Sign in to follow this  
Suldaanka

A memoir from the outgoing speaker of Parliament Mudane Axmed Maxamed Qaybe

Recommended Posts

This is a very interesting memoir from Qaybe. He covers some key historical events that he was present in the mid 1950s to early 1960s. Enjoy.

 

Awdal News

-----------

“SI AANAY TAARIIKHDU U LUMIN"

 

Sida ummadaha kale u qoraan taariikhdooda Somalidu uma badna inay taariikhdeeda qorto sababta oo ah far aynu wax ku qorno oo aan jirin ka hor 1972-kii, oo Dawladii waqtigaas jirtay ay go’aamisey in aynu qaadano xuruufta Latinka. Waxaa la inoo yiqiinay amaba aynu ahayn “oral societyâ€. Xuruuftaas Latinka waxaynu kaga kaaftoonay luqadihii shisheeyaha ahaa ee maamulka xafiisyada iyo saxaafadda loo isticmaali jiray. Hase yeeshee , ma jiraan, hadday jiraana way yaryihiin, qoraallo taariikhiya oo fartaas loo adeegsaday.

 

Qoraalkaygan koobani wuxuu ku saabsan yahay xorayntii Somaliland iyo is-raacii Somalia ee 1960-kii.

 

Anigu magaalada Cadan, Koonfurta Yaman ayaan ku dhashay. Waqtigaas waxay ahayd mustacmarad Ingriis. Malcaamad Quran iyo dugsiyaba halkaas ayaan ka galay, ka dibna dhawr sannadood ayaan shorthand typist ugu shaqeeyey Taliskii Sare ee Ciidamadii Cirka ee Boqortooyada Ingriiska. (Royal Air Force Command, Aden).

 

-kii Xukuumaddii Ingriiska ee Somaliland ayaan codsi shaqo-siin ah u soo qortay, waanay iga oggolaatay. 18-kii June 1954-kii, ayaan madaarka Hargeysa ka soo degay. Magaalada Hargeysi aad bay waqtigaas u koobnayd, una qurux badnayd. Waxay ahayd meel cimiladeedu wanaagsan tahay aan boodh iyo qashin toona lahayn, oo dhulka intiisa aanay daaro ka dhisnayn cagaar ahayd , dhirta waaweynina ku badnayd - A picturesque town. Mujtamac is- wadayaqaana, isna jecel oo kan maanta aad uga yar, ayaa ku noolaa. Bulshadii waqtigaas Hargeysa joogtay wax yar baa ka sii qiiqaya.

 

Waxaan shaqo ka bilaabay Xafiiskii Maamulka Degmada Hargeysa (District Office) amaba xafiiska D.C.ga, siday Somalidu u tiqiiney. Waxaa laygu magacaabay District Clerk oo derejo sare waqtigaas ahayd. Muddadii aan xafiiskaas hayey dhacdooyin badan ayaa i soo maray, waxaase xusuus gaar ah igu reebay laba arrin:

 

Heshiisiintii Xukuumaddii Ingriiska ee Somaliland iyo Suldan Cabdillahi Suldan Diiriye (Suldankii Beesha ******* - Alle ha u naxriistee). Arrintii murugada lahayd ee Haud iyo Reserved Areas Dawladda Ingriisku ku wareejisey Dawlada Ethiopia, 1955-kii.

 

Suldan Cabdillahi Suldan Diiriye

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Toni Scawin oo waqtigaas ahaa D.C.gii Hargeysa xafiiskaygii iigu yimid isagoo warqad sir ah gacanta ku sita. Warqaddii ayuu ii dhiibay. Wuxuu talo iga weydiiyay arrintii warqadaas ku qornayd sida wax looga qaban karo. Warqadda waxa soo direy Chief Secretary Shirley oo maalmahaas hawlgab Somaliland uga bixitimayey, waxaanay ku saabsanayd Suldan Cabdillahi Suldan Diiriye. Wuxuu Shirley warqadiisa ku soo qoray isaga iyo Suldan Cabdillahi inay colloobeen, taas daradeedna uu Suldanku Xukuumadda Somaliland kaga maqan yahay. Maadaama Shirley dalka ka tegayey, wuxuu soo jeediyey Suldanka in lagu dayo bal inuu oggolaado inuu Xukuumadda la heshiiyo.

 

Waqtigaas ay Xukuumadda is-hayeen, Suldaan Cabdillahi wuxuu noogu yimid Magaalada Cadan oo berigaas ahayd mustacmarad Ingriis. Waxaanu ku dejiney Naadigi Somalilda ee Cadanweyn (Crater) oo aan anigu madax ka ahaa. Isbarasho wanaagsan ayaa Suldanka na dhexmartay, taasoo ay sii xoojisey qaraabanimo aanu isku aqoonsanay. (Ayeydey Hooyo ayaa ka soo jeeday Beesha Suldanka). Scawin waxaan u sheegay in Suldan Cabdillahi xidhiidh fiicani naga dhexeeyey oo anigu aan ula tagi doona arrintii Shirley soo jeediyay. Maalintaas galabnimadeedii Dooxa Hargeysa ayaan dhinaca Koonfur uga tallaabay, anigoo ku socda gurigii Suldanku degganaa. Qolkiisii fadhiga markaan galay, Suldanka waxaa ku hareeraysnaa odayaal dhowr ah. Farxad ayuu igu soo dhoweeyey inkastoo dareen galay. Meel gooni ah ayaanu labadayada oo keli ahi fadhiisanay. Arrintii aan u socdey ayaan u sheegay. Cabbaar ayuu aamusay isagoo fekeraya. Wuxuu igu yidhi Ingriis waa I xumeeyey. Sidaas oy tahay odayaasha Reerka ayaan talo ugu noqonayaa ee laba beri ka dib igu soo noqo. Sidaas ayaan D.C Scawin ku wargeliyay.

 

Ku noqoshadaydii Suldanku wuxuu ii sheegay in aanu waxba ka qabin inuu la heshiiyo Xukuumaddii Somaliland iyo tan Walayaa-ba, hadday ballan qaadayaan inay u soo celiyaan dhul balladhan oy Militariga Somaliland (Somaliland Socuts) ka dagganaayeen. Waxaan ugu jawaabay ballan ayaan D.C. Scawin kaaga soo qabanayaa ee kala hadal arrintii dhulka laga haystey, waanu aqbalay. Shardi fudud ayuu ku xidhay oo ah in aan anigu ka turjubaano, isagoo kalsooni darro ka muujinayey turjubaanadii Xafiiska D.C.ga joogey.

