Sign in to follow this  
General Duke

Somalia MPs accuse Sharif Xasan [Illetreate one] of corruption

Recommended Posts

Somalia MPs accuse Finance Minister of corruption

19 Sep 19, 2009 - 12:36:14 PM

 

MOGADISHU, Somalia Sep 19 (Garowe Online) - A group of lawmakers in Somalia have publicly criticized the Horn of Africa country's finance minister, accusing him of mismanaging public funds and taking steps to "destroy" the interim government, Radio Garowe reports.

 

The group of lawmakers included: MP Abdullahi Ahmed Afrah, MP Farah Ali Abdi, MP Mohamed Ali Omar, MP Ali Yusuf Osman, MP Dahir Abdulkadir Muse, and MP Shukri Haji Ahmed.

 

MP Afrah, who spoke at a Saturday press conference in Mogadishu on behalf of the lawmakers, said Finance Minister Sharif Hassan Sheikh Aden has taken steps to destroy the Transitional Federal Government (TFG) led by President Sheikh Sharif Ahmed.

 

 

MP Afrah

"The Finance Minister illegally misuses the small income collected at the port and airport in Mogadishu," said MP Afrah, who is a member of the TFG parliament's financial accountability subcommittee.

 

Further, the lawmakers accused the Finance Minister of "directly mismanaging donor funds," particularly financial donations from Arab countries that support the TFG in Mogadishu.

 

"Government funds are not deposited at the Central Bank and there is no paper trail for accountability purposes," MP Afrah added.

 

No 2009 budget

 

The group of lawmakers said Finance Minister Sharif Hassan has not presented the 2009 budget to the TFG parliament.

 

"Sharif Hassan is currently leading an illegal process to mint Somali Shillings without parliament approval, which will have a negative impact on our [somali] economy," MP Afrah said. READ: Somalia govt to mint new currency, parliament demands approval

 

Further, the Somali MPs accused the country's Finance Minister of entering into a controversial agreement with Kenya, whereby imported products from Kenya are taxed in Nairobi before arriving in parts of south-central Somalia.

 

According to the MPs, this scheme, which does not include imports to regional authorities in Somaliland and Puntland, is led by "relatives" of Finance Minister Sharif Hassan.

 

Controversy over Puntland

 

"[Finance Minister] Sharif Hassan Sheikh Aden is the most influential member of President Sheikh Sharif's government, and any Minister who disagrees with him gets fired," said MP Afrah, who spoke for the group of MPs in Mogadishu.

 

He specifically noted Prof. Mohamed Abdi Gandi and Mohamed Abdullahi Oomar, the former ministers of defense and foreign affairs for the TFG, respectively.

 

The group of MPs, who issued a strongly-worded statement referring to the Finance Minister as "Sharif Sakiin," or Sharif the Razor Blade, said he plans to derail last month's agreement between the TFG and the Puntland State government in northern Somalia.

 

"Sharif Hassan is directly involved in a scheme to create friction between the TFG and Puntland, which is rooted in the agreement Prime Minister Omar Abdirashid [Ali Sharmake] signed [with Puntland] which called for the establishment of a Somali naval base in Puntland to fight pirates," said MP Afrah, who was reading aloud the written statement.

 

The Finance Minister was accused of "using Fisheries Minister Abdirahman Ibbi" to ink an anti-piracy cooperation deal with neighboring Djibouti, a move that angered Puntland President Abdirahman Farole. READ: Puntland leader criticizes federal govt ministers

 

The written statement included a brief political history of Sharif Hassan since his rise in Somali national politics in 2004, when he was elected as the TFG parliament's first Speaker.

 

He later joined the Islamist opposition and rejoined the TFG again in 2008, when Sheikh Sharif's Islamist camp signed a peace deal with the TFG. He was appointed as Somalia's Minister of Finance when Sheikh Sharif became Somali President in January 2009 at the conclusion of UN-brokered talks in Djibouti.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warsaxaafadeedkaan oo aad u dheer ayaa waxa uu u qornaa sedan:

 

Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Sh. Axmed ma ka badbaadi doontaa dhaqanka wax dumineed ee Shariif Xasan Sh. Aadan oo ah Wasiirka Maaliyadda ee TFGda xilligan??

