Cowke Posted October 16, 2009 Nairobi:Cabdi Jiinow oo Nairobi ka iibsaday Guri qiimihiisu lagu sheegay Hal Milyan oo Dollar Xilli Canshuuraha Dekedda anay ku dhicin Qasnada Dowladda 16. oktober 2009 APLMaareeyaha Dekedda Muqdish Cabdi Jiinow Calisow ayaa ka iibsaday magaalada Nairobi dhismo guri oo aad u ballaaran kaas oo qiimo ahaan ku fadhiya lacag dhan hal milyaan Dollar sida ay sheegayaan dad goobjooyaal ah. Nairobi(Allpuntland)Maareeyaha Dekedda Muqdish Cabdi Jiinow Calisow ayaa ka iibsaday magaalada Nairobi dhismo guri oo aad u ballaaran kaas oo qiimo ahaan ku fadhiya lacag dhan hal milyaan Dollar sida ay sheegayaan dad goobjooyaal ah. Jiinow oo ku taqafalay dhaqaalaha ka soo xerooda Dekedda Muqdisho ayaa ka degan xaafadda Heligaham halkaas oo dhismo aad u qurux badan ka iibsaday Maareeyaha. Cabdi Jiinow waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaadka si cad u dhacay hantida qaranka Soomaaliyed, tan iyo markii loo dhiibay Dekedda Muqdisho bilawgii sanadkii 2007 dii ma jirto cid Jiinow la xisaabtimi karto. Jiinow ayaa waxaa uu ka qeyb qaatay dagaalkii lala galay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf isagoo si dadban lacag u siin jiray Nuur Cadde iyo Axmed C/salaan. Sidoo kale Jiinow ayaa waxaa uu adeegsadaa koox ka tirsan Xisbul Islaam kuwaas oo hoggaamiya Axmed Sheekh Muxyadiin (Axmed Laashan). Xildhibaannada ku sugan Nairobi iyo Ganacsatada Soomaaliyed ayaa is weydiinaya lacagta laga bixiyay Guriga uu Cabdi Jiinow ka degan yahay Magaalada Nairobi. Sidoo kale dhinaca muqdisho ayaa laga soo sheegaya in uu iibsaday Maareeyaha dhulka loo yaqaano (DHULKII GADUUDANAA) oo ku yaala dhinaca dambe ajabka Shidaalka ee ku yaala KM4 ee Degmada Hodan. Xafiiska Wararka Nairobiee Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted October 16, 2009 If it's true, ha la xiro tuuga Quote Share this post Link to post Share on other sites