Sign in to follow this  
General Duke

Galinsoor: Clan courts fight each other, killing two

Recommended Posts

Iska horimaad dhexmaray Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ee ku sugan Gelinsoor

Last Updated::2006-11-06 15:30:02

 

Gaalkacyo:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gelinsoor ayaa sheegaya in

iska horimaadkii halkaasi ka dhacay uu dhaxeeyey laba kooxood oo kamid ah maleeshiyooyinka Maxaakiimta.

 

Sida uu noo xaqiijiyey Cabdullahi Asad oo ku sugan degmada Gelinsoor oo aanu la xariirnay iska horimaadka ka dhacay magaalada Gelinsoor ayaa ka dhashay muran la xariira hub lagu wareejiyey Maleeshiyooyinka Maxaakiimta.

 

Sida uu goobjoogahaasi u xaqiijiyey wariyaheen magaalada Gaalkacyo, dagaalkan ayaa salka ku haya xiisada ka taagan gobalada dhexe iyo dagaaladii dhexmaray beelaha Sacad iyo Saleebaan ee ku wada dhaqan deegaankaasi.

 

Dagaalkan maanta ka dhacay Gelinsoor ayay warar qaar sheegayaan in ay ku dhinteen 2 kamid ah maleeshiyooyinka deegaankaasi kuwada sugan.

 

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii mid kamid ah beelaha oo horey hubkeeda ugu wareejisay maleeshiyooyinka Maxaakiimta ay dib ugu soo ceshaan hubkooda si ay isaga difaacaan dagaalada beeled ee deegaankaasi ka socda.

 

Murran ka dhashay dib u celinta hubkaasi ayaa la sheegay in ay tacshiirad is weydaarsadeen labo kooxood oo kamid ah Maleeshiyooyinka Maxaakiimta.

 

Balse mid kamid ah mas'uuliyiinta Maxaakiimta oo asagu ku sugan magaalada Muqdisho ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters, in dagaalkaasi uu ahaa mid u dhaxeeya ciidamada Puntland oo Duulaan kusoo qaaday iyo maleeshiyooyinka Maxaakiimta.

 

Warkaasi ayay si adag u beeniyeen dhinaca Dowlada Puntland oo sheegtay in aysan ciidamadeed wax weerar ah qaadin, isla markaana ku sugan yihiin degmada Gaalkacyo.

 

Waa markii ugu horeysay oo dagaal noocaan ah dhexmaro maleeshiyooyinka kuwada jira Maxaakiimta ee ku sugan gobalada dhexe.

 

Maxaakiimta Islaamiga ee Xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho ayaa horey u sheegay in ay ciidamo dhex dhigi doonaan beelaha ku dagaalamay gobalada dhexe, inkastoo isku daygaasi aan illaa iyo hada lagu guuleysan.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com - Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this