyada oo laysku jiq yahay!!

 

 

 

Dhinaca kalena labad Cisho ee toddobaadka ugu dambeeyey , waxa ay Gobolka Togdheer kusoo kordhiyeen Togdheer Guux weyn oo Bulsho , cadho iyo Caddaaladda qaddiyadda Taliyahan Geeridiisa cidda ka dambeysey oo raadkeedu ula galey Madaxtooyada,sida ay rag door ah oo Mutamaca Togdheer ka caan ahi ay tibaaxayaan.

 

Wararku waxay intaa ku dareen in uu Mas'uulkan Nabadasugidda Gobolka isla shaley uu bilaabey in uu is-waalid uu isdhaaf ku hadlayo, ku dambabaso jariimadaha uu faraha la galey, in uu Miyir qabo oo aanu waalleynna waxa u daliil ah in ilaa imika uu yahay Taliyaha Nabad sugidda ee Gobolka Sool.

 

 

 

Arrintan Taliyaha Nabadsugidda ee Gobolka soo eeMaamulka Riyaale, waxa uu dib inoogu celinayaa qaddiyaddii qaraxyada Goobaha Cidlada ah , Maamulku ku qarxinayey ee loo

 

Xidhi jirey Odey deyr, Madaxweyne ku Xigeenka 2ad ee Kulmiye, iyo ubno Xisbigaas ka tirsan, waxaanu raadku dib inoogu celinayaa Madaxtooyada Dalka oo Nabadsugidda Dalka laga Xukumo. Ma jiro Sarkaal milateri ah, oo iska gala waxaan cidiba u diran. Dilkii Taliyihii hore ee Ciidanka 12aad, waxay u eegtahay in uu Galkiisu ku soo xidhmayo, xadhigga Taliyahan la qabtey!! isla mar ahaantaasina, arrimo badan oo tuhun ka taagnaa iyana waddo u furan tay loo maro radkeeda. Dawladdu baadhitaankii ay Irbadda Maroodiga ku qaleysay waqti iibsasasho, is-hortaag caddaaladeed, raad habaabin, ka ay doonto ha ka ahaatee, waa lays kala tegey tuhun oo Madaxtooyada ayuu soo galey dilkanuye, ha jid bixiso Madaxtooyadu!! Ciddii Amarka bixisey lagu diley Taliyaha Ciidanka 12aad waa in la helo, haddii kale, shicibkuba wuu soo heli!!! Baaqii Xildhibaan Cali Marreexaan , muu ahayn madadaalo warbaahineed ee wuxuu ahaa hoga tusaleyn Maamulka uu ka tirsan yahay in aanu arrinku sahlaneyn!! Sida ay odey dhaqamoodyo xaleyto sheegeen, waxa ay Odeyaal, Aqoon yahan , Ganacsato iyo Madax-dhaqameedyo reer Burco ahi ababulayeen, baaq ay Guddi qaran oo arrintan faraha ku qabata l saaro , kuwaas oo aan ka mid ahayn Maamulka Talada Dalka imika haya aan u shaqeyn!!

 

 

 

Dr. Cali Cabdi Muhumed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this