Sign in to follow this  
SOO MAAL

Kulmiye oo Xukuumadda ku Eedeeyay in ay Abaabulayso Dagaal Sokeeye

Recommended Posts

SOO MAAL   

Kulmiye oo Xukuumadda ku Eedeeyay in ay Abaabulayso Dagaal Sokeeye

Tuesday, 24 May 2005

 

Hargeysa (Jam) Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale si weyn ugu eedeeyey in ay Somaliland gudaheeda ka abaabulayso xaalad abuurqas iyo kicin ah oo ujeeddada ka dambaysaa tahay in mar labaad dagaal sokeeyo ka dhaco Somaliland.

 

Shir-jaraa'id oo ay shalay si wadajir ah xarunta Kulmiye ugu qabteen Afhayeenka Xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed, Cabdiraxmaan Cabdulqaadir iyo Maxamed Cabdi Iskeers, oo ka tirsan Guddida fulinta xisbiga Kulmiye, waxa ay kaga hadleen arrimo dhawr oo ay eedeedda dushka ka saareen xukuumadda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin falal gacan ka hadal iyo kicin abaabulid mudaharaad.

 

Ugu horreyn, Maxamed Kaahin, oo ka hadlay shirka jaraa'id waxa uu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale in ay xubno ka mid ah Golaha Wasiiradu tageen Golaha Wakiilada, isla markaana ay hanjabaad iyo cago juglayn ugu geysteen xubno ka mid ah Xildhibaannnada Wakiilada.

 

"Golaha Wakiillada waxa aanu ka war haynaa in xubno Golaha Wasiirada ah ay yimaaddeen oo ay dad soo abaabuleen, oo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada lagu yidhi haddii aad golaha furto, baastoolado ayaanu haysanaa, dabaabado ayaanu haysaanaa, lacag baanu haysanaa, dagaal baana ka dhacaya, oo ninka ugu horreeya ee dhimanyaa adiga ayuu noqonayaa, oo Gobolada Barina dagaal ayaanu ka ridaynaa," ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

 

Isaga oo tafaasiil ka bixinayey cidda waddanka sharciga u yaal burburinaysa waa uu intaa raciyey "Waxa xaaladdan abuuraya oo sharciga waddanka duminaya ragga xukuumadda ku jira ee abaabulay xubnaha ay qabiilka iyo isku isirka yihiin ee xildhibaan Cali Barre kula dagaalamay meesha (Golaha Wakiilada). Wasiirkii maalintii hore Cali barre la dagaalamay ee yidhi halkan (Hargeysa) shandad yar oo xun inta aad la timi ayaad doonaysaa in aad waxayaga carqaladayso, waanu ku garaaci, oo waanu ku dili.

 

Ummadda Somaliland waxa aanu u caddaynaynaa in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumaddiisu ay maanta qaranka gudihiisa ka abaabulayaan xaalad abuur dagaal oo ujeeddadoodu tahay in Somaliland uu mar labaad dagaal sokeeye ka dhaco. Waxa markhaati ka ah baarlamaanka hortiisa waxa shalay ka dhacay, waxa ka markhaati ah Sool, markii arrinteedii dhowaan la soo gebagebeeyey in ay go'aankii la gaadhay ka been sheegeen isaga (Rayaale) iyo xukuumaddiisu, oo ay go'aan foojari ah Radio Hargeysa ka sii daayeen, waxana markhaati ah ka maanta la leeyahay Mudane Qaybe nin Golaha Wasiirrada ah ayaa ku yidhi Tuke oo qoladiina ah markii uu ku gubayey dadka reer Gabiley dawlad Daarodo ah oo dalka ka jirtay ayaa caynkaa samaynaysay, annaguna maanta ayaanu ***** nahay oo dawladda haysanaa oo haddii aad faro farayso Qayboow waanu kugu gubaynaa, kugu dilaynaa, oo kaasi waa kuma? Tukaha uu sheegayo ayaa maalintaana ka xigay oo Isaaqna muu ahayn cid kalena muu ahayne midiidinka u xun ee dadka lagu laayo ayuu ahaa, markeeda iyo waqtigeedana magacyadooda waanu sheegi doonaa," ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

 

Waxaana uu xukuumadda ku eedeeyey in Ciidanka Booliska ee ay hore ugu adeegsadeen xisbiga Kulmiye ay maantana u adeegsatay Golaha Wakiilada, taas oo uu sheegay in ay sharci darro tahay oo Boolisku sida uu Distoorku dhigayo tahay in ciidanka bilayska aanay Wasiirka Daakhiliga, Taliyahooda, Madaxweynaha iyo Wasiir kale toona si gaar ah u isticmaali karin.

 

Maxamed Kaahin, waxa kale oo uu ka hadlay in xisbiga Kulmiye diyaar u yahay in uu qaybgalo tartanka doorshada Golaha Wakiilada oo aanu diidanayn, balse uu Madaxeyne Rayaale mar kasta oo doorashadu soo dhowaato bilaabo cay iyo carqalad uu ku horjoogsanayo qabsomidda doorashada Wakiilada.