 

Kulankii Suldan Cabdillahi iyo D.C Scawin ayaa dhowr maalmood ka dib qabsoomay. Dhulkuu Suldanku codsaday in loo celiyo markii laga wada hadalay, D.C. Scawin wuxuu ballan qaadey inuu Xukuumada gaadhsiiyo, wuxuuse ku adkaystay go’aanka kama dambaysta ahi inuu ku xidhan yahay Wasiir-al-Mustacmaraadkii Ingriiska ee fadhigiisu ahaa London, caasimadda Ingriiska. Wuxuu kaloo uu Suldanka u sheegay in mushaharkiisii dhowrkii sannadood ay Xukuumadda is-hayeen xisaab gaar ah loogu shubay, markuu doonana uu qaadan karayo.

 

Heshiiskaas ka dib, markuu Suldanku la kulmayo Saraakiishii Ingriiska ee Xafiiska D.C ga, wuxuu ku adkayasan jirey in aan anigu ka turjubaano. Calankii Buluuglaha ahaa ee Somalia

 

Bishii October, 1954-kii horraanteedii ayaa Suldan Cabdillahi oo cadho ka muuqato noogu yimid Xafiiskii D.C.ga. Wuxuu D.C Scawin u sheegay in 12kii October, 1954-kii calankii bulugulaha ahaa ee Somalia la saari doono daartii Xisbiga S.Y.L ee Hargeysa. Wuxuu intaas ku daray inay dad had-hadlayaan oo leeyihiin lama saari karo. Haddii munaasabadaas nalagu soo farogeliyo, wixii ka yimaadda masuul kama noqon doonno, ayuu yidhi. (Suldan Cabdillahi waxa lagu eedeyn jirey inuu ahaa taageere Xisbigii S.Y.L. ee gobanimo-doonka ahaa, taasoo ka mid ahayd arrimihii ay Xukuumaddii Somaliland isku maandhaafeen).

 

Si kastaba ha ahaatee, D.C. Scawin maalin ka dib ayuu shir u qabtay odayaashii magaalada Hargeysa. Wuxuu u sheegay in aanay Xukuumaddii Ingriisku jeclayn Xisbigii S.Y.L oo lagu xaman jirey Shuuci, balse ay xaq u leeyihiin inay daartooda saaraan calanka ay doonaan. Wuxuu ka digey in lagu faro galiyo.

 

Haud iyo Reserved Areas

 

-tii January, 1955-kii, ayey Dawladda Ingriisku magaalada London kaga dhawaaqday war murugo leh, kuna saabsanaa Heshiis (Agreement) ay bishii November, 1954-kii la gashay Dawladda Ethiopia, kuna wareejinayso Haud iyo Reserved Areas, laga bilaabo 28kii February, 1955-kii. Dawladda Ingriisku waxay Heshiiskaasi u cuskatay Mucahado labada Dawladood (Ingriiska iyo Ethiopia) dhexmaratay dabayaaqadii Qarnigii 19-naad (1897kii).

 

Huad iyo Reserved Areas, oo ay deggan yihiin beelaha Somaliland iyo beelaha ****** qaar ka mid ah, siiba Reer **** , Dawladda Ingriiska ayaa gacanta ku haysay, ka dib markii Dawladda Talyaaniga dib looga qabsaday dalka Ethiopia 1941-kii. Sida la wada og yahay Xukuumaddii Talyaaniga ee Mussolini ayaa Ethiopia ku duushay 1935kii oo ka qabsatay Boqor Xayle Sallassie. (Boqorku dalka Ingriiska ayuu ku noola muddadii shanta sanadood ahayd ee Talaynigu Ethiopia Isticmaarsanayey).

 

Dhawaaqii lama filaanka ahaa ee ka soo yeedhay Dawladda Ingriiska amankaag iyo jaah-wareer ayuu ku ridey shacbiga Somaliland. Mudaharaad balaadhan ayaa laga abaabulay dalka oo dhan. Rag iyo Haween, yar iyo weyn, weer cad ayaa madaxa lagu wada xidhay. Madaxdii Dalka oo dhami Hargeysa ayey isugu timid. Waxaa la go’aansaday in la asaaso Jabhad Mujtamaca Somaliland mideysa, kana hortagta masiibadii dalka la soo deristey, waxaana Jabhadaas lagu magacaabay National United Front (N.U.F).

 

Qaranigii 19aad dabayaqadiisii (1884-86), Dawladda Ingriisku waxay Qabaa’ilka Somaliland la gashay Heshiisyo (Agreements), ay ku ballan qaadayso in ay ilaaliso iyaga iyo degaanadoodaba. Shacbiga Somaliland waxay Dawladda Ingriiska ku eedeeyeen inay Heshiisyadaas ku ballan-furtay. Waxa la go’aamiyey in Dawladda Ingriiska loo diro wafdi ka codsada in ay ballan-furkaas ka noqoto.

 

Wafdigaasu wuxuu ka koobnaa Michael Mariano; Dube Cali Yare; Suldan Cabdillahi Suldan Diiriye (Suldankii Beesha *******) iyo Suldan Cabdiraxmaan Suldan Diiriye (Suldankii Beesha ***** *****), giddigood Alla ha u naxariistee. Wafdigaasu markuu London gaadhay, waxaa lagu dejiyey Hudheel caan ah oo ku yaalla Magaalada badhtankeeda, laguna magacaabo Cumberland Hotel. Wafdigii Looyerro Ingriis ah ayuu qabsaday. Dood ba’an oo cirka isku shareertay ayaa arrintii wafdigu la socdey ka aloosantay Aqalka Hoose (House of Commons) ee Baarlamaanka Ingriiska. Doodaasi waxay u dhacday sida lifaaqa ku qoran oo aan ka soo minguuriyey HANSARD. Hadal iyo murti, fara madhan ayuu wafdigii kala soo noqday London. (arrintan Huad iyo Reserved Areas ku saabsan uga ma jeedo in aan fidmo hurudda kaakiciyo, ee taariikh ahaan ayaan qoraalkan ugu soo qaatay). Mar labaad waxaa la go’aansaday inuu wafdigu u safro magaalada New York, si arrinta loo horgeeyo Qaramada Midoobey. ( Waxaa wafdigaas ku biiray Suldan Bixi Foley, ******, Reer *****). Hase yeeshee, Qaramada Midoobayna waa lagu soo hungoobay.

