Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland ICT Workshop Concluded

Recommended Posts

Hargeysa (Jam)- Aqoon-iswaydaarsi ku saabsan siyaasadda lagu hagayo iyo qorshaha horumarineed ee xog-isgaadhsiinta casriga ah ee Somaliland (International Communication Technology (ICT) ee mustaqbalka oo socday muddo saddex maalmood, ayaa shalay lagu soo gebagebeeyey huteelka Maansoor ee magaalaada Hargeysa.

 

Aqoon-iswaydaarsigan oo ay ka soo qaybgaleen 200 xubnood oo ka kala yimi dhammaan lixda gobol ee Somaliland oo isugu jiray saraakiil ka tirsan dawladda, Akedemiyadda Horumarka iyo Nabadda Somaliland, bulshada rayidka ah, dhallinyarada, haweenka, shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isticmaala xog-isgaadhsiinta (ICT) iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee iyagu bixiya xog-isgaadhsiinta (ICT), waxa maalgelisay oo soo qorshaysay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP. Haseyeeshee waxay dawladdu ku talo jirtaa in hadda lagu daro xog-isgaadhsiinta casriga ah ee ICT-ga mashruuca RDP-ga ee Somaliland lagu horumarinayo shanta sanno ee soo socda.

 

Ujeedooyinka laga lahaa aqoon-iswaydaarsigaasi waxa uu ahaa in la qeexo aragtida fog ee xog-isgaadhsiinta (ICT) Somaliland, in sannadka 2025-ka qof kasta oo reer Somaliland ahi uu noloshiisa u isticmaalo xog-isgaadhsiita casriga ah iyo sidii loogu xidhiidhin lahaa ama loo midayn lahaa aragti kasta oo ka soo baxda shirka horumarinta Somaliland ee shanta sanno ee soo socda.

 

Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Md. Liibaan Ducaale Casayr oo soo xidhay aqoon-iswaydaarsigaas, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey waxa uu kaga waramay masuuliyadda wasaaraddiisa ka saaran hawshan iyo miisaanka ay ku leedahay, waxa uu yahay xog-isgaadhiisnta casriga ah ee laga hadlayaa iyo dardaaran uu u soo jeediyey ka qaybgalayaasha kulankaas. Isaga oo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Hawshan cid kastaaba ha ka soo qaybgasho, cid kastaaba ha soo ururriso, waa hawl marka ugu dambaysa wasaaradda lagu soo riixo, markaa sidaa gaarka ah ayey noo taabanaysaa.

 

Waxaan in yar iftiiminayaa hawshan dad baa leh ma halkaa ayeynu kaga hadhaynaa, maanta ayuun baynu bilawnee halkaynu kaga hadhnaa, sababtoo ah himiladii aynu hiigsanaynay ayeynu maanta xeeqnay halkii tii hore ee labada bilood la soo ururrinayey bal in meel la isugu keeno fikrada ku saabsan ICT. Magaca ICT-gu wuu cusub yahay oo hore waxa loo odhan jiray IT (Information Technology) keliya, kadibna dhawaan markii la arkay inay xog-isgaadhsiintu isugu imanayso ayaa lagu daray erayga C (communication.) Markaa shirkani waa bilawgii aynu ugu gogol-xaadhaynay aragtida himilada aynu hiigsanayno, haddaanay hawshaasi bilaabmaysaa.” Waxaannu intaa raaciyey, “Waxaan idinku boorinayaa rag iyo dumarba in aad ku soo biirsitaan kooxaha shaqaynaya oo ku soo kordhisaan fikriina, aqoontiina iyo muruqiina, si aynu u gaadhno halkaa aynu hiigsanayno, waxaanaynu ku gaadhi karnaa oo keliya inaga oo gacmaha is qabsana oo dadaal badan muujina. Annaga wasaarad ahaan xilkaa wayn ee na saaran ma qaban karno haddii idinku aydaan hareeraha nala qaban.”

 

Mr. Maxamed Cumar Carte oo ah guddoomiyaha guddiga NIC oo ah (National Information Committee) ee muddada dhawrka bilood ah soo waday diyaarinta iyo isku dabaridida qorshaha lagaga hawlgelayo horumarinta xog-isgaadhsiinta casriga ah ee Somaliland, ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey waxa ku sheegay inay muddo laba bilood ah hawshaas soo wadeen, isla markaana guul ka gaadheen, “Gudidayadii NIC-du (National Information Committee) laba bilood iyo badh ayaanu hawshan soo wadnay, waxa ugu muhiimsanayd ee aannu ka faa’iidaysanay waxay ahayd in aannu is barano, taas oo barashadii ugu qaalisanayd ahayd, dad aad ku halayn kartid oo aad kaga seexan kartid hawsha ayey dhammaantood ahaayeen,” ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte, waxaannu intaa ku daray isaga oo u mahadnaqayey ka soo qaybgalay shirkaas, “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa kooxihii hawshan ka soo wada shaqeeyey oo aannu ku faraxsanahay sida wanaagsan ee markaannu kulan isugu yeedhnay ay noo soo aqbali jireen. Maanta haddii aynu eegno malaha shaqaalihii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Boosaha cid ka maqani way yartahay, taasina waxay ku tusaysaa sida xooga leh ee ay uga go’an tahay hawshani, wasaarad intaa samaysaa way yar tahay,” ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte.

 

Waxaannu intaa ku daray; “Ugu dambayntii, waxaan jeclahay in aan u mahadnaqo dhammaan ka qaybgalayaashii aqoon-iswaydaarsigan, waxaanan jecelahay in aynu halkaa ka qaadno oo Insha Allaah aynu noqono kuwii hirgelin lahaa hiigsigeena ilaa 2025-ka.”

 

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan hay’adda UNDP oo warramay faa’iidada iyo waxtarka ay leedahay xog-isgaadhsiinta casriga ah, waxaanay si weyn ugu mahadnaqeen xubnaha ka qaybgalay shirka, iyaga oo ka qaybgalayaashuna ay ka dhiibanayeen aragtiyahooda ku waajahan sidii lagu horumarin lahaa tegnoolajiga casriga ah.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

ICT Somaliland meeting concludes in Hargeisa

 

 

The Somaliland minister of Post and Communications, Mudane Liban Duale Asir officially closed a three day meeting on the development of the Information, Communication and Technology capabilities of Somaliland which had been taking place in Hargeisa.

 

The meeting brought together 250 participants from government departments, the offices of the United Nations in Somaliland, the larger Somaliland companies and other interested parties from Somaliland six provinces.

 

Speakers at the end of meeting included the Somaliland minister for Post and Communications, Mudane Liban Duale, the Head of the ICT programme, Mohamed Omar Arteh, Mr Tom Munyasya from the UNDP office in Nairobi and Abdiqani Ali Jama also from the UNDP office in Somaliland, who all thanked the participants and emphasised the need to improve Somaliland's communications capacity.

 

At the conclusion of the meeting a debate was held to discuss the outcome of the three day meeting and the way to implement the main objectives of the seminar.

 

Omar Mohamed Farah

Qarannews

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this