Sign in to follow this  
MoonLight1

Breaking news: Suicide bombing targets Omar Hashi.

Recommended Posts

War deg deg ah: Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacday Hotel uu Magaalada Beled weyn ka degan yahay Cumar Xaashi

 

Qarax ismiidaamin ah ayaa daqiiqado ka hor ka dhacday Magaalada Beled weyn ee gobolka Hiiraan, iyadoo gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu gudaha u galay Hotelka Madiina ee bartamaha Magaalada Beled weyn.

 

Qaraxa oo u muuqday mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyay ruux naftii hure ah, kaasoo gudaha u galay Hotelka, waxaana nuuca gaariga wax qarxiyay lagu sheegay inuu ahaa Market.

 

Ma cada ilaa iyo hada qasaaraha uu geystay qaraxaas, hase yeeshe waxaa jira qasaaro lixaad leh oo ka dhashay qaraxaas ismiidaaminta oo noociisa ahaa kii u horeeyay oo ka dhacay magaalada Beled weyn.

 

Wasiirka Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan oo dhowaan gaaray magaalada Beled weyn ayaa halkaas ka waday dhaq dhaqaaqyo iyo guluf dagaal oo ka dhan ah xoogaga mucaaradka.

 

Lama oga hadii wax gaareen mas'uuliyiinta uu horkacayay Cumar Xaashi oo ay ku jiraan Maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan,kuwaasoo degenaa hotelka la qarxiyay

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay hoteel ku yaaa gudaha Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Daqiiqado ka hor ayaa qarax xoogan oo ismiidaamin ah waxaa uu ka dhacay Hoteelka Madiina ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

Qaraxa oo si weyn looga maqlay guud ahaa magaalada Baladweyne ayaa waxaa geystay qof naftii hore ahaa,waxaana Hoteelka qaraxa lala eegtay horay ugu soo degay masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya oo uu horkacayay Wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Hoteelka la qarxiyay ayaa waxaa deganaa Xubno uu ka mid ahaa duqqii Magaalada Baladweyne Yuusuf Daba Geed iyo safiirka Ethiopia u fadhiyay Soomaaliya C/kiriin Faarax Laqanyo iyo Sidoo kale wasiirka Amniga Qaranka,wallow aan la ogeyn in xiliga la qarxinayay halkaasi ku sugnaayeen iyo in kale.

 

 

Qaxara ayaa waxaa la sheegay in uu geystay dhimasho iyo dhaawac dad ku sugnaa Agagaarka Hoteelka iyo gudihiisa inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn tiro ahaan inta ay la egyihiin.

 

 

Waa ismiidaamintii koowad ee sanadkaani ka dhacda gudaha magaalada Baladweyne iyado aysan jirin cid ilaa iyo iminka sheegatay in at ka dambaysay qaraxaasi.

 

 

shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH: Qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday Hotel uu Magaalada Beledweyne ka degan yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya

 

Khamiis, June 18, 2009(HOL):

 

Waxaa daqiiqado ka hor qarax is-miidaamin ah lala beegsaday Hotel uu Magaalada Beledweyne ka deganaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan.

 

Hotelka Madiina oo ay deganaayeen Wasiirka iyo xubno ka tirsanaa maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa isku qarxiyay qof naftiisa huray oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana haatan gubanaya qeybo ka mid ah Hotelka.

 

Lama oga ilaa iyo haatan inta uu la egyahay khasaaraha nafeed ee qaraxan ka dhashay iyo weliba in waxyeello soo gaartay Wasiirka iyo xubnaha kale ee ka tirsan maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan. Ciidamo ka tirsan maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray, waxayna haatan kala eryayaan dad isugu soo xoomay nawaaxiga Hotelka.

 

Wixii khasaare ah ee uu geystay qaraxaas waxaan idiin soo gudbin doonnaa saacadaha soo socda haddii Alle idmo.

 

 

hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this