 

Somaalidu waxay tidhaahdaa waxaad shar moodid oo khayr kuu noqdaa jira. Dhirbaaxadaas ku dhacday shacbiga Somaliland way baraarujisay oo hurddadii ayaa laga toosay. Dhaqdhaqaaqii gobanimo-doonka ahaa ayaa xoogeystey. Il iyo baal la isuma keenin ilaa laga gaadhyey xornimo (Independence) 26-kii June 1960-kii

 

Dawladda Hoose ee Berbera

 

Bilhii hore ee 1956-kii ayaa la ii beddelay Dawladda Hoose ee Berbera halkaas oo aan ka noqoday Sarkaalka Fulinta (Excutive Officer). Xubnaha Golaha Deegaanka ee Berbera waxaa ka mid ahaa, Alla ha u naxariistee, Maxamed Xaji Ibrahim Cigal. Isbarasho wanaagsan iyo walaaltinimo ayaa na dhexmartey. Maxamed wuxuu waqtigaas ahaa nin dhalinyaro ah oo aannu isku gedo ahayn, oo qayrkii ka dhex muuqday, aqoontiisuna heer sare ahayd. Aad buu kutubta u akhrisan jirey, siiba kuwa ay qoreen faylasuufiyiintii Reer Galbeedku. Nasiib wanaag dhowr jeer oo dambe ayaanu Maxmed Xaaji Ibraahim Cigal wada shaqaynay.

 

Deeq Waxbarasho

 

Intii aan joogey Dawladda Hoose ee Berbera ayaan warqad iigu bushaaraynaysa deeq waxbarasho oo Carriga Ingriiska ah ka helay Xukuumadii Somaliland. Aad baan ugu farxay. Bishii September 1956-kii ayaanu Hargeysa ka dhoofnay aniga iyo Cismaan Axmed Xassan (Cisman Indhoole) oo deeqdaas wax-barasho ila wadaagay. London ayaanu dhowr maalmood ku hakanay, ka dibna waxaanu u gudubnay magaalada Edinburgh, caasimada Scotland. Waxaanu ku biirnay Jaamacadda Edinburgh, qaybteeda maamulka dawladaha hoose laga barto.

 

Edinburgh waxaa nooga sii horreeyey Cali Sheikh Ibrahim (Cali Qaadi) oo isla Jamacadaas cilmiga dhakhatnimada ka baranayey. Guri (apartment) ayaan saddexdayadii wada kiraysanay si aanu isugu biil gaabsano. Sida hilaaca ayuu nagu dhaafay sannadkii aanu Edinburgh joognay . Ka dib aniga iyo Cisman Axmed ayaa u wareegney Jaamacadda qadiimka ah ee Oxford. Laba sannadood ayaanu Jaamacadaas ka baranayney Public and Social Administration. 1959-kii dabayaqadiisii ayaanu Hargeysa ku soo noqonay. Cismaan Axmed waxaa lagu magaacay D.C.ga Sanaag, aniguna waxaan la wareegay shaqadii Xoghayaha Golihii Shacabka ee Somaliland. Waxaan kaloo Xoghaye u noqday guddidii dallacaadda iyo wax-barashada dibadeed. (Promotion and Training Board). January 1960-kii,ayaan London ku noqday si aan Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Ingriiska (Parliamentary Procdure) u soo barto, ugana faad’ideeyo Golahii Shacabka ee Somaliland. Dhowrkii bilood aan ku maqnaa Baarlamaanka Ingriiska , Somaliland waxaa ka qabsoontay doorasho loo tartamay Golihii Shacabka, waxaana ku guuleystey Xisbigii S.N.L/ U.S.P. Ka dib Motion ayaa la hor dhigay Golihii cusbaa kaasoo ku saabsanaa israaca Somaliland iyo Somalia. Motionkaasu aqlabiyad balaadhan ayuu ku gudbey. Wafdi sideed (8) xildhibaan ka kooban oo Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal hogaaminayo ayaa Muqdisho loo diray, si midnimada labada dal looga soo wada hadlo Xukuumadii Cabdillahi Ciise Maxamuud (Alle ha Naxriistee). Waxaa lagu soo heshiiyey in 1-dii July, 1960-kii lagu midoobo Dawlad ay caasimadeedu Muqdisho tahay (one country, one government, one flag).

 

30-kii April, 1960-kii, wafdi uu hoggaaminayo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal, oo ka kooban isaga iyo saddex Wasiir (Cali Garad Jamac, Axmed Xaji Ducale iyo Xaji Ibrahim Nuur) ayaa London noogu yimid. Wafdigu wuxuu u socday inuu Dawladda Ingriiska ka codsado madaxbanaanida Somaliland ka hor 1-dii Julay, 1960-kii si taariikhdaas Somaliland ay ula midowdo Somalia. 5-tii May 1960-kii, ayaa shir laba geesood ah lagu qabtay Xafiiskii Wasiirkii Mustacmaraadka, Mr Ian MacLoed, ee Ingriiska waxaana lagu heshiiyey madax-banaanida Somaliland (Independence) laga bilaabo 26-kii june 1960-kii.

 

Somaliland iyo Ethiopia

 

-kii May, 1960-kii Maxamed Xaji Ibraahim Cigal iyo saddexdiisii Wasiir ayaa u ambabaxay Addis Abeba, caasimadda Ethiopia. Ujeedada safarkaasu waxay ahayd Boqor Xayle Salassie in laga codsado soo celinta Huad iyo Reserved Areas. Boqorku Qasrigiisii ayuu wafdigii ku qaabiley. Dhinaca midigtiisa waxaa fadhiyay Prime Ministerkii Ethiopia Ato Aklilo Hapte Walde , iyo dhowr Wasiir uu ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha uu Boqorku soddog u ahaa. Dhinaca bidixdana waxaa fadhiyey Wasiiraddii Somaliland iyo anigoo Xoghayn ahaan ula socday. Labada geesood dhexdooda waxaa turjubaan ahaan u fadhiyey oo Boqorka ka soo horjeeday, Cabdiraxmaan Sayid Maxamed Cabdille Xasan (Wasiir-ku-Xigeenkii Arrimaha Gudaha ee Ethiopia).

 

Soo dhewyntii Boqorku wafdiga soo dhoweeyey ka dib, waxaa hadalkii qaatay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal, waxaanu hadalkiisii ku furay ammaan ballaadhan uu Boqorka ammaanay, wuxuuna isla markaas Boqorka ka codsaday inuu indho naxariis leh ku eego baahida ay qabaa’ilka Somaliland u qabaan Haud iyo Reserved Areas. Saddexdii Wasiir ee kalena hadalkii bay iska daba qaateen iyagoo codkooda ku biirinaya hadalladii Cigal. Dhinaca Ethiopia waxa u hadlay Boqorka oo keliya. Wuxuu yidhi Somalidu waa qowmiyad Ethiopia ka mid ah, laakiin uu Isticmaarku duufsaday. Boqorku wuxuu xusay oo halyeeyo Ethiopian ah ku sheegay Sayid Maxamed Cabdille Hasan, Cumar Samatar iyo Xaaji Faarax Khaled oo isagu galabtaas shirka fadhiyay, oo markuu Boqorku isgalana la xanaaqayay markuu Boqorku dhoosha bidhana farxad muujinayey, isaga oo Boqorka istusayey !!!. Wuxuu boqorku intaas raaciyay Haud iyo Reserved Areas idinka iyo xoolihiinuba waa ku noolaan kartaan, oo hashiinu ilaa Addis-abeba ayay daaqi kartaa, waase dal Ethiopia ka mid ah, gorgortana kama furna.

