Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf names Army officers

Recommended Posts

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo magacaabay Saraakiil soo xuli doona ciidammada Qaranka

Posted to the Web Aug 14, 14:01

 

 

Jowhar: (PP):- Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Jowhar oo xarun Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda FKMG ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu sooo saaray qoraal uu ku magacaabay saraakiil ka shaqeyn doona diiwaangelinta Ciidammo laga ururinayo Gobollada Shabeellada hoose, Baay, Banaadir, Bakool Jubbada dhexe iyo gobolka Gedo.

 

Wararkaan ayaa intaas ku daraya in saraakiisha la magacaabay ay horay uga tirsanaan jireen ciidammadii qalabka siday ee Soomaaliya waxayna qaarkood haatanba ku sugan yihiin gobollada la doonayo inay ka howlgalaan, inkastoo aysan noo suurogelin inaan magacyadooda helno.

 

Saraakiishaan ayaa gobol walba waxaa loo qoondeeyay inay howshaas ka qabtaan min 7-sarkaal, tiradooda guudna ay dhan tahay 42-sarkaal, Iyadoo saraakiishaan ay ugu tagi doonaan ciidammo laga diiwaangeliyay gobolladaas, waxayna u kala sooci doonaan Ciidammada la qoray laba qaybood oo kala ah Ciidammadii hore ee dalka iyo kuwa cusub.

 

Sidoo kale lama shaacin xilliga ay saraakiishaan billaabi doonaan howshoodan, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay howshoodan billaabi doonaan xilli dhow.

 

Xubno ka tirsan dowladda Federaaka KMG-ka ah ee Soomaaliya oo ku sugan gobolladaas ayaa iyagu horay u billaabay inay isku ururiyaan ciidammadii hore ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale ciidankaas ay ururinayeen ku daray ciidammo kale oo cusub, waxaana haatan halkaas ku sugan ciidammo la ururiyay oo aad u badan.

 

Isku soo wada duuboo, ciidammadii dowladda ayaa waxay in dhawaalaba ahaayeen kuwo hadal hayntooda ay badnayd, iyadoo la doonayo inay ka qaybqaatan dib u soo celinta ammaankii iyo kala dambeyntii dalka oo lunsanayd muddo ka badan 15-sano.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogdishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this