Jacaylbaro Posted July 13, 2010 Madaxweyne Rayaale oo kala Ambabixiyey Golihiisii Wasiirada, Guddina u Magacaabay Xil Wareejinta Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada ugu qabtay Golihiisa Wasiiradda kulankoodii ugu danbeeyay ee ay yeeshaan, isagoo Macasalaameeyay dhamaan xubnihii Xukuumaddiisa. Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay kulankaasi shalay ay yeesheen isaga iyo Wasiiradiisu inuu ugu soo jeediyay Mahad-naq balaadhan isagoo dib u milicsaday waxyaabihii ay soo wada mutaysteen mudadii ay wada shaqaynayeen, waxaanu ku booriyay inaanay ku niyad jabin Guul daradii ka soo gaadhay Doorashadii Dalka ka dhacday bishii ina dhaaftay ee uu kaga adkaaday xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye taasoo go’aankii ugu danbeeyay Natiijadii Doorashadaas uu shalay ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Rayaale waxa uu xubnaha Golihiisa Wasiiradda ka dhex Magacaabay Guddi ka kooban afar Wasiir oo Masuul ka noqon doona Hantida Dawladda isla markaana diyaarin doona xafladda Xil wareejinta, guddidaas oo kala ah Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale “Cawil”, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali “Cirro”, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Siciid Sulub iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada Cali Maxamed Warancade kuwaasoo isku soo duba-ridi doona hawlaha looga baahan yahay dhinaca Xukuumadda maalinta u danbaysa ee ay dhacayso xafladda Xil wareejinta oo lagu wado labada xukuumadood inay xilka kulak ala wareegaan Qasriga Madaxtooyada taasoo sida lagu wado ku beegan 27 ka bishan July Kulankaasi shalay ayaa la sheegay inay Madaxweyne Rayaale oo uu wehelinayo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Xubnaha Golahooda Wasiiraddu ku dhamaaday fantasiye iyo dardaaran adaga oo ay ugu qoryo qaateen sidii ay u waajihi lahaayeen Halganka qadhaadh ee Mucaaradnimada ah ee sugaya marka ay xilka ka dagaan kaasoo ay ku waajihi doonaan Xukuumadda Xilka kala wareegaysa oo in badan dibed joog ahayd isla markaana si caadifadaysan uu dhaliili jiray wax-qabadkooda taasoo ay balan qaadeen inay u gali doonaan si cilmiyaysan Xukuumada Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay kulankoodaasi ugu danbeeyay inay wacad ku mareen sidii iyo jidkii mar kale uu xisbigoodu talada u soo ceshan lahaa, waxaanay Qasriga Madxtooyada ka soo qaateen nabaadiino-xidhkii ugu danbeeyay iyagoo iskaga qaaday Sawiro xusuus qor u noqda taariikhdooda danbe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chief_Aaqil Posted July 13, 2010 Good men Riyaale. He will become back after 5 years. He will just take a nice long holiday around the world, giving speeches everywhere. And in 2015 he will be back. Silaanyo is by then 82 years old and must be tired. So UDUB will take over with landslide victory. 2015!!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 13, 2010 Indeed by bye udub, see you next time probably parliamentary elections Quote Share this post Link to post Share on other sites