Mahdi Posted September 17, 2005 ABAABUL JAB-HAD KA SOO HORJEEDA D/FEDERALKA SOMALIYA OO HUBEYSAN SHIRKADA SHIDAALKA IYO DIGAAGA P/LAND · PUNTLAND MA KU TUSAALE QAADANAYSAA KHIYAAMADII KU DHACDAY S/LAND IYO PROF. GEEDDI? · SAMAYN LACAG FAALSO AHI WAA BURBURIN DHAQAALAHA DALKA IYO DADKA TAHRIIBTU XUJO AYEY KU TAHAY MAAMULKA PUNTLAND IYO CANBAA-REYN CAALAMI AH HAY’ADDA GRT OO KA HAWL GELEYSA DEGMOOYINKA BARAN, HADAAFTIMO, ISKU SHUBAN, XAAFUUN, DHAHAR IYO B/BAYLA 16da- September 2005 Kaaha Bari Sanadka13aad Cadadka 708aad Boga 2aad ABAABUL JAB-HAD KA SOO HORJEEDA ... http://www.garoweonline.com/2004pro/index.php?id=1707 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jumatatu Posted September 17, 2005 Tifaftirihii W. Kaaha Bari Ayaa Xabsiga Loo Taxaabay • Waxaa maanta xabsiga loo taxaabay Prof. Khaliif Maxamed Barre oo ah Tifaftiraha Wargesyka Kaaha Bari, waxaana lagu xiray xarunta la dagaalanka Argagixisada ee magaalada Boosaaso,... Sidaasna waxaa Idaacada Midnimo u sheegay Cumar Maxamed Barre oo ay walaalo yihiin. Sababta loo xiray Khaliif Maxamed Barre ayaan ilaa iminka la sheegin, haseyeeshee qoraal xarigiisa amraya ayaa la sheegay in ay gudbiyeen Taliyaha Booliska iyo Xeer Ilaaliyaha Gobolka Bari. Toddobaadkii la soo dhaafay dabayaaqadiisii ayaa Wargeyska Toddobaadlaha ah ee Kaaha Bari wuxuu wax ka qoray shirkad Ajnebi ah oo dhowaan Maamulka Puntland uu heshiis kula soo galay wadanka Imaaraadka Carabta, shirkadaasoo la sheegay in ay wadanka ka baari doonto macdan iyo shidaal, waxaana loo aaneyn karaa xariga Tifaftiraha in uu ku lug leeyahay Maqaal si kulul uga hadlay shirkadda Concort oo Wargeyska lagu qoray. Prof. Khaliif Maxamed Barre ayaa ah Suxufiga ugu da’da weyn gobolada Puntland, wuxuuna dhashay sanadkii 1942dii, wuxuuna Tifaftire ka yahay Wargeyska Kaaha Bari oo ah Wargeyska ugu da’da weyn saxaafada Puntland. Xariga Profosoorka ma aha kii ugu horeeyey ee loo geysto Suxufiyiinta Puntland mudadii uu Maamulka hayey Madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse, waxaana ka horeeyey Suxufiyiin ka tirsan Idaacada STN Bosaso oo iyagana xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso lagu xiray, hasyeeshee markii danbe la sii daayey. Dastuurka Puntland ayaa qoraya in Saxaafadu ay madax banaan tahay, sidoo kale qofka muwaadinka ahi uu ra’yigiisa cabiri karo, haseyeeshee, waxaad moodaa in Suxufiyiinta Puntland uu Maamulka xiligan jiraa ku dhiiran yahay in uu si sahlan xabsiyada ugu xiro, iyagoo aan maxkamadi soo amrin. Quote Share this post Link to post Share on other sites