 

Boqorku Wuxuu ka hadlay Eritrea oo ay Dawladda Talyaanigu isticmaarsan jirtay, balse Ethiopia la midowday 1952-kii. Wuxuu ku dheeraaday mashaariicdii uu ka fuliyey isagoo farta ku fiiqaya khaaridad Eritrea oo gidaarka Xafiiskiisa sudhnayd. Isagoo hadalkiisa sii wata, Boqorku wuxuu soo jeediyey in marka hore Somaliland iyo Ethiopia ay midoobaan, dabadeedna ay Somalia wada raadiyaan, (taasoo uu ku sheegay ‘Our Province of Banadir’). Wasiiradii Somaliland hadalkoodii hore ayey ku celiyeen. Halkaas markii la marayey ayuu Boqorku soo jeediyey in biririf la qaato, la iskuna soo noqdo. Hase yeeshee biririftii ka dib,waxaa naloo sheegay in uu wada - hadalkii dhammaday oo hudheelkii aanu degganayn ayaa nalagu celiyey.

 

Subaxdii dambe wargeyska “The Ethiopian Herald†ayaa daabacay war kooban oo sheegaya Boqorka oo qaabiley afar masuul iyo karaanigoodii (Four officials and their clerk) oo Somaliland ka socday. Warkaas kooban waxaa ku ag daabacanaa arji dheer oo loo nisbeeyey odayaal ****** ah, kuwaas oo Boqorka ka codsaday inuu dadkooda iyo dalkoodaba ka badbaadiyo nimanka hororka ah ee Somaliland ka soo duuley! Waxay ahayd arrin laga sii shaqeeyey ka hor intii aanu wafdiga Somaliland Addis Abeba gaadhin, waayo, maalintii aanu Addis Ababa gaadhney waxay odayaashii ****** noo soo direen Maxamed Saalax Yacniile oo waqtigaas ka shaqaynayey The State Bank of Ethiopia (Alle ha u naxariistee) oo noo soo sheegay odayaashaas in Addis Ababa khasab lagu keenay si ay u daadifeeyaan arrintii wafdiga Somaliland la socday.

 

Intii aanu Addis Abeba diyaarad ku sugaynay, Mudane Cigal waxaa soo booqday Safiirkii dalka Sudan ee waqtigaas Addis Abeba joogay oo magaciisu ahaa Jamal Maxamed Axmed. Wuxuu u sheegay war uu ka helay ilo uga qaateen ah (siduu yidhi ) oo odhanaya inay Ethiopia isu diyaarinaysey weerar ay Somaliland ku qabsato marka Ingriisku ka baxo. Soo noqodkaygii Hargeysa ayuu Mudane Cigal warbixin sir ah oo arrintaas naxdinta leh ku saabsan u qoray Xukuumaddii Ingriiska, iyana London ayey u sii gudbisey. Dawladda Ingriisku waxay ku soo jawaabtay inay arrintaas biciidaysanaysey isla markaana aanay aqbali doonin raadkii ay kaga baxday Somaliland oo sii qoyan inay Ethiopia ku soo duusho. Si kastaba ha ahaatee warkaasu isma soo tarin.

 

Somaliland Iyo Somalia

 

-tii June, 1960-kii, wafdi ka kooban Mudane Maxamed Ibraahim Cigal iyo Cali Garad Jamac (iyo anigoo Xoghayn ahaan ula socdey) ayaa u amba-baxnay Muqdisho. Wafdiga socdaalkiisu wuxuu ku saabsanaa Xukuumaddii Mudane Cabdillahi Ciise in lala soo dhammaystiro Axdigii Is-raaca (Act of Union) ee labada dal. Shirar ay qaateen S.N.L/U.S.P. intii aanu Wafdigu amba-bixin, waxaa lagu go’aamiyey inaan wax shuruud ah lagu xidhin midaynta Somaliland iyo Somalia. Taas daradeed, Axdigii lagu diyaariyey Muqdisho oo ku salaysnaa heshiiskii Muqdisho lagu gaadhay bishii April, 1960-kii (fiiri kor) ayey labada dhinac qalinka ku duugeen.

 

Dabbaaldegyadii Xornimada

 

-kii June 1960-kii ayaa Calankii Ingriiska la soo rogey waxaana la saaray Calankii buluuglaha ahaa ee Somalia. Dabbaal-dagaas qaaliga ah waxaa lagu qabtay barxaddii loo yiqiin 26 june (oo haatan Masaajid laga dhisey). Hogol ayaa galabtaas ku da’day madashii xafladda, laakiin dadkii halkaas joogey oo aad khushuucsanaa ismay dhaqaajin. Munaasibadaas waxa lagu xusuustaa GABAYGII jidhidhicada lahaa ee KANNA SIIB,KANA SAAROO ee Marxuum Timacadde (Alla ha u naxariistee) madashaas ka tiriyey isagoo kor ugu luuqaynaya. Dalka oo dhan ayaa laga dabbaal degey maalintaas.

 

Wafdi uu hoggaaminayo Adan Cabdalla Cisman (oo markaas ahaa Guddoomiyihii Golihii Shacabka ee Somalia) ayaa munaasabadaas faraxadda leh ka soo qayb galay. Wafdigaas waxaa ka mid ahaa Mudane Maxamed Sheikh Gabyow oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dastuurka ee Somalia. Habeenkii 26/27-kii June ayaa shir laba geesood ah lagu qabtay Qasrigii Dawladda ee Hargeysa. Md. Gabyow wuxuu noo sheegay Axdigii lagu kala saxeexday Muqdisho laba ama sadex qodob oo ka mid ahaa in dib loo eego. Illaa labadii aroornimo ayuu shirkaasu socdey, waana la isku mari waayey. Subaxdii 27-kii June, 1960-kii, ayaa wafdigii Mudane Adan Cabdalle Cismaan Muqdisho ku laabtay. Isla galabtii maalintaas ayaa Mudane Cabdullahi Ciise taar u soo diray Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal isagoo ku wargelinaya inay lagama maarmaan tahay qodobaddii la isku khilaafsanaa in laga heshiiyo ka hor inta aanay labada dal midoobin. Md. Cabdillahi Ciise wuxuu soo jeediyey guddi laba geesood ah in loo saaro qodobadaas si xal loogu helo.

