Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

SOMALIA : Ahlu Sunna wal jamaca we will no longer be part of The TFG

Recommended Posts

Ahlu-Sunna Waljameeca oo Sheegtay in aysan Kamid Noqon Doonin Xukuumada Cusub

September 25, 20101 comment| leave your own!

Share Culima’udinka Ehlu-Sunnah Waljameeca oo ka taliya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aysan kamid noqon doonin Xukuumada cusub ee Dawladda Federaalka.

 

Masuuliyinta Ahlu-Sunnah ayaa maanta kulan ku yeeshay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud,waxaana ay ka hadleen arrimo ay kamid tahay kamid ahaanshaha Xukuumada Cusub kadib markii uu iscasilay Raysalwasaarihi hore ee Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

 

Afhayeenka Ahlu-Sunnah Sheikh Abuu Yuusuf Al-Qaadi oo la hadlaayay kulankaas kadib Wariyaasha ayaa sheegay in Dawladda Federaalka ay hore u burburisay heshiiskii ay ku gaareen labada dhinac magaaladda Addis Ababa.

 

Wuxuu intaas ku daray in ay go’ansadeen in aysan kamid noqon Xukuumada Cusub ee u hogaamin doono Raysalwasaaraha cusub ee usoo magacaabi doono Madaxweyne Sheikh Shariif.

 

Dhanka kale wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay qabato shir weyne oo dib u heshisiin ah iyadoo u xusey in Ahlu-Sunnah Waljameeca ay diyaar u tahay in ay qabato.wuxuuna tilmaamay in lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahlusunna Waljamaaca oo sheegtay inay ka baxeen dowladda KMG ah, kuna baaqay shirweyne dib u heshiisiineed

 

Sabti, September 25, 2010 (HOL) − Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta shaaciyay inay ka baxeen ka mid ahaansha dowladda Soomaaliya, kaddib shir saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay uga socday golayaashooda degmada Caabduwaaq ee Gobolka Galguduud.

 

"Markii ay Ahlusunna u caddaatay in dowladda Soomaaliya aysan daacad ka ahayn difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ee duulka lagu soo qaaday, goonina looga noqday Ahlusunna, waxaan go'aansannay inaan isaga baxno ka mid ahaanshaha dowladda," ayuu saxaafadda u sheegay Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf oo ah afhayeenka Ahlusunna iyo xoghayaha wafaafinta.

 

Sheekh C/llaahi Abuu-Yuusuf, wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inaysan ka ahayn daacad, dagaalka lagula jiro Xarrakatul Shabaab iyo kooxaha kale, sidoo kalena aysan doonayn inay iskaashi la sameysato Ahlusunna.

 

"Culummaa'uddiinka Ahlusunna kama mid noqonayaan dowladda lasoo dhisayo, mana jirto cid ku matalaysa," ayuu yiri afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca oo ah koox ka talisa qaybo ka tirsan gobolka Galguduud.

 

 

Afhyeenka Ahlusunna, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan doonayn inay midnimo iyo wax-wadaqabsi la wadaagto Ahlsunna, maadama ay dhowr shir oo ay u gaareen uga baxeen, isagoo sheegay in taasi ay qayb ka tahay go'aankoodan.

 

Dhanka kale, Ahlusunna waxay ku baaqeen in la qabto shirweyne lagu dhisayo dowlad ay Soomaaliyeed, iyagoo ka dalbaday beesha caalamka in shirkaas lagu qabto gudaha dalka, si uusan u noqon shirarkii hore ee fashilmay.

 

Hadalkan, kasoo baxay Ahlusunna ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah, iyagoo dhowr jeer oo hore sheegay in dowladda KMG ah ay uga baxday heshiisyo ay la gasha, kuwaasoo uu ka mid ahaa heshiisii Addis Ababa ee awoodda lagu qaybsanayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this