Sign in to follow this  
Paragon

Maxkamadaha Muqdisho oo sameysanaya gawaari dagaal iyo Diyaarad

Recommended Posts

Paragon   

saakay Muqdisho gaarsiisay hub iyo saanad kale

Posted to the Web Oct 17, 13:19

 

Muqdisho (PP) - Warar lagu kalsoon yahay oo ay Puntlandpost ka helayso ilo wareedyo ka ag-dhow Maxkamadaha balse diiday inay magacyadooda xusaan ayaa sheegaya in Maxkamaduhu ay sameysanayaan gawaarida dagaalka oo aad u fara badan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Geerash weyn oo ku agdhow Hotelka Ramadaan oo ay daggan yihiin Mas'uuliyiinta Maxkamadaha ay ak socoto sameynta gawaarida tiknikada loo yaqaan oo lagu rakibayo qoryaha culculus, lamana garanayo xilligaan sababta ay u sameynayaan Maxkamaduhu tikniko cusub.

 

Dhanka kale, waxaa jira in ilo wareedyo kale oo ku dhow Maxkamadaha ay sheegeen in saakay aroortii hore ay ka soo dagtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho diyaarad nooca milateriga ah oo u siday Maxkamadaha saanad milateri oo aad u fara badan, waxaana la sheegay inay diyaaraddu ahayd mid aan calaamad gaar ah lahayn.

 

Lama garanayo dalka ay sida tooska ah uga timid balse warar hoose ayaa qeexaya inay ka keentay hubka dhanka dalka Eritrea oo ay gacansaar aad u weyn la leeyihiin Maxkamadaha Midoobay, waxaana dowladda Eritrea ay soo gaarsiisay Maxkamadaha dhowr jeer oo hore saanad milateri oo aad u fara badan.

 

Maxkamadaha ayaa dhanka kale waxay inta badan inkiraan hubka ay ka helaan dalalka ay saaxiibbada yihiin sida Eritrea iyo kuwo kale oo ay qaarkood uga yimaadeen dhaqaale kala duwan oo ay kula dagaalameen hoggaamiyeyaashii laga eryay Magaalada Muqdisho ee caasimadda ah.

---

 

:D , No other websites report this so-called large scale preparations of the courts, except only few ones (Allpuntland, GedoNet, Puntlandpost et al.). The mystry and the shenanigans of their reportage, the 'xawaashayn' of their news articles is highly notable. If you spoke to the editors of these sites, they would tell you, in a clasically paranoid manner, that in the skies of Mogadishu there flies a very unknow object, which has the saansaan of Eritrean laafyo.

 

Xaaruunta Qaybiska Buufiska iga dheh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Paragon, believe, am not joking, when ever I want to have some laugh or comedy, I go to those websites you mentioned plus idaamle include also dayniile laakin dayniile dhawaanahan sidii Qanyare looga adkaadeyba run wax u dhaw bey soo tabiyaan beenna ka dheereyn, they all offer classic jokes, waxaa ugu darneyd markey idamaale report gareeyeen about that xildhibaan Fowsio, they said she had contacts with Al-qaeda and Al-itixaad, waa yacni sidee beey ooga soo horjeedsan kartaa dowladda.

 

 

illeen mararka qaarkood beenta waala sheegaa laakin in yaroo xishood ahna waa la raacsiiyaa si loo qariyo beenta aad sheegtay, kuwan beentiii ayeyba bac madoow intey huwiyeen bey xabag meyrax wadato dusha ooga dhajiyeen kolkaas bey meelaha ku wareen, haddee xabagtu kolkey qorraxdu qabato wey yara dhalaali, dhalaalkas ayaad ku garani iney tahay waxani wax ay soo dhoodhoobeen oo waliba carro madoow dhul ah lagu qasey, been cad baan arki jiree ma haddaan arkey been anqaas u eg, war kobtan aan iskaga cararo intaan la i oran clan hebel clan juj wama juuj clan dajjaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Lol, nuune. Waa runtaa ninyahow, dadkani miyirkiibaa dooni laga saarey sxb. Waana sidaad sheegtay e', sidii ciyaal aad nacnac ka xoogtey ayey oohin la eedaamaan markaad kaga soo hor jeedsato xaqdarada ay ku taagan yihiin. Qabiil iyo tol baa la yahay ayeey ugu takri falaan wanaaga iyo runtaba. Al-qaeda iyo Al-Itixaad waxaa lagu sheegaa ninkii diida in Ethiopian iyo gaalada la midka ah oo kana amar qaadan waaya.

 

Waxaa cajiib ah oo uu war igu soo gaarey in shirkii lagu qabtey Addis Ababa maalin dhoweyd uu Ethiopianku C/Yussuf iyo mas'uuliyiin ka socda Somalia ku amray in ay ciidamada ka kala qaadaan Aricadeeye. Warkani websiteyada aan kor ku xusey in aaney soo tabin ayey u badan tahay, balse waxaan marnaba qarsoomi karin in talaabo weliba oo ay qaadaan TFGda, Puntland iyo Somalilandba ay tahay mid lagu fuliyo 'amar' toos ah oo ka yimaada Addis Ababa. Waxa markii hore ay Ethiopia isugu fiirsaneysey labada ciidan ee isku hor fadhiya Aricadeeye waxa ay ahayd cabsi ay ka qabto hadii dagaal uusan samayn Puntland iyo Somaliland, koboca ay kobci karaan iyo khatar ay ku noqon karaan danaha Ethiopia. Sidaa darteed ayey Ethiopia u kala taageeri jirtey labada dhinacba, si ay iyagu isu hardiyaan sidaasna ku awood-darroodaan.

 

Hasa-yeeshe, maanta oo ay Midowga Maxaakimta awood ku yeesheen dalk Somalia, dagaalkii iyo dabintii Ethiopia u maleegi jirtey labadan dalka waxay ay ku hogaamin doontaa Midowga Maxaakimta; waa lafa geri iyagaa laysku jabshaa.

 

Marka xaalku waa sidaas, websiteyadanna waxa ay hada ka dib ka qaygeli doonaan war-xumatashiil iyo marin-habaabin loola dan-leeyahay in lagu gumeysto umada Soomaaliyeed. Waxaana inta badan qora oo wararka ku soo daabaca dad ay iyaga la tahay in runta loo juujuubo hadba sida ay iyaga la tahay. Aniguse, waxaan oran lahaa, xaqii afka laga xiraa feeruhuu ka dilaacaa. Mar dhow, qolyahan beenta ka baayac-mushtara suuqa ayaa ka xirmayaa; waxaana soo fuudsaareysa ciqaab tan ugu xun. Bal aan aragno sidey u adkeystaan markaa. Illeen geeridu xaq weeyaan gaalo iyo Isaame, markay qabriga la gasho bal aan aragno in beentu wax tarto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this