 

-kii June 1960-kii ayuu Mudane Cigal shir deg deg ah u qabtay Golihii Shacabka ee Somaliland si looga doodo taarkii uu soo diray Md. Cabdillahi Ciise. Dareen Xoog leh ayaa saameeyey jawigii Golaha. Intay doodu socotey ayaa warkii magalaada gaadhay. Hargeysa oo dhan ayaa ku soo jabtay madashii Goodirka oo shirku ka socdey, iyadoo lagu dhawaaqayo yaan loo joojinin Cabdullahi Ciise ee Axdiga Israaca deg deg ha loo gudbiyo. Shirkii markuu dhammaaday jawaab saddex qodob ka kooban ayuu Mudane Cigal u direy Mudane Cabdallahi Ciise: (1) Axdigii Israaca (Act of Union) Golihii Shacabka ee Somaliland wuu Tasdiiqiyey (2) Qodobadda la isku khilaafsan yahay israaca labada dal ka dib ayaa guddi isku dhafan loo saari karaa. (3) 30/6/60 ayey Xubnihii Golihii Shacabka iyo Xukuumadda Somaliland Muqdisho ku soo beegan yihiin ee haloo diyaar garoobo.

 

Qodobada la isku khilaafsanaa ma xusuusan karo oo muddo dheer baa wakhtigaas laga joogaa, laakiin muhiimad taariikhi ah ma laha maadaama aan waxba laga soo qaadin oo ay waxba kama jiraan noqdeen.

 

Qoritaanka taariikhdii Dawladdii Somalia ee soddon jirka ahayd (1960-1991) wuxuu u baahan yahay daraasad (research) qoto dheer si loo sugo dhacdooyinkii ummada Somaaliyeed muddadaas soo maray. Haddii Ilaahay igu simo, oo aan dhaqaale iyo waqti u helo, qoritaanka taariikhdaas damaceedu igama madhna.

 

WA BILLAAHI TAWOFIIQ

 

(Axmed Maxamed Adan - Qaybe)

_________________

 

Suldaanka, qabiilka magacaabidiisa qodobadaa soo guurisid ka ilaali, adigoo raali eh.

 

[ October 18, 2005, 22:39: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland iyo Ethiopia

 

-kii May, 1960-kii Maxamed Xaji Ibraahim Cigal iyo saddexdiisii Wasiir ayaa u ambabaxay
Addis Abeba
, caasimadda
Ethiopia
. Ujeedada safarkaasu waxay ahayd
Boqor Xayle Salassie
in laga codsado soo celinta
Huad iyo Reserved Areas
. Boqorku Qasrigiisii ayuu wafdigii ku qaabiley. Dhinaca midigtiisa waxaa fadhiyay
Prime Ministerkii Ethiopia Ato Aklilo Hapte Walde
, iyo dhowr Wasiir uu ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha uu Boqorku soddog u ahaa. Dhinaca bidixdana waxaa fadhiyey Wasiiraddii Somaliland iyo anigoo Xoghayn ahaan ula socday. Labada geesood dhexdooda waxaa turjubaan ahaan u fadhiyey oo Boqorka ka soo horjeeday,
Cabdiraxmaan Sayid Maxamed Cabdille Xasan (Wasiir-ku-Xigeenkii Arrimaha Gudaha ee Ethiopia)
.

 

Soo dhewyntii Boqorku wafdiga soo dhoweeyey ka dib, waxaa hadalkii qaatay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal, waxaanu hadalkiisii ku furay ammaan ballaadhan uu Boqorka ammaanay, wuxuuna isla markaas Boqorka ka codsaday inuu indho naxariis leh ku eego baahida ay qabaa’ilka Somaliland u qabaan Haud iyo Reserved Areas. Saddexdii Wasiir ee kalena hadalkii bay iska daba qaateen iyagoo codkooda ku biirinaya hadalladii Cigal. Dhinaca Ethiopia waxa u hadlay Boqorka oo keliya.
Wuxuu yidhi Somalidu waa qowmiyad Ethiopia ka mid ah, laakiin uu Isticmaarku duufsaday
. Boqorku wuxuu xusay oo
halyeeyo Ethiopian
ah ku sheegay
Sayid Maxamed Cabdille Hasan
,
Cumar Samatar
iyo
Xaaji Faarax Khaled
oo isagu galabtaas shirka fadhiyay, oo markuu Boqorku isgalana la xanaaqayay markuu
Boqorku dhoosha bidhana farxad muujinayey
, isaga oo Boqorka istusayey !!!. Wuxuu boqorku intaas raaciyay
Haud iyo Reserved Areas idinka iyo xoolihiinuba
waa ku noolaan kartaan, oo hashiinu ilaa Addis-abeba ayay daaqi kartaa, waase dal Ethiopia ka mid ah,
gorgortana kama furna
.

 

Boqorku Wuxuu ka hadlay
Eritrea
oo ay Dawladda
Talyaanigu
isticmaarsan jirtay, balse Ethiopia
la midowday 1952-kii
. Wuxuu ku dheeraaday mashaariicdii uu ka fuliyey isagoo
farta ku fiiqaya khaaridad Eritrea oo gidaarka Xafiiskiisa sudhnayd
. Isagoo hadalkiisa sii wata, Boqorku wuxuu soo jeediyey in
marka hore Somaliland iyo Ethiopia ay midoobaan
, dabadeedna ay
Somalia wada raadiyaan
, (taasoo uu ku sheegay
‘Our Province of Banadir’
). Wasiiradii
Somaliland
hadalkoodii hore ayey ku celiyeen. Halkaas markii la marayey ayuu Boqorku
soo jeediyey in biririf la qaato
, la iskuna soo noqdo. Hase yeeshee biririftii ka dib,waxaa naloo sheegay in uu wada - hadalkii dhammaday oo hudheelkii aanu degganayn ayaa nalagu celiyey.

 

Subaxdii dambe wargeyska
“The Ethiopian Heraldâ€
ayaa daabacay war kooban oo sheegaya Boqorka oo qaabiley afar masuul iyo karaanigoodii (
Four officials and their clerk
) oo
Somaliland
ka socday.
Warkaas kooban waxaa ku ag daabacanaa arji dheer oo loo nisbeeyey odayaal ****** ah, kuwaas oo Boqorka ka codsaday inuu dadkooda iyo dalkoodaba ka badbaadiyo nimanka hororka ah ee Somaliland ka soo duuley!
Waxay ahayd arrin laga sii shaqeeyey ka hor intii aanu wafdiga Somaliland Addis Abeba gaadhin, waayo,
maalintii aanu Addis Ababa gaadhney
waxay
odayaashii 0gaden
noo soo direen
Maxamed Saalax Yacniile
oo waqtigaas ka shaqaynayey
The State Bank of Ethiopia
(Alle ha u naxariistee)
oo noo soo sheegay odayaashaas in Addis Ababa khasab lagu keenay si ay u daadifeeyaan arrintii wafdiga Somaliland la socday
.

Haile Salaase did it, Mingistu done it, so is Meles doing it.

 

Reer aan ogay walee ma guuro...

