Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Dhoobley: Al-Shabaab oo soo saartay amar ah in Saraawiisha Gaabsadaan.

Recommended Posts

Dhoobley(AllPuntland)- Maamulka Ururka Al-Shabaab ee ka taliya Gobolka J/hoose ayaa amaro ku soo rogay dadka rayidka ah ee ku nool deegaanadaasi.

 

Awaamiir ka soo baxday xafiiska Gudoomiyaha degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose Sheekh Maxamed Xaaji Axmed ayaa lagu sheegay in dhamaan dadka ku dhaqan degmadaasi ay hirgeliyaan dhamaan qodobo ay ka mid yihiin in Ragga ay gaabsadaan Saraawiisha, taasoo ay ku sheegeen in ay tahay Sunno, sidoo kale Haweenka ayaa laga doonayaa in ay qaataan dharka adag ee Xijaabka ah.

 

Amar kale oo ah in xiliyada Salaada aan cidna lagu arki karin wadooyinka ayaa ka soo baxay Al-Shabaab, iyadoo cidii u dhega nuglaan weyda awaamiirtaasi laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan waa sida ay sheegeen Al-Shabaab.

 

Waxaana Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Dhoobleey uu dhalinyarada ugu digay falalka ka baxsan Shareecadda Islaamka in ay ku kacaan, cidii lagu arkana fal lid ku ah Diinta la horkeeni doono wax uu ku sheegay Caddaaladda.

 

Source:

 

p.s

Gudoomiyaha degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose u fadhiya Maamulka Ururka Al-Shabaab, Sheekh Maxamed Xaaji Axmed waxuu balaqaaday inuu cidii u dhega nuglaan weyda awaamiirtiisaan cusub, inuu ka goyn doono deeqda caanobooraha ah ee hayadaha samalfalka reer Dhoobley u qaybiyaan dadka rayidka ah ee ku nool deegaanadaasi.

 

Sidaas daraadeed waxaa lafilayaa inuu shacabka ku nool deegaanadaasi ey awaamiirtaan cusub si kadis ah u raacaan.

 

[ March 31, 2010, 10:08 AM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know some folks here think I made up this story, but even Bartamaha Website is reporting it.

 

***-------***-------****--------*****------*****.

 

al-shabaab30.jpg

 

Alshabaab oo dhalinyarada reer Dhoobley ugu baaqday in ay guursadaan.

 

Bartamaha(Dhoobley):-Maamulka Alshabaab Deegaanka Dhoobley ayaa dhalinyarada u jeediyay in ay guursadaan iyagoo Waalidiinta ugu baaqay in ay fududeeyaan gurka.

 

Sargaal lagu magacaabo Sheekh Max’ed Carabow oo aha Gudoomiye Xigeenka Alshabaab Dhoobley ayaa ku baaqay in dhalinyarada ay guursadaan islamarkaan ay Muslimiinta badiyaan.

 

Sargaalkaasi Alshabaab u hadlay ayaa dhalinyarada u sheegay in ay muhiim tahay guurka islamarkaana uu sheegay in aan wax xujja ah la duldhigaynin haddii ay guursanayaan.

 

Waalidiinta reer Dhoobley ayaa loogu baaqay in dhalinyarada ay u guuriyaan islamarkaana ay culeys aanay saarin dhlinta guur doonka oo ay u fududeeyaan guurka gandhaha.

 

Magaalada Kismaayo ayaa horay looga soo saaray amar buuxa oo ku wajahan guurka iyo gawaarida lagu galbinayo arooska taasi oo lagu sheegay Israaf shareecada aan ku banaanayn.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamaha.com

Muqdisho-Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Rajabeeto Operation underway in Dhoobleey

 

--------------------

Abtigiis & Tusbax on Puntland: "saqajaanimadaa hoos haweenka lagula meeraysto way yaqaanaan!"

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this