Shariif Xasan waxaa marki u horreysey lagu dhex arkey masraxa siyaasadda qasan ee Soomaaliya geba gebadi Shirkii dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtey dalka Kenya ka dib markuu xubin ka noqdey Baarlamaanki loo dhisey Soomaalida asagoo isla markiiba isu soo sharraxey afhayeenka Baarlamaanka.

 

Waxay xasuustaan intii joogtey madashii lagu dooranayey afhayeenka in ololihiisii doorashada afhayeennimo ay dhanka kharashka ka taageerayeen ganacsato ay dano gaar ahaaneed kala dhexeeyeen, kuwaasoo aan marna gacmaha kala bixin qalaamarogadka siyaasadeed ee Shariif Xasan. Dhanka ololihii baarlamaanka dhexdiisa ahaa waxaa si mintidnimo ahayd ugu ololeeyey aqlabiyaddii qab qablayaalki dagaallada Sokeeye ee doorka weyn ku lahaa xulki xubnaha Baarlamaanka, laf ahaantoodana xubno ka noqdey Baarlamaanka Soomaaliyeed. Si kasta ha ku yimaadee waxaa loo doortey Shariif Xasan afhayeenka Baarlamaanka bishii September 2004tii.

 

Waxaan hoos ku faah faahineynaa dhibaatooyinka, dibindaabyada iyo jallaafooyinka inta badan loo aaneeyo in uu si toosa ama dadban uga dambeeyey shariif Xasan, kuwaas oo sababey in shanti sano ee la soo dhaafey (August 2004- August 2009) ay TFG markey tallab horey u qaado ay laba tallaab dib u qaadeysey ilaa ay ku soo ururtey waqtigan la joogo waddada isku xirta Hotel Global iyo Gegida Caalamiga dayaaradaha Aaden Cadde:

1- Shariif Xasan Shiikh Aadan waa ninki bilaabay in si been abuur cad ah loogu dhawaaqo go'aan aan baarlamaanku u codeyn, taasna waxaa tusaale u ah in muddadi uu baarlamaanku joogay Kenya in iyadoo la is dilaayo uu ku dhawaaqay waa la codeeyay iyadoo weliba ay fadeexadaas goob joog ka ahayd warbaahinta caalamka.

2- Isla marki loo doortey afhayeenka wuxuu la xulafoobey qabqablayaalkii dagaalaadii sokeeye, waxayna isku bahaysteen kala jebinti baarlamaanka uu afyayeenka u ahaa, wuxuuna qayb ka mid ahayd xubnihi Baarlamaanka u soo kaxeystay Muqdisho aqlabiyddiina uga soo guurey Nairobi.

3- Wuxuu kala qayb galay qabqablayaalki uu Muqdisho u soo raacey asaaskii isbahaysigi argigixiso la dirirka la magac baxay; ka dib markii laga itaal roonaadey isbahaysigi, wuxuu si degdeg ahayd heshiis ula galey Cabdullaahi Yuusuf oggolaadeyna in TFG gebi ahaanba la geeyo magaalada Beydhabo ee gobolka Bay oo uu isagu ka biyo diiday markuu u soo baqoolayey Xamar.

4- Wuxuu shir guddoomiyey, isagoo ah guddoomiyaha baarlamaanka, shirkii uu Baarlamaanka TFG ku oggolaatey in ay Dalka soo galaan ciidamada Itoobiya si ay gacan u siiyaan TFG xilligeedi hore. Hase yeeshee muddo yar ka dib wuxuu bilaabey cambaareynta soo gelintaanki Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa.

5- Ka dib qaraxii magaalada Baydhabo lagula beegsadey madaxweynihi hore ee TFG Cabdullahi Yuusuf, wuxuu Shariif Xasan si deg deg ahayd is-afgarad hoose ula galey Midowgii Maxaakimta Islaamiga oo fadhigoodu ahaa Xamar, wuxuuna mar labaad soo dayacey xilkii uu u dhaartey ee ahaa afhayeennimada Baarlamaanka Soomaaliyeed.

6- Asagoo ay wehliyaan xildhibaano tiro yar oo ay isku aragti ahaayeen ayuu wax ka asaasey isbahaisigi la magac baxey ARS (Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya) oo saldhigga ka dhigtey dalka Eritrea caasimaddiisa Asmara, wuxuuna noqdey guddoomiyihi golaha dhexe ee ARS.