_________________

 

Qabiilka magacaabadiis ka taxadar yaaqeey.

 

[ October 18, 2005, 22:43: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

You will see. Soon as he gets out of the secessionist entrapment, he will join the wise and rational Somaliweyn camp in daylight . Mark my words.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^So you want to act like God by foretelling what is "Caalimul-Qayb"? cajiib

 

It is better to spare your "dhareer" for another day. Just an Advice. ;)

 

If you have anything to add to "his" memoir, assuming you have read it, share it with us.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Very interesting.

 

You know, its a shame only a handful of former Somali civil sefvants document the Somali history from what they have witnessed. Too many have taken their knowledge to their grave, I wish that those alive will share their stories with us; the Somali people. Its very very important.

 

Its like pictures. They don't seem important when you took them 2 months ago, but after 20 years it becomes one of your most valuable posessions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldaankiisa,

 

To join the wise, rational and bound to happen Somaliweyn encampment, in your own pen, is “dhareerâ€. What are a hyped and puffed up secessionist you are?

 

To argue with someone who lives in fantasy land of “nacnacâ€is self defeating. I will just post you reminders now and then so that may Allah direct you one day to a mirror to see yourself and what you are representing for!! icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waxa aad wadaa maha Somaliweyn or anything, waa xin iyo xaasidnimo. Admit it. icon_razz.gif

 

Qofka Somaliweyn iyo waxaas ka hadlaa waa qof ku hel, waan socon kari waayee aan ordo. Halkee ka dhacdaa?

 

Oodo dhacameed sida ay u kala sareeyan ayaa loo kala guraa. Or Canjeero sida u kala sareyso ayaa loo cunaa - waa halkii reer Mogadishu e.

 

Ha la gaadho goorteeda. Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa.

 

Therefore, my contention would be to say, given that we are a budding constitutional State with a democratic political thought, as it's guiding principle, then it stand to reason, to say from my point-of-view, that all of those Federalist who believe the idea of Somali-weyn's Institutional Statehood, should be allowed to talk openly in Somaliland's public space; provided they profess their fedility to the democratic verdict of the majority in Somaliland, that are in favour of Somaliland's right to her independence; if they were to do that, we might as well tolerate their inconsequential discredited appeal.

That is a good point.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^

waxaan soomaalida kale dhaannaan oo cuqdad iyo gaalo dabagel ahayn ma jirto, ee innnaka ayaa HINAASNAY oo madaxeedna ka bixi la dahay, dee haddii ay jabuuti dawlad noqotay, maan taariikheedna oo dhan baabino oo INGIRIIS xukunkiis dib ugu noqonno....markaas buu munaafiqnamadeenna xitaa innaga diiday in ay habarta boqorroddu hooyo inoo noqoto...WALAA XOWLA WALAA QOWATA ILAA BILAAH.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^

 

^^^^

maxaan haysanaa oo laynagu xaasidaa oo laynagu ximiyaa? waxaan soomaalida kale dhaannaan oo cuqdad iyo gaalo dabagel ahayn ma jirto, ee innnaka ayaa HINAASNAY oo madaxeedna ka bixi la dahay, dee haddii ay jabuuti dawlad noqotay, maan taariikheedna oo dhan baabi'inno oo INGIRIIS xukunkiis dib ugu noqonno....markaas buu munaafiqnamadeenna xitaa innaga diiday in ay habarta boqorroddu hooyo inoo noqoto...WALAA XOWLA WALAA QOWATA ILAA BILAAH.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

QAYBE OO DAFIRAY INUU AHAA MURASHAX U TARTAMAYAY DOORASHADA BAARLAMAANKA

Posted on Monday, October 10 @ 05:20:47 PDT by admin

 

 

Hargeysa(Jam)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee wakhtigoodu dhammaaday Md. Axmed Maxamed Aadan(Qaybe) ayaa dafiray inuu ka mid ahaa Murashaxixiinta xisbiga UDUB uga sharaxnaa gobolka Togdheer, gaar ahaan Degmada Buuhoodle.

 

Md. Qaybe, oo Jamhuuriya Telefoon kula xidhiidhay habeen hore, ka dib markii lagu dhawaaqay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashda gobolka Togdheer, waxa uu sheegay inaanu isagu ahayn Murashax u tartamayay doorashadii Golaha Wakiilada Somaliland "Adeer kursiga aad sheegaysaa waa Kee? Yaa kugu yidhi waan sharaxnaa.? Adeer anigu maan sharaxnayn kamanaan mid ahayn Murshixinta UDUB ee gobolka Togdheer, haddii aan sharaxnaa maan Kaambayn[Olole] gareeyo" ayuu yidhi Md.Qaybe oo Telefoonka ugu waramayay weriye Jamhuuriya ka tirsan. Md. Qaybe, waxa uu ku jiray liiska Murashixinta xisbiga UDUB uga sharaxnaa gobolka Togdheer, gaar ahaan Degmada Buuhoodle, oo ahaa kursi aan loo tartamayn balse balse uu ku helayay hal dheeri xisbiga ugu codadka bata gobolkaas, kursigaas oo uu qaatay xisbiga KULMIYE oo tirada codadka ugu badan ka helay gobolka Togdheer, taas oo meesha ka saartay rajadii Md. Qaybe iyo xisbiga UDUB ka qabeen inay helaan kursigaas. Md. Axmed Maxamed Aadan(Qaybe), oo ahaa Siyaasi iyo Diblomaasi ruug cadaa ah, waxa uu xilka guddoomiyaha Golaha Wakiilada hayay muddo Siddeed Sannadood ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Originally posted by Suldaaanka:

^^So you want to act like God by foretelling what is "Caalimul-Qayb"? cajiib

 

It is better to spare your "dhareer" for another day. Just an Advice.
;)

 

If you have anything to add to "his" memoir, assuming you have read it, share it with us.

Suldaan bal mar uun beenta nagadaa,

 

ilmaha yar baa yaqaan inuu mudane Qaybe aaminsanyahay midnimada iyo mabda'ah somaliweyn, waxaanu uga fadhinaa mudane qaybe dowrkiisii qaranka iyo taarikhiga ahaa, laguma khaasarin intii uu fadhiyey hargeysa waayo badan ayuuga waramayaa caalamka oo ah in somaliland ee tahay maamul qabiil.

_________ “Waan aaminsanahay midnimada Soomaaliya,â€

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Qaybe Oo Caddeeyay Inuu Aaminsanyahay Midnimada Somaliweyn

Hargeisa ,Somaliland

4 January, 2005

Somaliland.org

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Qaybe Oo Caddeeyey Inuu Aaminsan Yahay Midnimada Soomaaliya

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 3 January, 2005

 

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa markii u horreysey caddeeyey inuu aaminsan yahay in la soo celiyo midnimadii Soomaaliya.