 

Sida oo kale, waxa iyaguna Maxamed Kaahin ka dib, shirkaa jaraa'id ka hadlay Cabdiraxmaan Cabdulqadir iyo Maxamed Cabdi Iskeerse oo labaduab ka tirsan Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo tafasiil ka bixiyey in aanu jirin sharci u diidaya Mudaneyasha Golaha Wakiilada in ay Madaxweynaha u soo jeediyaan mooshin maamus ka xayuubin ah, iyada oo ay xuseen in Distoorka Somaliland iyo hanaanka dimoqraadiga ah ee dalku ku socdo ay labaduba oggolaanayaan in Madaxweynaha mooshin maamus ka xayuubin ah ku soo oogi karaan Mudaneyasha Wakiiladu, waqti kasta oo la soo jeediyo.

 

"Mudaneyasha Golaha Wakiiladu xaq bay u leeyihin in ay Madaxweynaha ku soo oogaan maamus ka xayuubin, markaa haddii xukuumaddu diido oo is hortaag ku samayso soo jeedinta waxa ay noqonaysaa inqilaab ay xukuumaddu ku samaysay Golaha Wakiilada," Sidaa wax yidhi Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, oo ka hadlayey xaqa golaha Wakiiladu u leeyihiin soo jeedinta maamus ka xayuubinta Madaxweynaha.

 

Mr. Cabdiraxmaan, waxa uu ka hadlay mudaneyaasha golaha Wakiiladu in 80% ay ka tirsan yihiin xisbiga UDUB ee xukuumadda, soo jeedinta mooshinna ay xaq u leeyihin, iyada oo sida uu sheegay Cabdiraxmaan ay aqlabiyadda xildhibaanaddu ka tirsan yihiin UDUB, haddana xukuumaddu xisbiga KULMIYE ku eedayso in uu ka dambeeyo mudaneyasha soo jeediyey maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha. Waxa kale oo uu sheegay in xildhibaannada wakiiladu haddii ay go'ansadeen in ay maamuus ka xayuubin u qaadaan Madaxweyne Rayaale ay xaq u leeyihiin, balse ay khalad tahay in mudaneyaasha loogu hanjabo Hargeysa.

 

"Madaxweynuhu khudbaddiisii 18 May, waxa uu yidhi $1500 doollar ayuu Kulmiye ku baayacay mudaneyasha Golaha Wakiilada, si ay u oggolaadaan maamuus ka xayuubin in la igu qaado, si la ii rido, markaa horta haddii $1500 doollar la igu ridayo maba aan moodayn in lagu rido e waa hore ayaan anigu soo ururin lahaa," ayuu hadalkiisa ku soo koobay Cabdiraxmaan Cabdulqaadir.

 

Maxamed Cabdi Iskeerse , ayaa isaguna sheegay in Madaxweynuhu sidii shacbigu u doortay aanu ugu hambayn, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale dadkii doortay abaal gud uga dhigay in uu xumaan iyo wax aanay geyn gadhka u geliyo. Mr. iskeerse, waxa uu kale oo uu sharraxaad ka bixiyey dhacadii shalay Muneyaasha Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda Gobollada Bariga in ay ahayd mid foolxumo ah oo abuuri karta qas iyo fawdo ku timadda degenaanshaah iyo nabadda ay Somaliland ku naaloonayso.

 

"Xukuumaddu yaanay diidin soo jeedinta maamus ka xayuubinta ee mudaneyasha wakiiladu u soo jeediyeen Madaxweynaha xaq bay u leeyihiin. Waxa la sheegaya shalay in rag mudaneyaal ah oo ka soo jeeda Gobollada Bariga lagu dhirbaxo magaalada dhexdeeda. Markaa haddii taasi dhacday dhirbaxooyin kale ayaa dhici doona'e ee xukuumaddu ha ogaato. Horseed niman la yidhaahdo oo dhallinyaro ah ayaanu leenahay oo aan cidina ka badin ciyaala suuqnimo iyo handadaad la sameeyo ee xukuumaddu ha oggaato in waxa aanu dhawraynaa uu yahay qaynuunka," ayuu yidhi Maxamed Cabdi Iskeerse.

 

Isaga oo ka hadlaya falalka qalafsan ee ay xukuumadduu ku kacayso, waxa uu intaa ku daray, "Annagu aqbali mayno in mudaharaad iyo dad la soo abaabulay ay xukuumaddu nagu soo kiciso, waayo, waxa la sheegayaa in Gabiley ay xukuumaddu dad mudaharaad ka abaabulayso. Haddii taasi dhacdo kuwo kale oo diidan ayaa ka horiman doona ee miyaan isku dhac imanayn. Waxa aan leeyahay xukuumaddu abaabulka ha joojiso oo yaanay qas iyo xumaan horseedin" ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Iskeerse.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this