7- Asagoo huwan magaca ARS ayuu si hoose ula xulafoobey qaar ka mid ahaa Baarlamaanka iyo Xukuumaddi TFG, kuwaasoo ay isku afgarteen in ay u dhega nuglaadaan oggolaanshaha wadahadal la qorsheynaayay oo u dhexeeya TFG & ARS. Waxaa intaa u dheeraa in ay u suurta gashey in lacagihi deeqaha ahaa ee loogu talo galey in lagu dhiso hay’adihi dowladda intoodi badneyd loo weeciyo mucaaradki TFG ee isku urursadey Asmara, asagoo gacan ka helayey qaar ka mid ahaa kuwa isku sheega wakiillada Beesha Caalamka ee Nairobi fadhiya.

8-Wada hadallo iyo heshiisyo hoose oo uu Shariif Xasan hoosta kala wadey Xukuumaddii Nuur Cadde ee lagu soo geba gebeeyay Djibouti, ayaa ugu dambeyntii waxaa ka dhashey arrimaha soo socda:

Baarlamaan 550 xubnood ah,

Kala jab ku yimid Isbahaisigii ARS oo uu maleegay Shariif Xasan,

9- Heshiiski Jabuuti waxaa kaloo ka soo baxey, ka sokow baarlamaan la laba laabay (275X2=550), Dowlad saldhiggedu yahay Xukuumad ay si aad ah uga muuqato gacanta weyn ee uu Shariif Xasan ku lahaa dhismaheeda asagoo laf ahaantiisana ka xushey Wasaarada Maaliyadda iyo Raiisul wasaare ku xigeen.

10- Mrkii bishi Feb. 2009ki Xamar loo soo wada laabtey (Madaxweynaha, Xukuumada iyo Baarlamaankaba) waxaa soo if baxey awoodda aan caadiga ahayn ee uu Shariif Xasan ku leeyahay Dowladda, waxaana ka mid ah ficillada tooska ah iyo kuwa aan tooska ahayn ee la rumeysanyahay in uu mas’uul ka ka yahay ama ka dambeeyey fulintooda:

 

Maadaama uu yahay Wasiirka Maaliyadda wuxuu siduu doono u isticmaalaa dakhliga yar ee ka yimaada Dekadda Muqdisho iyo deeqaha yar yar oo ay caddaan ahaan (cash) u soo dhiibaan dalal carbeed, kuwa deriska ah iyo saaxiibbada Soomaaliya. Wuxuu Shariif Xasan ku war la’yahay ama iska indhatiraa in uu jiro sharci iyo nadaam lagu maamulo hantida Qaranka, wuxuuna lacagaha soo gala Dowladda ku shubtaa shirkadda gaar ahaaneed ee Xawaaladda Dahab Shiil, ayadoo uu haawanayo Bankiga Dhexe oo si aad ah loo diyaariyey. Ma jiraan wax raad ah oo laga reebo lacagaha uu Shariif Xasan ku takri falo.

 

Wuxuu ihaaneeyey Baalamaanka ka dib markuu iska indho tirey shruudihi lagu xirey bixinta qoondihi 3 bloodlaha ahaa (March, April iyo May 2009), shuruudahaas oo ahaa in aysan Wasaaradda Maaliyaddu fasixin lacag aan sababaha lagu bixinayo oo faah faahsan la soo hormarin oo aan baarlamaanka la hor keenin

 

Waxaa laga quustey in ay Wasaaradda Maaliyaddu sameyso oo baarlamaanka u soo gudbiso wax lagu tilmaami karo miisaaniyad si loo ogaado inta uu dakhliga yari ka ****oli karo baahida weyn ee Dalka ka jirta oo aan kala mudnaan yareyn, waxaana uu caadestey Shariif Xasan Sh. Aaden in uu mugdi dhexdiis dakhli iyo kharashba ku maamulo (non transparent finance management).

 

Wuxuu Dalka Suudaan ka wadaa qorshe lagu sameynayo lacag shilin soomaali ah oo aysan jirin meel lagu oggolaadey soo saaris lacageed, taas oo wiiqi doonta dhaqaalaha Dalka ee haatanba aad u liita, maciishadda danyarta soomaaliyeedna meel ba,an geyn doonta.