 

“Waan aaminsanahay midnimada Soomaaliya,†ayuu yidhi Mudane Qaybe oo lagu waraystay barnaamujka HAL-ADAYG ee Telefishanka Madaxa banana ee Somaliland, isaga oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan ra’yiga ay dad badan oo reer Somaliland ahi ka qabaan mudane Qaybe oo ah inuu aaminsan yahay Soomaali weyn oo aanu daacad u ahayn Somaliland.

 

“Sideedaba midnimadu wax wanaagsan weeye, laakiin, waa inay caddaalad ku salaysan tahay,†ayuu raaciyey.

 

Waraysigaas oo ka baxay Telefishanka SLTV habeenkii Axaddu soo gelaysey, ayaa mudane Qaybe si saraaxi ah ugaga jawaabey su’aalo badan oo laga weydiiyey aragtidiisa siyaasadeed, xaaladda waqtigan Somaliland marayso iyo khilaafaadka ka taagan golihiisa ee ka dhashay xeerka loo diyaarinayo doorashada Golaha Wakiillada ee lagu wado inay qabsoonto dabayaaqada bisha March.

 

Isaga oo jawaabta su’aasha la xidhiidha mabda’iisa midnimada sii watana, waxa uu yidhi, “Mabda’iyan midnimadu waa wax wanaagsan, laakiin, “practical†ahaan waa inay caddaalad ku salaysnaataaâ€. “Waxaan raalli ka ahay inay si caddaalad ah u dhacdo [doorashadu]â€.

 

Mudane Qaybe oo la weydiiyey; Markaa guddoomiye, haddii dadku aqbalayaan in Soomaaliya lala midoobo mar kale, [adigu] waad ku talin lahayd?†Waxa uu yidhi,

 

“Anigu shakhsi baan ka ahay Somaliland, wixii ummadda Somaliland doorato ayaan ka mid ahay. Midnimo caddaalad ku dhisan oo shacbiga Somaliland qaato waxba kama qaboâ€.

 

Mudane Qaybe, waxa uu waraysigaa ku caddeeyey in haddii doorashada Golaha Wakiillada ee loo muddeeyey bisha 29 March ay qabsoomi kari weydo, isla markaana mudada loo kordhiyo golaha hadda fadhiya in aanu isagu kasii mid noqonayn golaha, marka mudada xilkiisu dhammaado bisha May.

 

Guddoomiyuhu waxa uu ka jawaabey su’aal la weydiiyey oo ahayd, “maadaama adiga oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, aad sidaa u hadlayso [arrinta midnimada] miyaan la odhan karin raalli kama tihid in doorashadu si cadli ah dalka uga dhacdo? Waxana uu yidhi,

 

 

“Midna waan kuu sheegayaa,†ayuu yidhi Qaybe, “Haddii doorashadu wakhtigeedii ku dhici weydo oo la yidhaahdo Golaha Wakiillada waa loo kordhinayaa, aniga bisha May ee 2005 ayay igaga egtahay, xataa haddii Wakiillada loo kordhiyoâ€. (qaybe is not interested in somaliland notion)

 

Guddoomiyaha Wakiillada, mudane Qaybe oo beryahanba la hadalhayey inuu socdaal ugu baxayo dibadda. Waxaana jira tuhun had iyo goor ka dhasha socdaaladiisa dibadda oo ay dadka qaar ku tilmaamaan inuu u baxo ama ka shaqeeyo hagardaamada Somaliland, isla markaana uu bixiyo xogo iyo tallooyin u adeegaya mabda’iisa midnimada Soomaaliya, kuna lid ah Somaliland.

Balse, Qaybe, wuxuu wararkaas u beeniyey si cadho leh.

 

 

“Waxa jirtey wakhti aanan Somaliland aaminsanayn oo aan albaabo badan ka soo xidhay,†ayuu yidhi.

 

“Taana waxa igu kellifey dad sidaa u hadlaya. Cid Somaliland igu khasbaysaa ma jirto. Haddii aan doonayo inaan Somaliland ka hor imaaddo waan ka horimanayaa,†ayuu raaciyey. Mudane Qaybe oo la weydiiyey inuu soo furfuray albaabadaa uu sheegay inuu ka soo xidhay Somaliland, waxa uu yidhi,

 

Waxa uu sheegay in Maraykan ay ugu dambeysey 1999kii mar uu Madaxweynihii hore, marxuum Cigaal safar u raacay, Ingiriiskana horraantii 2004 oo iyadana u raacay wefti Madaxweyne Riyaale hoggaaminayey.

Mudane Qaybe oo la weydiiyey inuu soo furfuray albaabadaa uu sheegay inuu ka soo xidhay Somaliland, waxa uu yidhi,

 

“Anigu waxaan tagaa Abu Dhabi, UAE oo hadba waan isa soo jeeg-gareeyaa [medical check up]†ayuu yidhi Qaybe.

 

 

“Markaad hawlahaas oo kale qabanayso waa inaad meel ka socotaa. Anigu ma ihi Wasiirka Arrimaha Dibadda, su’aashaasina ma taagna,†ayuu raaciyey.

 

Qaybe waxa kale oo uu markii u horreeyey qirtay xidhiidh muddo dheer la tuhunsanaa inuu la leeyahay Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Mar la weydiiyey wararka sheegaya inuu xidhiidh la leeyahay Cabdillaahi Yuusuf iyo maamulkiisii Puntland, isla markaana uu marar badan ka hordegey tallaabooyin ay Somaliland qaadi lahayd? Waxa uu yidhi mudane Qaybe,

 

“Cabdillaahi Yuusuf waa nin aanu weligayo is naqaaney.

Maalintii uu Sool soo galay ayaa iigu dambeysey xidhiidhkiisa,†ayuu yidhi.(waxuu isgaga jeedinayaa somalilandta)

 

Ma sheegin waqtiga ay ciidamada Cabdillaahi Yuusuf soo galeen Sool, balse, waxa la filayaa inuu u jeedo dabayaaqadii Dec, 2003 markii ciidamada Puntland sida buuxda ula wareegeen magaalada Laascaanood.

