Jacaylbaro Posted November 30, 2007 By: Ibrahim Hawd Geeska Bari ma lays galay Colku Xamar ma gayllamay Toban gaas ma lagu furay Markay guuto dhimataba Gurmad kale ma soo dhacay Gantaaluhu ma xiimeen Gaban iyo duq guxusha ah Gabadh iyo gayaankeed Ummul jiifta gurigii Gawraca ma laga simay Ma gumaaday nacabkii Birtu dhiig ma gobo tidhi Reer galbeed ma dirireen Guluf adag ma keeneen Kiristaanku garabiyo Gacan ma isa siiyeen Nacayb gaaxsanaan jiray Gaaladu ma daaceen Utun hore ma goosteen Ma godleen mishiinnada Cirka gedef ma saareen Badda gaadh ma ka hayaan Waa ged lagu yaqaannaye Galabtana ma hiisheen Tigree ma u gargaareen Hubka nooca gaarka ah Ma u gacala miiseen Dulmi garab og weeyee Gabre ma iga loogsaday Haddii aanan guul helin Gibirkiina may hadhay! Gabagabaha hoogga leh Waxa goofka mayd yaal Gorgorradu ha haageen Waxa maato goob wadhan Gaajiyo harraad qaba Ma la qariyey godabaha Ma go’doomay wariyuhu Dadka ruuxa garasho leh Car gilgilo ma lagu yidhi Garbaduub ma loo xidhay Damiirkuna galiilyada Ma qaniinay gawsaha Xaqdarrada geyiga taal Ma gariirtay samadii Duniduna ma gudhan tahay! Markuu geesi haajiray Guufannays ma loo tegay Dhuqurjaa ma loo galay Gocor caadaqaate ah Xaqa laga gabbaanaday Gadhwadeen ma laga dhigay Sharaftii markuu gaday Ciiddii markuu gubay Markuu dhiigga gororsaday Gunnimada abaalkeed Gob baad tahay ma lagu yidhi! Xaqudirir ma gaardiyey Xeryihii gadaannaa Gucle-orod ma lagu galay Kurka cadawga laga guray Gidaarrada ma quban yahay Bakhtigii ma gegan yahay Xabashiga guntiga xumi Durba go’ay ma lee yahay! Halgan yahow ha gaaggixin Gelin qudha ha gaasirin Gama iyo hurdaba daa Weerarrada galaabixi Ku galgalo wayaanaha Axmed-Guray geddiisii Cad gumeed gayeysii Naftu goor ma dhaaftee Geerida xalaalee Geelba waad u dhimataye Geyigaaga soo dhici Gobannimo ku geeraar Markaad guusha hanatana Goonyaha u sii faaf Gudub oo dhul kale gaadh Gaaddada arlada mari Goday iyo galbeed qabo Barta goodku yuururo Godka halaqu jiifsado Hootada ku giringiri Ku garaac garnayllada Addis gelelef oo jiidh Gudaheeda baadhbaadh Gabaarrayda dilatiyo Gafanaha ka googgoo Melesoow garaad xume Gardarrooyinkaagii Gobolkeennu degi waa Godobtaada ciirciir Gashigaaga buuxdhaaf Gacanyare inaad tahay Shisheeyuhu ku guuraan Ku gabraarto naasigu (nazi) Lagu gubo sokeeyaha Xaajadaada loo garay Lagu gaabi sheekada Weligaaba gurigiyo Deriskaaga guulguul Tunka giir ka kaakici Geesi daran ismoodmood Gumaysiga la duubnaw Hadba geed ku loohnaw Sidii garacyadii hore Mar baan gooni kaa heli God abeeso noqotoo Garan wayday samehee Shicibkaagi soo guray Isu gee xaqiisii Gujadii ka waynaa Golqaniinki kaa diid Godli waa maqaarkii Gadmi wayday beentii Ka gadood xumaantii Dabarkiina soo goo La fur gunudyadaadii Burjigiina kaa guur Cimrigaagi gaabnaa Gabbalkaagu sii ciir Arrin gelindambeedaw Mid kaloo gunaanada Aan ku gooyo hadalkee Isagoo gubtahanyada Garan waayey eedaha Dadku ula gudboon yahay Waxaa gooni uga dhigay Wuxuu yidhi nin gedo hore Gardarrada ka dhiidhiyey: Gole lagu cargeegtamay Gabay loogu baratamay Anigiyo rag ila guya Ninba geystay tamartii Gudboon baannu noqonnee Maxaa aniga gaar iyo Gorgor baal cad iga dhigay?* Anna galabta waxaan idhi: Gocashada la wada qabo Nabarrada gunaadka ah Taariikhda guunka ah Sida buurihii golis Weligeed geyiga tiil Guuldarrooyinkoo dhami Geedka ay ka beermaan Dhala midhaha geerida Aynu wada gorfaynnee Gar allee caddaanoow Haddii beri gumaysiga In la gooyo xididdada Dhaar lagu guddoonsaday Nin galbeed la wada nacay Naga guur la wada yidhi Gumac loogu babacdhigay Gobannimo la wada helay Aadmigu gudboonaa Maxaa laygu galayoo Soomaali gaar u ah Muxuu reerku galabsaday? Arrimahan guntoodiyo Runta ma isla goobnaa Guddi culus ma saarraa? Quote Share this post Link to post Share on other sites