 

Waxaa jira heshiis lala galey Dalka Kenya oo ku saabsan in wixi Dalka Kenya looga soo dhoofinayo koonfurta Soomalia cashuurta looga qaado Dalka Kenya dhexdiisa, arrinkaas oo fulintiisa aan la marsiin nadaamka canshuur ururinta ee u degsan Soomaaliya. Wuxuu ku shaqaaleeyey Kenya dhexdeeda in ay lacagtaas u guraan dad uu ku xushey qaraabannimo iyo kuwa uu ku qabo kalsooni gaar ahaaneed.

 

Waxaa Jagadooda waaya wasiir iyo shaqsi kasta oo khilaaf dhex maro ama ku tallaabsada wax aan raalli gelineyn Shariif Xasan, waxaana la xusi karaa Maxamed Cabdullaahi Oomaar, wasiirki Arrimaha Dibadda iyo Prof. Gaandi, Wasiirki Gaashaandhigga oo labaduba waayey wasaaradahoodi ka dib markey ka horyimaadeen arrimo uu Shariif Xasan si gaar ahaaneed u daneynayey.

 

Wuxuu sabab u noqdey in bixinti baasaboorka cusub carqalad ka bixi weyso ka dib markuu Shariif Xasan si mugdi ku jiro uga bixiyey lacagti ku jirtey xisaab lagu shubi jirey dakhliga ka yimaada bixinta Baasaboorrada, sidaas darteedna istaagto bixinti baasaaboorka, Soomaali badanna u dhibaatooto baasaboor la,aan.

 

Wuxuu hadda maleegaayaa oo uu faraha kula jiraa barnaamij uu iskaga hor keenayo TFG iyo maamul goboleedka Puntland, sababtoo ah R/wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa heshiis ku saabsan halka saldhig looga dhigayo tababaridda ciidamada la dagaallanka Burcad badeedda la galey Dawlad Goboleedka Puntland, hase yeeshee, Shariif Xasan asagoo daba jooga dano gaar ahaaneed, wuxuu go’aansadey in mashruucaas loo wareejiyo Dalka Djibouti wuxuuna fulinta qorshahaas u adeegsaday Wasiirka Kaluumeysiga oon haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn arrimahaas.

 

Si aan looga carqaladeyn qorshayaashiisa wejiyada badan oo uu ugu horreyo kan Djibouti loogu rarayo barnaamijka la dagaallanka burcad badeedka, wuxuu Shariif Xasan ku howllanyahay in laga dhigo waxba kama jiraan heshiiski ay Xukuumaddu la gashey Puntland, taas oo horseedi karta bur bur ku yimaada midnimada TFGda xilligan iyo kala fogaansho dhex mara TFG iyo gobollo muhim u ah midniada Qaranka. Waxayse su’aasho tahay dan iyo heello ma ka leeyahay Shariif Xasan midnimo qaran iyo dano guud toona.

 

Arrimaha aan soo sheegney oo dhami waxay tusaale cad ka bixinayaan taariikhda wax dumineed iyo daneystennimo ee uu Shariif sakiin ku caan baxay iyo sida uu u duminaayey siyaasad kastoo uu ka dhex arki waayo danihiisa gaar ahaaneed iyo lacag urursigiisa aan xuduudka lahayn.

 

Waxaan, haddaba, uga digeynaa Madaxweyne Sheekh Shariif Shiikh Axmed in uu ka feejignaado hagardaamada uu wado Shariif Xasan Sh Aaden, oo haddii uusan Madaxweynuhu wax ka qaban u keeni doonta sharaf dhac shakhsiyaddisa ah iyo bur bur ku yimaada Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay oo ah tii ugu taageerada weyneyd dhanka Beesha Caalmka laga soo bilaabo 1991.

 

Waxaan ka codsaneynaa dalalka deeq bixiyeyaasha ah, Dalalka Carabta iyo guud ahaan adduunweynaha in aan wax deeq ah loogu dhiibin shacbiga Soomaaliyeed Xukuumad uu Wasiir Maaliyadeed u yahay shaqsiga leh sifooyinka kor ku xusan.

 

Xildhibaan Prof. C/Laahi Axmed Afrax oo ka mid ah Gudiga Maaliyadda iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Soomaaliyeed, Xildhibaan Faarax Cali Cabdi, Xildhibaan Maxamed Cali Cumar, Xildhiban Cali Yuusuf Cismaan, Xildhibaan Daahir C/Qaadir Muuse iyo Xildhibaan Shukri Xaaji Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this