 

Waxana uu yidhi, isaga oo ka warramaya wixii ay ka wadahadleen xidhiidhkoodii ugu dambeeyey,

“Nayroobi baan kula hadlay oo aan idhi ciidanka naga saar, wuxuuna yidhi, aniga ma aha ee waa Ina Cabdi Xaashi. Waxaan ku idhi adigaa Madaxweyne u ah askarta Sool ku jirta iyo Ina Cabdi Xaashi ee amar sii. Maalintaas ayaa iigu dambeyseyâ€. (yuu la hadlayaa ma ciyaal ama waxaan caqli laheen probably, nin uu xariidh gaara laleeyahay buu leeyahay maalin baa iigu danbeesay)

 

“Haddii aan doonayo Cabdillaahi Yuusuf xidhiidh inaan xidhiidh la yeesho cid iga hortaagani ma jirto, cid Somaliland igu khasbaysaa ma jirto, Somaliland taladayda ayaan ku joogaa,â€

ayuu raaciyey, isaga oo wararka noocaas ah ku cambaareeyey kuwo uu ku tilmaamay “dad cayayaan ah†oo aan waxba ogeyn, kuwaas oo ay saxaafaddu waraysato. Waxaana dadkaa ka mid ah oo uu xusay Wasiirkuxigeenkii hore ee Xannaanada Xoolaha, Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ay isku deegaan ka yimaaddeen Qaybe, isla markaana, la ogyahay inuu aad u dhalliilo mudane Qaybe.

 

Waraysiga waxa uu bixiyey Qaybe, mar culays weyni kaga yimi shirguddoonka xeerka Doorashada iyo ansixinta miisaaniyadda 2005, taas oo sababtay inuu iscasilaad qoro Kuxigeenkiisa 1aad, mudane Cabdulqaaddir Jirde oo golaha sii wadi lahaa maadaama la sheegay in Qaybe u baxayo dibadda. Waxaana intii xiisadda xeerarkani kacsanayd la maqlay in Qaybe ugu hanjabey mudanayaasha golaha inuu iskaga tegayo Somaliland oo uu bilaabayo ololihiisa Soomaaliweyn oo lagu xamanayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^For some reason or another, you left to highlight this important quote

 

“Anigu
shakhsi baan ka ahay Somaliland
, wixii ummadda Somaliland doorato ayaan ka mid ahay. Midnimo caddaalad ku dhisan oo shacbiga Somaliland qaato waxba kama qaboâ€.

As for all his other retorts, lets just say he was being "odey waayeela" oo ka yara gubtay "Somaliweyn"ta lagu sheego. Ma waxa aanu bakoorad qaadanba? :D

 

Somehow you guys think if Qaybe takes an anti-Somaliland stance, it is bad for Somaliland. Truth is on the contrary to that.

 

No one forced Qaybe to come back to Somaliland, and no one will force him to stay in Somaliland - if he doesn't want it. I think he made that very clear in the interview.

 

With or without him, this caravan will move on. :D

 

That said, I am still on the side that Mr. Qaybe is a man of principles and not a "Dhuuni Raac" as you are asserting. We've seen countless of the "Dhuuni Raacs" with absolutely zero credibility that keep on crisscrossing the border between Somaliland and Puntland; I don't think Mr. Qaybe is among the ranks of those kind of people.

 

Rather I believe, like Saalax Nuur Fagadhe (former Somailland vice president and foreign minister) another heavyweight politician from Buuhoodleh, who currently is in Hargeisa and has kept his "sumcad" and "character" intact - he too will do the same. Mudane Salax is currently a highly regarded member in the Kulmiye party.

 

However it turns out, we will wait and see.

 

waxaan soomaalida kale dhaannaan oo cuqdad iyo gaalo dabagel ahayn ma jirto, ee innnaka ayaa HINAASNAY oo madaxeedna ka bixi la dahay, dee haddii ay jabuuti dawlad noqotay, maan taariikheedna oo dhan baabino oo INGIRIIS xukunkiis dib ugu noqonno....markaas buu munaafiqnamadeenna xitaa innaga diiday in ay habarta boqorroddu hooyo inoo noqoto...

nimey meeli u cadey meeli ka madaw

Sxb waxan aad ka hadlayso anigu garanwaayay, ee qof ku fahmaaya meel kale u doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

“Anigu shakhsi baan ka ahay Somaliland , wixii ummadda Somaliland doorato ayaan ka mid ahay. Midnimo caddaalad ku dhisan oo shacbiga Somaliland qaato waxba kama qaboâ€.

 

 

First he only intended to appeasing the clannish elements against him in Hergeysa (Safety first )

 

The point you highlighted is important because he made more pro united somalia, his vigorous efforts to defeat somaliland’s bid for recognition, cabdulaahi yusuf connection

 

By the way Qeybe meant somaliland =former british somaliland colony and NOT the current hergeysa clan faction that only represents one regoin/clan of former british somaliland

 

I totally confident and hope that Mudane Qeybe will continue his determined efforts to defeat somaliland’s tribal bid to get recognition for the clan-state based in Hergeysa, siina wado “albaabo badan ka soo xidhayâ€

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

"That said, I am still on the side that Mr. Qaybe is a man of principles and not a "Dhuuni Raac" as you are asserting. We've seen countless of the "Dhuuni Raacs" with absolutely zero credibility that keep on crisscrossing the border between Somaliland and Puntland; I don't think Mr. Qaybe is among the ranks of those kind of people."

 

Actually, his name is Mohamoud Salah Nuur and he has never been vice president of Somland but has been the longest serving foriegn secretary. Another correction; Fagadhe is from Ceerigaabo Sanaag not Buuhodle Ceyn.

 

-----

 

Waxaa ii muuqata Mudane Qeybe inuu isu taagey xil ka saarnaa umada Soomaaliyeed. Shaqsi ahaan; waa xidiga duplamaasiyiinta Soomaliyeed. Waxaan aad ugu farax sanahay in uu ku baraarugey taladii Ismail Ali Ismail Geeldoon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Suldaaanka:

Boqorku Wuxuu ka hadlay
Eritrea
oo ay Dawladda
Talyaanigu
isticmaarsan jirtay, balse Ethiopia
la midowday 1952-kii
. Wuxuu ku dheeraaday mashaariicdii uu ka fuliyey isagoo
farta ku fiiqaya khaaridad Eritrea oo gidaarka Xafiiskiisa sudhnayd
. Isagoo hadalkiisa sii wata, Boqorku wuxuu soo jeediyey in
marka hore Somaliland iyo Ethiopia ay midoobaan
, dabadeedna ay
Somalia wada raadiyaan
, (taasoo uu ku sheegay
‘Our Province of Banadir’
). Wasiiradii
Somaliland
hadalkoodii hore ayey ku celiyeen. Halkaas markii la marayey ayuu Boqorku
soo jeediyey in biririf la qaato
, la iskuna soo noqdo. Hase yeeshee biririftii ka dib,waxaa naloo sheegay in uu wada - hadalkii dhammaday oo hudheelkii aanu degganayn ayaa nalagu celiyey.

As absurd as Somaliweyn theory.

 

 

Originally posted by Suldaaanka:

It is better to spare your "dhareer" for another day. Just an Advice.
;)

 

If you have anything to add to "his" memoir, assuming you have read it, share it with us.

:D @ "dhareer"

Nayruus old chap, after the recent elections do you still believe your home town is being held hostage by President Riyaale. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this